Search
× Search
Wednesday, May 8, 2024

Youth Development

 

10 December 2017
Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017

Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017

Waxaa magaala maddaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda tartankii kubadda cagta ee Goboladda Soomaaliyeed 2017.  Ciyaarahani waxay bilaabmeen xilligii kacaanka waxaana ujeedadu ahayd is-dhexgalka bulshadda iyo in la helo dhalinyaro caafimaad qabta oo u hiilan horumarka dalkoda.  Dowladda ayaa ka mas’uul ahad suurta gelinta tartanka wuxuuna aha hawl ay wadajir u qabtaan dhamaan hay’adaha dowladeed. Tartanka oo ah kii 2aad ee dib u soo rogaal celinta tartanka waxaa qorshuhu ahaa in lagu qabto Kismaayo, waxaase mar dambe dib loogu soo celiyey Muqdisho duruufo jira awgood.

06 August 2013
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.

10 June 2013
Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Habeenkii Isniinta oo taariikhdu ahayd 10/06/2013 ayaa ay ku kulmeen xubnaha ku jira xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed kuwooda qurbo joogta ah, maqaayad ku taal galbeedka London oo la yiraahdo Blue Ocean. Kulankan ayaa uu soo abaabulay xoghayaha guud ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah.

04 April 2013
Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shakhsi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

17 February 2013
CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Maamulka naadiga Heegan ayaa Maqaayadda weyn ee LIDO SEA FOOD Casho Sharaf lagu maamuusayo guulaha ay ciyaarta Kubadda Gacanta ka soo hoyeen wiilasha iyo gabdhaha kooxda Heegan ku qabtay, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiinta GOS , Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , Ciyaartoy iyo Marti Sharaf kala duwan.

16 February 2013
Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Heegan iyo Dekedda, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay kooxda Heegan oo 17-15 ugu awood sheegatay kooxda Dekedda.

08 February 2013
Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay  Horyaalkii  4aad ee Kubadda Gacanta

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan, waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay kooxda Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay kooxda Horseed.

29 January 2013
Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda

Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda

Waxaa ciyaar ka tirsan Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho isaga horyimid gabdhaha Horeed iyo Dekedda , waxaana guud ahaan muuqatay inay ku gacan sareeyeen Horseed oo goolal badan huwiyay gabdhihii Dekedda oo ay ku kala direen 14-4.

26 January 2013
Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink

Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar kulul isaga horyimid Kooxaha Heegan iyo Nationlink . iyadoo si xarago leh ay guushii ku raacday kooxda Heegan oo 28-22 ugu awood sheegatay kooxda Nationlink.

RSS
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top