Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Youth Development

 

Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya
H Farah

Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya

Hordhac: Waxaan qoraalo hore wax uga taabtay ama ku xusay sida Isboortigu uu uga qayb qaadan karo horumarka dal, dalkaasi ha ahaado mid horumaray (developed) ama ha ahaado mid u baahan horumar (underdeveloped). Waxaa qaybaha bulshadda dunida oo idil ku midaysanyihiin aragtida ah in Isboortigu yahay aalad loo adeegsado horumarka shakhsi, deegaan, qaran, iyo mid caalami. Waxaa sidoo kale Isboortigu dabiibi karaa ama dawo u noqon karaa dhibaatooyinka ama aafooyinka, colaadaha iyo isu soo dhoweynta bulshadda

Intaanan hoos ugu degin muhimada qoraalkan waxaa lagama maarmaan ah in dhinacyada ay khuseyso ama bulshaddu si u wada fahmaan ama u wada arkaan micnaha, ujeedadad iyo habka loo fulinayo barnaamij kasta si midaysan, taas ayaa dan wadaagtu tacabka iyo miraha hawshana ay ku wadaagi karaan. Wixii laysku ogyahay waa wacad.

Aragtida Quruumaha midoobay (UN) ee Isboortiga & Horumarka.

Xog-hayaha guud (Secretary-General) Ban Ki-moon waxaa u qaabilsan mawduucan lataliyihiisa gaar Wilfried Lemke (Adviser on Sport for Development and Peace). wuxuuna ban ki-moon ka yiri:

“Isboortigu wuxuu ku leeyahay qayb muhiim ah dadaalka qaraamada Midowday ugu jirto horumarinta ama wanaajinta nonlosha dadweynaha dunida. Isboortigu wuxuu isu soo dhoweyaa shaksiyaad, beelo, iyo bulshooyin. Isboortigu wuxuu dhisaa buundooyin ama Bridges isku xira, wuxuu u diga rogaa in lagu beero miraha horumarka iyo nabada.'' sidaa waxaa yiri Wilfried Lemke, Special Adviser to the Secretary-General on Sport for Development and Peace

Adeegsiga awooda Isboortiga: Sida aan ognahay Isboortiga waxaa cayaara dhalinyarada waana kuwa lagu tuhmayo awooda jireed oo ay ku mataanaysantahay wax qabad dhab ah. Qofka dhalinta yar hadii aan lagu ababin hawsha intuu yaryahay, way ku adkaataa marka uu weynaado. dhanka kalena qof hawl bartay marna ma ahaan karo hawl la'aan. Diinteena wanaagsani wexey nooga digtaa wax kasta oo xun si aanan u caadeysan. Waxaa Soomaalidu taraahdaa waxaad barataa waa baaskaa ama badhaadhahaa, shar iyo khayr kaad dooratid. hadii aan aduunka cashar ka qaadano.

Waxaa aan leenahay aqoontii, xirfadii, iyo rabistii. Waxaan u arkaa in meel kasta oo bulsho degantahay u baahantahay in la jiheyo dhalinta si loogu diyaariyo mustaqbalka, dunadu inama sugeyso inaan ka horeyno mooyee ka hadhis ma laha!.

(Waxaan ka codsanayaa in la ixtiraamo xuquuqda qoraha lana weydiisto kubadda.com ama qoraha ogolaanshaha dabacaada qayb ama dhamaan qoraalkan)

Waa inoo qormada dambe,

W.Q.: Xasan M. Faarax (Macalin John)

Print
10592 Rate this article:
No rating

Please login or register to post comments.

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top