Search
× Search
Friday, April 19, 2024

Article

 

CUDURKA WARAABOWGA
Kubadda Webmaster
/ Categories: Health

CUDURKA WARAABOWGA

Wadamada Africa oo uu cudurkani aadka ugu badan yahay ayaa waxaa ka mid ah, Itoobiya, Kenya , Yugaandha, Soomaaliya iyo wadamo badan oo duniida aduunka sadexaad ka tirsan.

Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa sababa nooc ka mid bagteeriyada ka mid ah oo loom yaqaan Treponema pallidum. Cudurkan waxaa lagu kalan qaadaa

1 Galmada

2 Hooyada cudurka qabtaana waxay u gudbin kartaa ilamaheeda

3 sidoo kale waxaa jermiska cudurkan keena la isugu gudbin karaa qofka oo si kama ama kas ah u taabta nabraha ama boogaha ka soo baxa bukaha qaba cudurka,

4 iyo 90% cudurkan waxaa lagu qaadaa galmada.

Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa u maraa sadex marxaladood oo kala duwan lehna sifooyin iyo calaamooyin kala gaar ah , hadii aan la daaweyn dhibanaha cudurkan qaba waxaa dhacda in uu u nafwaayo cudurkan dartiis, bal aan mid mid u eegno marxaladaha uu maro bukaha cudurkan qabaa iyo calaamadaha u gaarka ah marxalad walba.

MARXALADA KOWAAD EE WARAABOWGA (Primary Syphilis).

Maraxaladan oo ah marka ugu horeysa ee uu dhibanuhu cudurkan qaado ka dib marka uu la galmooday buke cudurka qaba, in ka badan 95% dadka uu cudurkani ku dhaco ayaa waxaa ay muujiyaan Nabar adag oo aan xanuun laheyn oo ka soo baxa xubinta taranka ee raga ama dumarka, nabarka noocan ah ayaa waxaa loo yaqaan 'nabarkii adkaa" (HARD CHANCRE), sidoo kale waxaa suura gal ah in uu nabarkani ka soo baxo oogada sare ee xiniinyaha (scurutum), labada dibnood ee xubinta taranka dumarka (labia), malawadka (rectum), faraha iyo afka. Nabarkan waxa la arkaa mudo u dhexaysa 10 ilaa 90 maalmood laga soo bilaabo maalinta ugu horeysa ee uu bukuhu qaado bagteeriyada sababta cudurkan.

Narbarkan ayaa ku baaba’a asbuuc gudihiis hadii uu bukuhu helo daaweynta ku haboon, hadii kalena waxaa uu u qarsoomaa si tartiib tartiib ah oo inta badan qaadata 4 ilaa 12 asbuuc, taas macnaheedu ma ahan in cudurkani intaas ku dhamaaday balse waxaaba dhacda in xaaladu intaas ka sii cakiranto, waayo bagteeriyada cudurkan keenta ayaa waxa ay raacdaa dhiiga dabadeedna dhibaateysa nudayaal (tissues) kale taas oo u dalacda marxalada labaad ee cudurka waraabowga.

MARXALADA LABAAD EE WARAABOWGA (Secondary Syphilis):-

Marxlaada labaad ayaa timaada ka dib marka ay bagteeriyada cudurkan keentaa raacdo dhiiga saameyna ku yeelato xubna badan oo jirka ka mid ah (systemic infection), waana ka dib marka ay doorsadaan nabaradii ka soo baxay xubnaha taranka marka la joogay marxalada kowaad (after healing of chancre lesions), waxaana dhacda in ay nabaradani sii muuqdaan marka la joogo marxaladan waase arin naadir ah.

In uusan bukuhu gelin marxalada labaad ee waraabowga ayaa waxa ay ku xiran tahay:

1 Hadba sida loo daaweyo marxalada kowaad.

2 Awooda ama itaalka difaaceed ee jirka bukaha.

Sidaas darteed uma badna in uu bukuhu galo marxalada labaad haddii labadaas qodob la helo.

Calaamadaha marxalada labaad ayaa ah kuwa la arko 6 asbuuc ama dhowr bilood ka dib laga soo bilaabo xiligii uu bukuhu cudurkan qaaday. calaamadaha marxalada labaad ayaa waxaa ka mid ah furuuruc iyo nabaro yaryar oo ka soo yaaca oogada sare ee maqaarka gaarka ahaan Adimada, calaacalaha, cagaha hoostooda iyo wajiga, furuuracan ayaa waxaa dhacda in ay mararka qaarkood dilaacaan oo isu bedelaan nabar weyn (ulcer).

Hadii ay madaxa ka soo baxaana sababa qofka in ay timuhu ka daataan si ku meel gaar ah (temporary alopecia).

Ogow bukuha cudurkan qabaa waxaa uu cudarka si aad ah u gudbin karaa marka uu ku jiro marxalada kowaad iyo labaad.

MARXALADA SEDEXAAD EE CUDURKA WARAABOWGA (Tertiary or late Syphilis) :

Marxalada sadexaad ayaa ah mid soo daahirta sanado badan ka dib waana marxalada ugu khatarsan ee cudurka waraabowga waayo waxaa ay saameyn xun ku yeelataa xubnaha maamula shaqada jirka.

BAARISTA CUDURKA WARAABOWGA (Diagnosis of Syphilis).

In bukaanka cudurka qabo lo diro shaybaarka dhiigiisa iyo dhacaanka nabaridiisa

DAAWEYNTA CUDUDARKA WARAABOWGA:

Daawada ugu badan ee loo isticmaalo daaweynta cudurkan dhamaan maraxaladihiisa waa Penicillin qaabka, xadiga iyo waqtiga la isticmaalayo waxaa qeexaya dhakhtarka.

Cudurada galmada lagu kala qaado ayaa ah kuwa ku socda xawaare sare sababtuna waa gogal dhaafka iyo sinadii oo noqotay arin caadi ah.

Waxaan tale ahaan uu ogeysiinaya si cudurkaas haliste ah loogu badbado, inlayska illaliyo gogol dhaafka badan.


Previous Article International Relations of Somalia
Next Article Cudurka Jabtadda
Print
5848 Rate this article:
3.5
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top