Articles

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Written by Kubadda at 4:12 PM on Tuesday, July 09, 2013

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaa xalay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir  ku geeriyootay Hooyo  Culumo Xuseen oo ahayd Hooyadii dhashay Allaha u naxariistee laacibkii kooxda Wagad ama (FIAT) Jimcaale Maxamed Xaayow  (Gaashaan-yare) AUN.

Waxaa geerida Hooyo  Culumo Xuseen ka naxay dhamaan Bahda Isboortiga, waxaana halkan tacsi uga diraya Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirka Kubadda Cagta, xiriirka Kubadda Kolayga, xiriirrada kala duwan  iyo Bahda Isboortiga, waxayna leeyihiin RABBI naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa iyagana u tacsiyeeynayo Hooyo Xaawo Maxamuud Cumar, Maxamed Yuusuf (Jantiile) , Shukri Yuusuf afrax, ,Faiza Y Afrax, Aamino Y Afrax, Aadan Faray iyo dhamaan reer C/lle Qaylshow raage, Cumar Ganjab, Abuukar Ganjab iyo  dhamaan Reer Ganjab, Jaylaani Cali Neero (Baaba Jey) , Maxamed Muumin Aayare, iyo dhamaan reer Maanaboolyo.

Waxaan Allaha awoodda badan uga baryaynaa in marxuumadda Jannadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

4712 Views :: 231 Comments :: Article Rating :: Sports News


Share:
email add to del.icio.us add to Digg add to Reddit add to Newsvine add to Stumbleupon add to Furl add to Google