Waxaa magaala maddaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda tartankii kubadda cagta ee Goboladda Soomaaliyeed 2017. Ciyaarahani waxay bilaabmeen xilligii kacaanka waxaana ujeedadu ahayd is-dhexgalka bulshadda iyo in la helo dhalinyaro caafimaad qabta oo u hiilan horumarka dalkoda. Dowladda ayaa ka mas’uul ahad suurta gelinta tartanka wuxuuna aha hawl ay wadajir u qabtaan dhamaan hay’adaha dowladeed. Tartanka oo ah kii 2aad ee dib u soo rogaal celinta tartanka waxaa qorshuhu ahaa in lagu qabto Kismaayo, waxaase mar dambe dib loogu soo celiyey Muqdisho duruufo jira awgood.