Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Youth Development

 

Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.
kubadda.com

Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.

Kulan kubadda kolayga ah oo aad u qiimo badnaa ayaa uu dhexmaray laba kooxood oo dhalin yaro da’doodu u dhaxaysay 16 ilaa iyo 19 sano jir, kuwaas oo ka kala socday magaalooyinka Leicester iyo London.

Kulankan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka dhalinta cuslaatay ee kubadda kolayga deegaankoodu yahay London oo la kaashaday dhigooda ku dhaqan magaalada Leicester.

Ulajeedada tartanka ayaa wuxuu ahaa in la helaa dhalinyaro da’yar oo mustaqbalka meteli karta Qaranka Soomaaliyeed. Shirar is daba jog ah oo ay bahda kubadda kolayga dhawaanahanba wadeen ayay waxay is tuseen in ay lagama maarmaan tahay in da’yartan laga shaqeeyo sidii meel layskugu keeni lahaa, looguna abaabuli lahaa tartamo kubadda kolayga ah.

Dhalintan ayaa ku kala firirsan dhamaan daafaha dalka U.K. Waxaa qorshuhu yahay in kulankan dabadiis loo qabtaa mid ay dhamaan ka soo qayb galaan magaalooyinka kale oo ilaa iyo hadda la hubo sida: Birmingham, Manchester, Cardiff iyo Liverpool. Waloow gacmo furan lagu soo dhawayn doono hadii ay jiraan magaalooyin kale oo haya dhalin yaro diyaar ah oo leh xirfadda kubadda kolayga.

Hadaan u soo laabto kulankii maalintii Axadda dhexmaray labadda kooxood ee London iyo Leicester, ayaa ahaa kulan aad u qiimo badnaa oo ay labadan kooxoodba soo bandhigeen xirfado aad u heer sareeyay, kaas oo ku bilowday dar dar weerar iyo weerar celis ah kaas oo 1st quarter-kii ugu horeeyay lagu kala nastay kooxda London oo lahayd 19 halaka kooxda Leicester ay ka keen satay 18 dhibcood.

Nasasho gaaban dabadeed ayaa laysku soo laabtay weerarkii meeshiisii ayuu ka bilowday waxaadna mooday in labadda kooxoodba ay ka soo faa’iidaysteen la tashigii macalimiintooda waxaadna mooday in kooxba kooxda kale ay fahantay qaab ciyaareedkeeda waxayna isla dhaafi waayeen 2nd quarter-kii in kooxda London ay hadan hogaanka ku hanato 32 dhibcood halaka kooxda Leicester ay ka keen satay 30 dhibcood.

Waxaa la maray nasashadii Half term-kii, kooxuhu waxay mar kale fursad u heleen in ay la tashi fiican la yeeshaan macalimiin toodii. Kooxda Leicester oo ku ciyaaraysay funaanadaha ay ku qornaayeen ILAMOS ayaa waxaa macalin u ahaa Siyaad Dahir oo uu wehlinayay macalin Mire, waxaana ka muuqatay xamaasad guubaabin iyo dhiiri gelin ku jirtay.

Ciyaarta ayaa waxaa Siiri wadayaal ka ahaa macalin John iyo Axmed Bile halka uu qorista iskoorka ama miiska u fadhiyay Mohamed Sheikh Abdi. Ciyaartii ayaa dib u bilaabatay waxaad mooday in labada kooxba si fiican u difaacayeen ciyaar yahanada kooxda kale ay is leeyihiin xirfadoodu waa saraysaa. Waxaan ka xusi karaa kooxda Leicester laacibka numbarka 23 u sitay ee lagu magacaabo C/kariin Abdi oo runtii ahaa cayaar yahan da’yar oo mustaqbal fiican leh iyo cayaaryahanka lambarka 13aad u watay Abdi Shakuur oo isna ahaa kubad qaybiye aad ay uga muuqatay kalsooni. Cayaarta qaybtan ayaa waxaa lagu kala nastay barbar dhac kooxda London 42 dhibcood kooxda Leicester-na 42 dhibcood.

Waxaa la galay qaybtii ugu danbaysay oo lagu kala baxayay, waxaad mooday in kooxda Leicester ay jiifteen ama in uu daalkii safarka ka soo baxay waxaa lagu qaaday weerar cir iyo dhul ah kaas oo looga dhaliyay ilaa iyo shan tuurashada sedexda dhibcood ah waxayna noqotay in ay ka niyad jabaan in ay tiigsadaan soo qabashada kooxdii London. Cayaartooyda aan ka xusi karo kooxdii London ayaa waxaa ugu cad cadaa wiil uu dhalay Biriq oo lagu magacaabo Cali oo watay numbarka 9 aad oo runtii ahaa xidigii cayaarta maalinkaas MPV. Waxaa kaloo kooxda London ayagana aan dab yar dhigin Elmi oo isna ahaa ninkii ugu goolasha badnaa tartanka oo dhaliyay 22 dhibcood kaligiis, waxaa kaloo isna dhexda ka xamaalanayay wiil watay numbarka 03 oo lagu magacaabo Omer, oo isna ahaa wiil dheer oo xoog u sheeganayay dhalin yaradii kale xagga rebound-ka. Waxayna cayaartii ku idlaatay 69 dhibcood oo ay guushii ku hanteen kooxdii London halka kooxda Leicester ay dhaafi wayday 49 dhibcood.

Runtii kulanku wuxuu ahaa mid aad u xiiso badnaa ayna aad ugu riyaaqeen daawadayaashii ka soo qayb galay tartanka, kuwaas oo codsaday in tartanka noocaan oo kale ah la joogteeyo si ay uga faa’iidaystaan dhalinyaradan da’da yare e aan helin fursado noocaan oo kale ah.

Ciyaarta kadib ayaa waxaa loo dareersaday goobtii soo dhawaynta iyo cashada maqaayad ku tiil Church road ee xaafada Willesden,taas oo loogu tala galay kooxdii Leicester.

Kooxdii Leicester iyo macalinkoodii ayaa aad uga mahad celiyay fursadan qaaliga ah oo ay walaalahood London siiyeen in ay ku soo dhaweeyaan cayaar hadana casho sharaf ku sii sagootiyaan. Waxayna balan qaadeen in ayagan markooda mid saan la mid ah ay ku samayn doonaan magaaladooda Leicester haduu Alle idmo.

Maxamed Sheikh Abdi (weli) oo ah xubin ka mid ah xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed kana mid ahaa odayaashii soo qaban qaabiyay tartankan ayaa runtii asna u mahad celiayay dhamaan maamulka iyo macalimiinta labada dhinac iyo cayaartooydooda. Waxaana aad ugu farxay ayuu yiri "sida is dhaxgalka dhalaankan iyo sida ay isku dhaafsiisanayeen aqoon is waydaarsiga xaga luqada Soomaaliga ah iyo wax yaabo magaca soomaaliga ah lagu dhaho oo aad mooday in ay ku adkeed qaarkood in ay sheegaan balse qaar kale sheegayeen. Dhalintan ayaa ka soo kala jeeday koonfurta iyo waqooyiga soomaaliya taas oo aad mooday in ay ku kala duwanaayeen sida ay lahjad ahaan ugu kala dhawaaqayeen." Wuxuu kaloo si qaas ah ugu mahad celiyay macalinka iyo macalin ku xigeenka kooxda reer Leicester oo runtii muujiyay ciyaar wanaag. Sidoo kale wuxuu iyana u mahadceliyay asxaabtiisa kale ee reer London ee waqtigooda qaaliga ah u huray in ay suuro gasho in tartankan uu u dhaco sidii ay u qorsheeyeen.

W/Q: xafiiska Kubadda.com

Print
10389 Rate this article:
5.0

Please login or register to post comments.

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top