Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

XAFLADDA XIRITAANKA TARTANKII RAMADAANKA WIILASHA K. KOLEYGA SOOMAALIYA

24 October 2007

Waxaa galabnimadii maalintii Isniinta, taariikhdu aheyd 22/10/2007 lagu qabtay Hotel Jiddah ee magaalada Muqdisho, xafladii xiritaanka tartankii Ramadaanka wiilasha kubadda koleyga dalka Soomaaliya. Tartankaas oo lagu soo gaba gabeeyay 19kii bishaan Garoonka Ex-Luujino, laguna gudoon siinayay kooxdii ku guuleysatay koobkii Tartankii Ramadaanka.

Xafladaasi oo aheyd mid si heer sare ah loo agaasimay loogana soo shaqeeyay ayaa waxaa diyaarinteeda iskalahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga. Waxaana kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan Xirrirada Isboortiga oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed Mudane C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow).

Guddoomiyaha oo halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo aad u xiiso badneyd kuna saabsaneyd dhiiri gelin uu kaga degayo ciyaartooyda bahda kubadda koleyga si ay dadaalkooda u laba laabaan asagoo u balan qaaday in hadda wixii ka danbeeyo ay kubadda koleyga la mid noqon doonto kubadda cagta oo kale, asagoo u balan qaaday in si joogto ah ay uga qeyb gali doonaan tartamada Afrika gaar ahaan kan Zoonka 5aad, asagoo u sheegay in uu arintaas kala hadlay Gudiga sare ee Olymbikada Zoonka 5aad.

Waxaa kaloo uu kula dar daarmay in Isbortiga uu ka reeban yahay cunsuriyadda, wuxuu digniin u jeediyay cayaaryahanada waxuuna kaga digay muqaadaraadka asagoo sheegay hadii cayaaryahan loo magacaabo Qaranka, ha ahaato kubadda cagta ama kubadda koleyga ama cayaaraha kala duwan in laga baari doono jirkiisa muqaadaraad.

Gaba gabadii, qudbada gudoomiyaha waxaa ka mid ahaa: “Hadda waxaa la maga caabay ciyaartooydii xulka kubabadda cagta, oo dhawaan u amba bixi doono dalka Jabuuti Hadii laga badiyo ciyaartaas, waxaan ganaaxi doonnaa 2 sano oo aan ka joojin doono cayaaraha dibadda.”

Sidoo kale madaxdii halkaas timid waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed Xaaji Cabdi Cilmi, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska Prof: Cadoow, iyo dhamaan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo marti sharaf kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Dhamaadkii xafladda, ayaa waxaa la bixiyay abaal marino kala duwan oo la siiyay kooxahii kaalinta fiican ka galey tan iyo intii uu socdey tartanka, Hay’ado iyo shakhsiyaad isugu jira Mas’uuliyiin iyo Taageerayaal taasi oo aan ka xusi karno 8 shahaado ka qeyb gal oo la siiyay kooxihii ka qeyb galay tartanka, iyadoo shan shahaado sharaf la siiyay kooxda D/hoose ee Muqdisho, waxaa iyagana min Hal shahaado sharaf la siiyay kooxda Feero kooxda Heegan, Saldhig Bari ee degmada C/casiis, iyo Maamulka degmada C/casiis.

Intaas ka dib waxaa cayaar yahankii ugu wanaagsanaa intuu tartanka socday loo aqoonsaday laguna abaalmariyay bilad qalin ah ciyaaryahan Yaxye C/laahi Maxamed (Bandaliif) oo u ciyaarayay Naadiga D/hoose ee Muqdisho, sidoo kale waxaa bilad sharaf la siiyay Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Banaadir ee xagga arimaha bulshada Mudane Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) isagoo ku muteystay in uu noqdo 17 sano ka dib qofkii ugu horeeyay oo soo nooleeyey Naadiga D/hoose ee Muqdisho asagoo balanqaaday in uu boorka ka jafi doono soona nooleyn doono dhamaan kooxihii Naadiga D/hoose, mar aan la xariiray ayuu ii sheegay in ay dhawaan ka qeyb gali doonaan tartan Sheetaranji ah oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Magaalada Muqdisho.

Gaba gabadii xafladda waxaa loo yeeray kabtanka kooxda D/hoose ee muqdisho kabtan C/laahi Afraxoow oo la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 2aad waxaana gudoonsiiyay C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow), waxaa hadana loo yeeray kabtanka kooxda Heegan oo lagu magacaabo kabtan Maxaadeey waxaana la gudoonsiiyay koobkii kaalinta 1aad ee tartarkii Ramadaanka wiilsaha Kubadda Koleyga waxaana gudoonsiiyay Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olymbikada Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Koleyga Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).

Maamulka qaban qaabada ayaa u mahad celiyay, maamulka webside-ka Kubadda.com, sida naxariista leh oo ay u saacideen soo baahinta, intuu socday tartankan.

Written by: Mahad Axmed Tagoow
Xaruunta kubadda.com ee Muqdisho.
Email: mahadtagoow@hotmail.com
Tel: 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football