CUDURKA KOLEERAHA
Cudurka koleeraha ayaa ka dilaaca sanad walba wadamada saboolka intooda badan, sababana
dhimasha aan yareyn . Dalka somaliya ayaa ka mid ah wadamada uu sida joogtada ah
ugu dilaaco cudarkani, dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad badan ayaa u le’day cudurkan
sababtii gobolo badan oo somaliya ka mid ah, bishii maarso sanadkii 2000 oo keliya
dad gaaraya 1191 qof ayuu cudurka koleerahu ku dhacay 63 qof oo dadkaa ka mid ahi
waxay u dhinteen cudurkan sababtii ka dib markii uu cudurkani ka dilaacay shan gobol
oo somaliya ka mid ah ( Banadir,Bari, hiraan,shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose
). Hadaba in wax laga sheego cudurkan waxa uu yahay siyaabaha looga hortigi karo
loona xakameyn karo faa’fidiisa ayaa ah mid lama huraan ah si uu mushtamacu uga
qaado aragti guud.
Inta aanan u gada gelin wax uu yahay cudurka kuleeraha ayaan waxaan door biday inaan
kala saarno farqiga u dhexeeya cudurka koleeraha iyo cudurka daacuunka cudurka daacuunka
oo ay dad badani isku qaldaan. Soomaalida ayaa in badan ku magacawda koleeraha daacuun
calooleed. Balse marka loo noqdo cilmiga sayniska koleeraha iy daacunka ayaa ah
laba cudur oo kala duwan oo ay sababaan laba nooc oo bakteeriyada ka mid ahi.
Cudurka daacuunka (plague) waxaa keenta bakteeriyada loo yaqaan Yersinia pestis.
Cudurkan ayaa ah mid dilaa ah kana khatarsan koleeraha in badan calaamadaha uu cudurkani
leeyahay ayaa waxaa kamid ah nabara waaweeyn oo maqaarka kasoo yaaca iyo qanjirada
difaaca oo barara (bubonic plague). Dhiiga oo sumoobba (Septicenic plague) inta
badanna sababa dhimasha deg deg ah. Somobada oo dhiiga (pneumonic plague) .
Hadii aan u soo noqono cudurka koleerah ama daacuun calooleedba dheh waa sida ay
soomaalidu u taqaane ayaa waxaa keenta bakteeriyada looyaqaan Vibrio cholerae. inta
badan cudurkan waxa uu ka dhashaa cabitaan lacabbay biyowasakhaysan ama cunid lacunnay
cunta aan siwanaagsan loo bislayn amaba wasakhaysan. Jeermiska ama bakteeriyada
cudurkan keenta ayaa ah mid u nugloon aysiidhka iyo gaasaska ay caloosha aadamuhu
soodayso hadiise xaddiga bakteeriyadan ah ee biyaha ama cuntada uu qofku cunnay
ama cabbay lasocotay ay ahayd mid badan waxaa dhacda inay qaybka mid ah bakteeriyadani
katalaabto aysidhyada ay calooshu soodayso una talaabto dhinaca xiidmaha oo isagu
inta badan leh aysidh aan badnayn waxna u gaysan karin kororka iyo taranka bakteeriyadan.
Sikastaba xaaladu ha ahaatee mar hadii bakteeriyada Vibrio cholerae ku guulaysato
inay si fiican ugu taranto xiidmaha aadanaha wexey bilowdaa inay soo dayso sunta
loo yaqaan sunta koleeraha. Suntan oo sababta inay unugyada jirka gaar ahaan kuwa
xiidmuhu ay soo daayaan dheecaano iyo macdanno aasaasi u ah nolosha unugyada jirka,
suntani wexey kaloo jirka ka hor istaagtaa nafaqooyinkii, biyihii, iyo macdanihii
uu jirku ka nuugi jiray ama ka qaadan jiray xiidmaha. Sidaas darteed ayaa waxaa
dhacda inay macdano iyo biya badani ay jirka uga lumaan shuban ahaan iyo matag ahaan.
Mar hadii uu bukuhu gaaro heerkan oo kale uusanna helin daawayntii ku haboonayd
waxaa dhacda inuu bukuhu u dhinto nafaqo iyo macdan la’aan (fuqbax)
Calaamadaha uu leeyahay cudurka koleerahu
Calaamadaha bukaha cudurkani ku dhaco lagu arko ayaa waxaa kamid ah
1 Shuban biyo ah oo badan, aan lahayn wax midab ah watana dhibca dhibca axalo ah
(Flecks of mucus) inta badana u eg bariis lakariyay biyihii
2 Matag Vomiting)
3 Kaadi la’aan (Unuria)
4 Dhiiga oo hoos u dhaca ( hypotension)
Siyaabaha looga hortigi karo cudurka koleeraha
1)- In la cabbo biyo Nadiif ah:- In uu qofku cabbo biyo Nadiif ah oo aan laheyn
wax jeermis ah waa mid ka mid ah qaababka ugu muhiimsan ee cudurkan loooga hortigo
karo, biyo nadiif ah oo jeermis laheyn waxaa lagu heli karaa iyada oo la raaco qodobadan
a) Biyaha oo lagu daro maadada koloriinta:- maadadani waxay biyaha ka dishaa jeermiska,
waxaana lama huraan ah in biyaha lagu daro xadi goan oo dhex dhexaad waayo hadii
xadi badan oo maadadan ah biyaha lagu daro waxaa dhici karta in ay caamifimaad qofka
wax u dhinto, hadaba xadiga ugu haboon ayaa ah 2mg (miligaran)litirkiiba biyaha
baraagaha (berkadaha).
b) Biyaha oo la karkariyo
2)-Nadaafada iyo fayodhowr-ka deeganka oola ilaaliyo.
3)- Isticmaalka cunto Nadiif ah oo dhab loo bislayay:- cuntada ayaa ah waxyaabaha
ugu badan ee ka qeyb qaata faafida cudurkan, marka in uu qofku cunno cunto kulul
amaba uu dib u kululeyo hadii ay qabowdahay ayaa ah arin lama huraan ah si looga
hortago faafida cudurkan, weelasha iyo qalabka wax lagu karsado oo si wanaagsan
loo dhaqo..
4)- Gacmaha oo lagu dhaqdo saabuun markasta oo aad suuliga gasho ama ay gacmahaagu
taabtaan wax saxaro ah.
Daaweynta iyo xanaaneyta bukaha cudurka koleeraha:
Dhibanaha uu cudurkani kuu dhacaa waxaa uu u baahan yahay in lala gaaro daaweyn
deg-deg ah, daaweynta ugu haboona wa
1 Fuuqceli : fuuqcelin waa bukaha oo si deg deg loo siiyo cabitaano cusbo iyo sonkor
isugu jira (oral rehydration salts (ORS)) ama lagu xiro faleebooyin cusbo iyo sonkor
isku jir ah si loogu soo celiyo macadanihii iyo cusbooyinkii kaga lumay shubanka
iyo mataga.
2 Quudinta bukaha: sadex ilaa afar sacadood fuuqcelinta ka dib waa I n bukaha la
siiyaa cuntooyinka fud-fudud , hadii uu bukuhu yahay ilma yar oo naaska nuugayay
waa in naaska la siisaa .
3 Qaadashada antibiyootiga (antibiotic treatment): qaadashada antibiyootigu waxay
hoos u dhigtaa xadiga iyo muddada uu shubanku socon lahaa , inta badana waxaa haboon
in bukaha la siiyo antibiyootiga sadex ilaa afar sacaadood fuuqcelinta la ka dib
oo ah marka uu matagu istaago, antibiyootiga ugu haboon ee ay in la siiyaa bukuha
cudurka koleraha qabaa hadii yahay qof weyn waa DOXYCYCLINE waxaana ku filan hal
kuuro oo keliya, hadiise uu yahay ilmo yar waxaa haboon in la siiyo TRIMETHOPRIM-SULFAMETHOXAZOLE
daawadan oo inta badan u diyaarsan kiniini ahaan ama dareere ahaan oo loogu talagalay
caruurta.
Si kastaba xaalku ha ahaadee cudurka koleeraha faafidiisa waxaa ugu haboon oo lagu
xamakameyn karaa waa wacyi gelin mushtamaca lagu wacyi geliyo in ay dhooraan Nadaafada
iyo fayadhorka deegaanka, caruurtana lagu tababaro in aysan cunnin cunto feydan
oo suuq talaal, sida cuntooyinka lagu iibiyo iskoolada iridahooda hadii aysan aheyn
mid nadiif ah oo daboolan, arinta labaad ee xusida mudan meela badan oo soomaaliya
ka mid ah aan ku arkay waa ceelasha biyaha laga cabo ama berkadaha biya lagu shubto
oo laga ag qodo ama laga ag dhiso boosaneerooyinka (bulaacadaha) ayaa ah mid iyana
qatarteeda leh waayo siimowga (diffusion) bulaacadha iyo biyaha la cabaa waxa ay
keeni karaan in jeermis badani ku dhasho biyihii la cabi lahaa (contamination) kaas
oo sababa cuduro badan oo khatar ah.