Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Handball

Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda

Waxaa ciyaar ka tirsan Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho isaga horyimid gabdhaha Horeed iyo Dekedda , waxaana guud ahaan muuqatay inay ku gacan sareeyeen Horseed oo goolal badan huwiyay gabdhihii Dekedda oo ay ku kala direen 14-4.

Ciyaartan ayaa durba ku bilaabatay dardar xooggan ay la soo galeen Horseed oo goolal badan qeybtii hore kaga naxsaday Dekedda, markii la isku soo laabtay ayay Horseed oo awood soo bandhigaysa waxay garoonka kala baxeen xiddigahooda waaya-aragga ahaa waxayna garoonka la yimaadeen da`yartooda oo iyaguna markooda wacdaro la soo baxay ciyaartana ku soo afjaray 14-4 oo ay guusha kula hoydeen gabdhaha Horseed.

"Waxay ahayd ciyaar xiiso leh, Xiddigaha aan ku dhaaranay waan fariisinay qeybtii danbe, waayo gabdhaha Dekedda waxay u badan yahiin gabdho da`yar oo dhawaan ku soo biiray ciyaartan kubadda Gacanta, kuweena da`da yarna waad aragteen si qurux badan ayay ula ciyaareen waana ka guuleysanay- anaga Koobkan wuxuu tartan weyn inagala dhaxeeyaa Kooxda Heegan waxaana rajeynaynaa inaan koobkan kaga qaadno si xarago leh" sidaasna waxaa warbaahintan gabagabadii ciyaarta ugu waramay Tababaraha Horseed Ibraahim Abaareey.

Waxaa ciyaartan garsoorayay Axmed Maxamed Mukhtar iyo Maxamed Cabdi Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}. iyadoo Saacadda uu hayay Maxamed Xasan Fiidoow.

Si kastaba, Ciyaarta gabdhaha Kubadda Gacanta waxaa u soo daawasho taga Taageerayaal aad u badan, waana ciyaarta keliya oo ay taageerayaasha goor hore soo galaan garoonka. marka seeriga bilowga ciyaarta uu dhaco waxaa muuqanaysa in garoonka ay dirqi tahay in laga helo meel laga fadhiisto.

KALA HOREYNTA DHIBCAHA

Kaalin Kooxda DHibcaha
1 Heegan 12
2 Horseed 12
3 Dekedda 3
4 NationLink 0

By: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article Koobka Qaramada Afrika 2013
Next Article Egypt mans and Kenyan women have secured their places at Afrobasket 2013
Print
5484 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top