Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Youth Development

 

30 August 2017
JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017

JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017

Waxaa galabtii axadda ee bisha August ahayd 27ka ku soo geba geboobay tartankii Somali Week oo loo qabtay sided kooxood oo da’doodu ka yartahay 18 jir. Tartankan oo lagu qabtay woqooyiga Galbeed London gaar ahaan Silver Jubilee Park, Brent.  Waxaa tartanku bilawday 20kii bisha waxaana tartanku ku soo gebageboobay wanaag iyo qaab sami.

Waxaa ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo baxay labada kooxood ee Jubba iyo Nabadda. Sidii lagu yiqiin ciyaar kama dambays ah, waxaa bilawgii ciyaarta laysku qaaday weerar iyo weerar celin, waxaase kooxda Jubba muujisay awood farsamo dheeri ah markii ay goolal daran doori ah la eegteen goolka Nabadda oo run ahaantii uu caabiyey gool haye Islaw oo badbaadiyey kooxda in badan.  Jubba oo soo bandhigtay xirfad kooxeed iyo farsamo shakhsi waa kooxda ugu itaalka fiican waxayna ku guuleysteen tartamadii kulaylaha 2017.

22 August 2017
Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.

Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.

Wasiirka oo sidii ku haboonayd loogu soo dhoweeyey wuxuu la kulmay dad aad u fara badan oo ka mid ah qurba joogta oo hore iyo hadda ku hawlan Isboortiga dhalinta Soomaaliyeed xiiseeyana kan dalkoodii hooyo. Waxaa Sidoo kale goob joog ahaa Xildhibaan Shiddo, Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiijo Nuur, iyo Xoghayaha Xiriirka, Axmed Cabdi Dahir Shell oo ah rug cadaa Isboortiga Soomaaliyeed, Dr Yusuf Shaqaaq, Eng Yusuf, Yu B,  Cabdirashiid Bakin, Wariye sare Muxyadiin Jaamac oo ka soo booqday kulankan dalka Canda gaar ahaan Toronto, iyo dad aan la soo koobi Karin oo kala ah ciyaartoy hore iyo hadda, maamul, garsoorayaal, Taageerayaal iyo waalidiin.
09 August 2017
Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.

Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.

Fahan oo ka faaiideyso ciyaaraha fudud (Athletics) oo aan qormadan si guud u dulmari doono intey u qaybsamaan iyo qodobo aan laga wada aqoon. Ciyaaraha fududi waa hooyada iyo Aabaha ciyaaraha oo dhan, sidaas awgeedna waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo laguna dhiirado ka qayb galkooda.  Uma baahna koox iyo garoon iyo qalab u gaar ah, waxaa intaas dheer in dhalinta Soomaaliyeed leedahay hibo Alle ugu manaystay loona baahan yahay in ay ka muuqato.

La soco qoraalo dambe oo la xiriira Ciyaaraha Fudud.

12 August 2013
Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya

Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya

Hordhac: Waxaan qoraalo hore wax uga taabtay ama ku xusay sida Isboortigu uu uga qayb qaadan karo horumarka dal, dalkaasi ha ahaado mid horumaray (developed) ama ha ahaado mid u baahan horumar (underdeveloped). Waxaa qaybaha bulshadda dunida oo idil ku midaysanyihiin aragtida ah in Isboortigu yahay aalad loo adeegsado horumarka shakhsi, deegaan, qaran, iyo mid caalami. Waxaa sidoo kale Isboortigu dabiibi karaa ama dawo u noqon karaa dhibaatooyinka ama aafooyinka, colaadaha iyo isu soo dhoweynta bulshadda

RSS
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top