Taariikhda Isboortiga
Isboort(sport) waxaa lagu micneeyaa ku tartan xirfad ama awood jireed oo leh sharci
iyo xeer. Isboorti waxaa badi lagu nisbeeyaa looltan ama tartan u dhexeeyaa laba
dhinac oo lagu tartamayo awood jireed iyo xeelad lana tiigsanayo guul, oo laga baxsanayo
guul darada.
Waagan cusub waxaa soo biirtay in lagu tartamo awooda maskaxeed iyo tayada qalab,
sida Isboorti Maskaxeed (Mind Sport), iyo Tartanka baabuurta (Motor Sport). Ereyga
Sport wuxuu ka soo jeedaa erey hore oo faransiis ah “desport”.
Waxaa la ogyahay 6000 sano ka hor, in dalka Shiinaha ay ka jireen tartamo isboorti,
waxaana waayadii hore aad uga caan ahaa qalaama rogadka ama Jimnaastikada. Taariikhda
faraaciintuna waxey muujisay in waqtigoodii ay ka hirgaleen tartamada Dabaasha iyo
kaluumaysiga. Waxaa kale ee masaaridii hore ka hirgalay tartamada waran tuurka,
boodada sare iyo legdanka. Waxaa kale oo muuqata in Bershiyaankii hore oo ah dalka
aan manta u naqaan (Iran), iyo ilbaxnimooyinkii kale oo dhan waxaa ka muuqatay in
ay ka jireen tartamo isboorti.
Waxaa aad u hirgeliyey dhaqanka Isboorti xadaaradii ama ilbaxnimadii Giriiga (Greece),
waxaana sal u ahaa ciidamayntii waqtigaas jirtey.
Griigu wuxuu bilaabay tartanka aan manta u naqaan Olombiga (Olymbic Games) tartankaas
oo afartii sanoba mar la qaban jirey, laguna qaban jirey magaalo loo yiqiin Olymbia.
Tartanka isboorti wuxuu ku sii ambaqaaday ilbaxnimadii Rooma iyo intii kale.
Wixii xiligaas ka dambeeyey waxaa Isboortigu ku jirey horumar joogta ah, taas oo
ay sabab u tahay horumarka nolosha aadamigu samayey. Wershedeynta iyo horumarka
dhaqaale wuxuu sababay in dadku helaan dhaqaale iyo waqti madadaalo.
Isboortigu waqtiga hadda la joogo wuxuu gaaray in uu dhaafo xuduud , luqad, dhaqan
iyo midab. Isboortigu wuxuu ka dhaqaale batay wadamada ugu dhqaalaha weyn waxuuna
noqday hab maamul bulsho.
Waxaa halhays isboortiga u ahaa “Caqlii fiyow wuxuu ku jiraa jir fiyow”
Written by: Xasan Faarax (John)