Articles

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

Written by Kubadda at 6:00 PM on Friday, February 08, 2013

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay  Horyaalkii  4aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho  ayaa ciyaartii kama dambeysta  Horyaalka  4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay  gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana  si xarago leh  markii  afaraad koobka gacanta ugu dhigay kooxda Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay kooxda Horseed.

Kulankan kama dambeysta  oo ay ku balansanaayeen labadan kooxood  ee  sida weyn u xafiiltama  dhinaca kalena kala metalayay  Ciidanka Xoogga Dalka 'HORSEED' iyo Ciidanka Booliska 'HEEGAN'  sidoo kalena  ay u kala saftaan  ciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Gabdhaha Kubadda Gacanta  ayaa waxay ciyaartooda  ahayd  mid si weyn  ay ugu soo qeybgaleen Taageerayaal  aad u badan iyo mas`uuliyiin kala duwan.  iyagoo soo bandhigay ciyaar ku dheehan asluub iyo xirfad sareysa.

Qeybtii hore ayaa u muuqatay mid ay labada kooxood kubaddu qeybsanayaan oo marba dhinac shabaqooda gool lagu hubsanayay, Laakiin qeybtii labaad ayay Heegan awood dheeraad la timid iyagoo  ka faa`ideystay ciyaaryahanadooda aadka u dhaadheer oo u sahlay inay kubadaha meel fog ay ka dhaliyeen sidaasna guusha ay markii afaraad oo isku xiga ay ku raacday 12-5.

Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow.  iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow} iyo Guddoomiyaha Degmada C/Casiis  C/laahi  Xuseen  Xasan  ayaa gabagabadii sheegay inay aad ugu faraxsan yahiin in Tartankan  guul ku soo dhamaado, iyagoo  halkaasina ku guddoonsiiyay  Abaalmarino  Koobab  ah kooxihii galay kaalimaha 1aad  2aad iyo 3aad.

 

   

Ugu dambeyn  XSKG ayaa   dhinaca kale warbaahintan u xaqiijiyay in Jimcaha soo socda ay qorshaynayaan  inay dhacdo ciyaartii kama dambeysta ee Horyaalkii 13aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo ay ku hardami doonaan kooxaha Heegan iyo Dekedda.

W/Q:Said Ibrahim Hussein (BUUNA)



Share:
email add to del.icio.us add to Digg add to Reddit add to Newsvine add to Stumbleupon add to Furl add to Google