Maxamed Faarax (Mo Farah) oo galay buuga Taariikhda Orodada
Maxamed Faarax oo loo yaqaan (Mo Farah) ayaa gaaray guulo iyo heer aqoonsi hore
hal qof keliyii u gaaray markuu Sabtidii la soo dhaafay ku guulaystay orodka 10,000m
(Toban kun mitir), maanta oo jimco ahna uu ku labaystay orodkii 5,000m (shan kun
mitir) Tartanka Horyaalka Ciyaaraha Fudud Dunida (World Athletic Championships)
oo sanadkan lagu qabtay magaalada Mosko ee dalka Ruushka.
Maxamed waxaa u tashaday ciyaartoy u ordayey Kenya iyo Ethiopia oo marna aan filayn
in uu guusha maanta qaato iyagoo isku dayey iney marka horena daaliyaan marka dambena
ka cararaan. Ragga tartanka u soo xaytay inay Maxamed ka guuleystaan waxaa ka mid
ahaa afar ciyaartoy oo Kenya u dhasha, Bernard Lagat wuxuu u ordayey dalka Maraykanka
iyo afar Ethiopia u dhashay midkood Dejenee Regassa wuxuu u safnaa dalka Bahrain.
Waxaa bilawgii la damcay in Maxamed la daaliyo iado hogaanka laysu dhiibayo wuxuuse
tusay inuu Maxamed leeyahay adkaysi uu kula soco xawaare kasta, markii sideed boqol
dhinayd ayaa Maxamed wuxuu go'aansaday inuu kala reebo wuxuuna kululayey degdegtii
lagu ordayey, si fudud ayaa loo kala baxay waxaana 15 tartame isku haray ilaa shan
ka mid ah. Markii afar boqol oo mitir dhinayd ayuu Maxamed kar kale ku daray degdegtii
orodka sidii looga bartay waxayna noqotay yaa isoo qaban kara? Ciyaartoyga Isiah
Kiplangat Koech (Kenya) ayaa eryaday markii dhamaadka loo dhowaaday ayaa lugihii
cuslaadeen, waxaana xawli ku dhaafay Hagos Gebrhiwet oo ku guuleystay kaalinta Labaad
wuxuuna u dhashay Ethiopia.
12kii bilood ee la soo dhaafay waxay ahayd waqti aad ugu wanaagsan orodada dhadheer
ee dalkan Ingiriiska waxaana Maxamed Faarax uu noqday ninkii labaad ee ku guulaysta
orodada 10,000m iyo 5,000m labada tartan ee Olombiga iyo Horyaaalka dunida. Waxaa
keliya oo heerkan hore u gaaray Orodyahankii Caanka baxay Kenenisa Bekele oo u dhashay
dalka Ethiopia kuna guulaystay orod kasta sida Maxamed Faarax.
Markii la weydiiyey siduu ku gaaray guusha wuxuu ku jawaabay hawl badan, tababar
xoog leh oo saacado badan qaatay, iyo kalsooni inuu gaari karo heerkan.
Ugu dambayn wuxuu u mahad celiyey dhamaan intii saaciday wuxuuna magacaabay macalinkiisa
Alberto Salazar oo ahaan jirey ciyaartoy orodada dhaadheer una dhashay dalka Maraykanka.
Wuxuu u mahad celiyey Reerkiisa, macalinkii ku dhiiri geliyey orodka iyo taageerayaashiisa
oo dhan.
Bernand Foster oo ku guuleystay bilad ciyaarihii 1976 ayaa wuxuu ku sheegay in Maxamed
Faarax yahay ciyaartoyga ugu fiicnaa ebid orodyahanada dalka Ingiriiska. waxaana
loo qoray sidan''BBC Sport commentator Brendan Foster called Farah the greatest
British athlete of all time.''
Maxamed Faarax wuxuu mar kale ka markhaati yahay in dhalinta Soomaaliyeed leedahay
hibada orodyahanimo, ayna u baahanyihiin tababar iyo hawl.
W/Q: Xasan M. Faarax (Macalin John)