Search
× Search


Welcome to Kubadda


A Somali community and sport portal!



Currently updating.






 

Waraysiga Xiddigaha


0 8906

TAARIIKH NOLOLEEDKII ABUUKAR ABANUUR MAXAMED

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan maanta bogeena taariikhda Halgamayaashii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed ku soo qaadan doonaa, mid ka mid ahaa kuwii waqtigooda u soo huray dadaalka maamulkii Isboortiga Soomaaliyeed ahaana rug cadaa in mudo ah u kala dhex gooshayay maamulka xiriirada kala duwan ee cayaaraha dalka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Mr. Abuukar Abanuur Maxamed.

0 7984

WARAYSIGA XIDDIGAHA (ABUUKAR SHIINO)

Bogga baadi goobka Taariikhda xidigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku lahayd cayaarta kubadda kolayga kaas oo magaciisu yahay Abuukar Axmed Maxamed oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Abuukar Shiino), oo u cayaari jiray naadigii kubadda kolayga (Minishiibiyo) ama Muqdisho iyo Qarankii Soomaaliyeed.

0 8388

WARAYSIGA XIDDIGAHA

Bogga baadi goobka Taariikhda xidigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku lahayd cayaarta kubadda kolayga kaas oo magaciisu yahay Axmed Muuse Huseyn oo u cayaari jiray naadigii kooxda kubadda kolayga Batroolka iyo Qarankii Soomaaliyeed. Axmed Muuse waxaan ku tilmaami karaa in uu ka mid ahaa ciyaartooyda fara kutiriska ahayd ee magaca wayn ku yeeshay taariikhda cayaarta kubadda kolayga Soomaaliyeed.

0 7914

TAARIIKHDA MACALIN TARABI

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan maanta bogeena taariikhda Xidigihii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ahaa maamulkii Olympicada Soomaaliyeed ahna xoghayaha guud ee gudiga olombikada Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Cabdulaahi Axmed Tarabi, oo ah khabiir waayo arag ah oo waqti badan u huray mideynta Isboortiga Soomaaliyeed iyo dhismihii gudiga GOS iyo waliba hal abuurihii berisamaadka tar tankii Xidigaha.

0 8059

WARAYSIGA XIDDIGAHA

Cabdi Maxamed Ciye-oo bahda isboortiga ay ugu yeeraan Cabdi dheere- ayay taariikhdu xusaysaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii iyo tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena Soomaaliya. Kooxdiisa kubbadda koleyga ee caanka ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta Jeenyo Ama shantii (5) tii Jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari jiray dhexda (Center). sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigay.

0 7533

WARAYSI CAJIIB AH OO AAN LA YEELANAY AXSAN LAACIB SHIIKHAALOOW

Waxaa Illaah mahadii ah in aan la kulano, oo aan waraysano mid ka mid ah xidigihii laacibiinteenii Soomaaliyeed (Legends) ee kubadda cagta dheeli jiray wixii ka horeeyey 1991-gii. Laacibkaas oo aan dhihi karo wuxuu magac, sharaf iyo sumcad waynba ku lahaa dalkeena iyo dadkeenaba. Qofkii maqla magaciisa, ama arko muuqiisa ee ka mid ah bahdii xiisayn jirtay ciyaarihii dalka, qaasatan kubadda cagta berisamaadkii, waxaa hubaal ah inuu markiiba soo xasuusanayo Shiikhaaloow midka uu yahay, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah dhalinta da'da yare e maanta ciyaarta ama daawata ama xiiseeysa isboortiga waxaa lagayabaa in aanay maqal magacaas.

0 10438

WARAYSI MURIIDI ABANUUR ABATI

Taariikhdu waxaa ay xusaysaa in dalkeenna Soomaaliya uu magac iyo maamuusba ku leeyahay noocyada ciyaareed ee kala duwan sida: kubbadda cagta, Kubbadda koleyga , Ciyaaraha fudud iyo kubbadda Miiska. Iyada oo ay noocyadaasi ciyaareed jireen ayaa haddana waxaa mar walba ka dhex muuqday dhallinyaro aan ku magacaabi karno xiddigo ama (legends) oo caan ku noqday noocyadaasi ciyaareed.

RSS

  

Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top