Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada
Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan
Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho
ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo
laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale
oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday
oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs
Caasho Kiin Faarax Ducaale.
AUN Raage wuxuu ahaa aqoon yahan wax ku bartay dalka Ingriiska, balse dib ugu laabtay
dalkiisii hooyo mudo sanad laga joogo, si uu aqoontiisa uga faa’iideeyo.
Hadaba hadaan nahay dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, waxaan Allaha awoodda
badan uga baryaynaa in marxuumka Jannadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii,
qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin….
FIIRO GAAR AH: Ciidii doonto in ay u tacsiyayso marxuumka ehelkiisii fadlan meeshan
hooso ku qoro si shaqsi ama koox koox ah midba.