Hablihii hore ee Kubadda Kolayga oo doortay hogaan cusub
Waxaa soo gaaray magaaladda London, ee caasimadda Boqortooyadda Midowday (United
Kingdom) ciyaartoy magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga, kuwaas oo ahaa cayaar
yahanadii gabdhahii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed.
Kulankan oo qayb ka ahaa,
shir sanadeedkii gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu balansanaa
in uu ka dhaco London, oo ay ku suganaayeen dad badan oo Soomaali ah laguna qiyaaso
ku dhowaad laba boqol oo kun, waxaa sidoo kale ku sugan ciyaartoy fara badan oo
isugu jira kuwii hore iyo kuwa dambo oo kala metela cayaaraha kala duwan.
Ergooyinka
gabdhaha ka kala imaanayay wadamo badan oo yurubta ah, ayaa soo dhawayntooda iyo
deegaan dejintoodaba waxaa balan qaaday gudoomiyihii xiligaas oo ahayd Miski Cumar,
oo ay wehliyaan dhamaan xubnihii gabdhihii kale ee London la deggenaa.
Iyagoo maalmo
kala duwan soo gaaray London, ayaa kuwoodii ugu danbeeyay ay soo galeen maalintii
khamiista bishu ahayd 06 july 2017.
Kulanka ayaa u suurto gashay in ay ka soo qaybgalaan
sanadkan:
- Xaawo Muuse Cabdulle (X-Dheer) Norway
- Muna Caydaruus Norway
- Xaawo Maxamed Cabdulle (Xaawo Kiin) Jarmal
- Canab Cabdullahi Sh Axmed (Istaahil) Holland
- Astur Jaamac Cilmi Sweden
- Dhuux Jaamac Cilmi U.K. Bolton
- Shukri Maxamed Nuur Dhalbaas U.K. Northampton
- Aamina Cumar Kuukay (Nuuna) London
- Safiya Maxamuud Gudaal (Neero) London
- Diib Cabdi Jaamac London
- Samsam Xaaji Geele London
- Caasha Geelo London
- Khadiijo Cabdi Gacal London
Kadib markey kulmeen waxaa nasiib u yeeshay habeenkii khamiista in uu casho soo
dhoweyn ah u fidiyo asagoo safar ahaa macalin Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad “Shiino”
oo ay wehliyaan asxaab kale oo reer London ah, oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Axmed
iyo Maxamed Khaliif.
Waxaa maalintii Jimcaha 07/07/2017 dib laysugu noqday wadahadalkii
horumarinta iyo doorashada xubnaha maamulka sida ay soo jeedisay Gudoomiye Miski
Cumar, si cid kastaa uga qayb qaadato maamulka iyo maaraynta ururka. In kastoo laysku
dayey in Miski lagu qanciyo iney xilka sii hayso haddana waxay ku adkaysatay in
wanaagu ku jiro in la sameeyo isbedel cusub. Wallow Soomaalida oo lagu bartay xukun
jacayl iyo in uu qof walbaa isku sharxo in uu isagu xilka qabto.
Hadana gabdhaha
kubbadda kolayga waxay ahaayeen gabdho diin iyo iimaan leh. Kuligoodna waa diideen
in ay isku sharxaan qabashada maamulka xilka gudoomiyenimada. Waxaa laga fursan
waayay oo lagu hishiiyay in warqad lagu qoro jagada Gudoomiye nimada oo si baqtiyaa
nasiib ah waraaqo badan oo kale meel lagula rido, cidii la baxdaana ay noqoto Gudoomiye.
Waxaana nasiib u yeelatay Xaawo Kiin. Intaa kadib waxaa laysku af-gartay in laga
wada hadlo sidii loo dhisi lahaa maamulka intiisa kale. Waxaana laysku raacay guddiga
cusub in uu noqdo sida tan:
Xaawo Kiin Axmed Cabdulle (Jarmal) Gudoomiye
Miski Cumar Xobor (UK) Gudoomiye Xigeen
Astur Jaamac Cilmi (Sweden) Khasnad Haye (Treasurer) Nuuna Cumar (UK) K/Xigeen Khasnad
haye:
Canab Cadullahi (Holland) Xog-Hayn:
Shukri Maxamed Nuur Dhalbaas (UK) Af-Hayeen Xubin:
Xaawo Muuse Cabdulle-Xaawo Dheer-(Norway). Xubin
Maadaama doorashadii ay dhamaatay ayay codsadeen subixii maalintii sabtida in garoon
loo raadiyo si ay u jimicsadaan, waxaa lagu balamay garoon kubadda kolayga ah oo
ku yiilay Woqooyiga Galbeed ee London (NW London). Kaas oo uu u soo diyaariyay macalin
Xassan faarax (John) si hablahan xirfadoodii ahayd kubadda kolayga ay isu tijaabiyaan
in ay weli kubadda tuur tuuri karaan una soo xusuustaan waayihii berisamaadka. Inkastoo
ay albaabada hoosta ka soo xirteen una diideen in ay cidi daawato balse daal iyo
farxad ayaa ka muuqatay markay cayaarta ka soo baxeen. Waxaa cayaartu socotay 11:00
aroornimo ilaa 13:00 waxaana lagu soo bandhigay sida naloo sheegay farsamo aad u
saraysa iyo xamaasad ciyaareed. Kulankan oo u furnaa dumarka keliya, waxaa naloo
sheegay in ciyaartii ku dhamaatay barbaro (draw, tie). Waxaa hubaal ah in ay wax
badan ka sheekayn doonaan. Safarka joogitaanka hablaha intoodii socdaalka ku timid
oo gaabnaa owgeed ayaa casho sharaf iyo sagootin isku jirtay u fidiyeen wiilashii
hore ee Kubadda Kolayga oo uu deegaankoodu hada yahay London. Goobta cashada ayaa
waxay ahayd Rayaan Resturant, 610 High Road, London N17 9TA, aadna ugu dhow garoonka
kooxda Tottenham Hotspur ee woqooyiga London. Kulankan oo aad looga soo qayb galay,
waxaa ugu horeyn ereyo waano iyo is xusuusin ah ku soo dhoweeyey Sheikh Cabdulqaadir
Garwayne, kadibna waxaa ereyo kooban yiri Macalin Xasan Faarax. Intaas kadib waxaa
warbixintii soo jeedisey Miski Cumar iyo dhamaan gabdhihii oo fekrado, taageero
iyo waano soo wada jeediyey.
Dhamaadkii shirka waxaa Gudoomiyaha Cusub Xaawo Kiin
ka warantay waxay ku soo aragtay safarkey Soomaaliya ay ku tagday, iyo waxa qurba
joogta la gudboon. Geba-gebadii waxaa soo gunaanaday Maxamed Sheikh Cabdi (WELI)
oo mar kale soo dhoweeyey dhamaan marti sharaftii, una rajeeyey safar salaama iyo
nabad qab. Waxaa dhamaan loo mahad celiyey maamulka Rayaan Resturant gaar ahaan
milkiilaha Maxmed Ciise, oo muujiyay soo dhoweyn qiimo leh, addeeg wanaagsan iyo
cunno macaan iyo cabitaan aan kala go’lahayn. Waxaa kaloo xusid mudan, in uu nasiib
u yeeshay asagoo safar ku yimid London, inuu ka soo qayb galo casho sharaftan laacibkii
hore ee wiilasha kooxda Batroolka iyo qaranka soomaaliyeed ee kubadda kolayga Bashiir
Yuusuf (Bashiir Fox). yadoo aan lagu kala maqnaan xaflada soo dhawaynta iyo sagootinta
gabdhihii hore ee kubadda kolayga intoodii wadamada fog ka yimid, ayaa habeenkaas
aan ka xusi karnaa dadkii goobta xaadirka ku ahaa: Abuukar Dheere, Axmed Bile, Axmed
Yaasiin,Bashiir Fox, Bashiir Gurey, Bashiir Macalin, C/qaadir Garwayne, Cabdiraxmaan,
Cabdiweli Sabriye, Cabdi xakiin, Cabdullahi Abshir, Cabdullahi Xaaji Cilmi EREG,
Cali Salaad,Eng. Baana,Liibaan Yuusuf,Macalin John, Mahad Bilig, Maxmed Sheikh Weli
iyo macalin Siciid Geesey.