Search
× Search
Thursday, April 25, 2024

Youth Development

 

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK
M Sheikh
/ Categories: Sports News, Basketball

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK

Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha cusub ee XSKK C/laahi Nuur Maxamed (Cadaani) dhawaan ayaa uu ku cadeeyay in Axmed Muuse Xuseyn loo doortay lataliyaha gudoomiyaha XSKK iyo maamulka dhamaan xulalka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay si loo gaaro horumar iyo talaabo hor leh in la helaa aqoon yahano leh xirfadda, aqoonta iyo maamulka kubadda kolayga

Dhawaan ayay ahayd markuu gudoomiye Cadaani,u bayaaniyay gudoomiye ku xigeenada cusub ee XSKK iyo xubnahooda xilalka iyo shaqooyinka ay kala leeyihiin. Talaabadan ayaa ah tii xigtay oo uu gudoomiyuhu hadana maamulka ka soo qayb geliyo mid ka mid ah cayaaryahanadii hore ee u soo halgamay Qaranka soomaaliyeed qayb wayna ka soo qaatay dadaalka horumarka kubadda kolayga.

Axmed Muuse Xuseyn ayaa ahaa laacibiintii magaca wayn ku lahayd cayaarta kubadda kolayga oo u cayaari jiray naadigii kooxda kubadda kolayga Batroolka iyo Qarankii Soomaaliyeed. Axmed markuu ka fariistay cayaaraha wuxuu macalin u noqday kooxo kala duwan laga soo bilaabo Gobol, naadi iyo Qaranba.

Sanadii 1982-dii wuxuu macalin u noqday kooxdii naadiga wiilasha Batroolka

Sanadii 1985-tii wuxuu macalin u noqday kooxdii naadiga gabdhaha Sancada

Isla sanadii 1985-tii wuxuu macalin u noqday kooxdii wiilasha Gobolka Sanaag.

Nasiib xumo dhamaadka sanadii 1985 ayuu ka dhoofay dalka una safray dalka Jarmalka oo ilaa iyo hada ay reerkiisu deggan yihiin. Axmed wuxuu ka mid ahaa asxaabtii qaybta wayn ka qaadatay tartankii wiilasha kubadda kolayga Zone-ka 5aad ee dhawaanta lagu qabtay dalka Tanzania asagoo ka ahaa maamulaha kooxda (Team Manager) kooxda watay.

Hadaan nahay maamulka kubadda.com waxaan u hambalyeeynaynaa Axmed Muuse jagada cusub ee loo magacaabay, waxaana Illaah uga baryaynaa in uu la garab galo. Sideedana qof kaligiis wax ma qaban karo balse waxaan rajaynaynaa dhamaan Bahwaynta kubadda Kolayga oo isku duuban in ay garab ku siin doonaan xilkaas weyn ee dusha laga saaray.

Si aad u akhrisato warqada magacaabida RIIX HALKAN

W/Q: Mohamed Sheikh Abdi (weli)

Print
5854 Rate this article:
No rating

Please login or register to post comments.

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top