Search
× Search
Friday, April 26, 2024

Disability Sport | Disability Sport News

Latest disability sport news, mainly in Somalia and Somali community around the world

 

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
kubadda.com

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.

AUN Raage wuxuu ahaa aqoon yahan wax ku bartay dalka Ingriiska, balse dib ugu laabtay dalkiisii hooyo mudo sanad laga joogo, si uu aqoontiisa uga faa’iideeyo.

Hadaba hadaan nahay dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, waxaan Allaha awoodda badan uga baryaynaa in marxuumka Jannadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin….

FIIRO GAAR AH: Ciidii doonto in ay u tacsiyayso marxuumka ehelkiisii fadlan meeshan hooso ku qoro si shaqsi ama koox koox ah midba.

Print
8613 Rate this article:
No rating

Please login or register to post comments.

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top