Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Handball

Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Heegan iyo Dekedda, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay kooxda Heegan oo 17-15 ugu awood sheegatay kooxda Dekedda.

Labadan Kooxood ee Heegan iyo Dekedda ayaa ah labada kooxood ee ugu awoodda weyn dhanka Kubadda Gacanta dalkeena waxaa ka dhaxeeya xafiiltan ciyaareed aad u heer sareeya, waxaana muuqanaysa markii ay kulmayaan inay ciyaarayaan kulan xirfad iyo xamaasad badan.

QAABKA CIYAARTA

Qeybihii ugu horeeyay Kooxda Dekedda waxay la soo baxday ciyaar farsamo leh waxaana muuqanaysay inay goolasha ku hormarayaan halka Heegan ay mar walba barbardhaca ay ku dadaalaysay, Laakiin waxay xaajada is bedeshay markuu garoonka soo galay ciyaaryahanka ay ku dhaartaan Heegan Cali Baraawiini oo goolal deg deg ah shabaqa Dekedda dhex dhigay sidaasna ugu sahlay inay hogaanka ciyaarta ay la wareegto Heegan, waxaana xusid mudan in fursado qaali ah oo soo maray Dekedda ay iska lumiyeen kuwaas oo u badnaa rigoore (penalty). guud ahaan ciyaartan xiisaha lahayd ayaa 17-15 ku soo gabagabowday.

Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Nuur Rooso. iyadoo Sacaadda uu hayay Maxamed Dheere.

Gabagabadii waxaa halkaasi lagu bixiyay Abaalmarino Koobab iyo Bilado ah kooxihii galay kaalimaha ugu horeeyay oo ay xaqiijiyeen kooxaha Heegan, Dekedda iyo Horseed.

Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan sida Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), Agaasimaha guud wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada Aweys Sheekh Xadaad, ku simaha Guddoomiyaha GOS Axmed Cabdi Xasan {Wataac}, Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax, Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyeyaasha degmooyinka C/Casiis iyo Xamar Jajab C/laahi Xuseen Xasan iyo Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha NGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), laacibkii hore ee kooxda Batroolka iyo Qaranka Soomaaliyeed Ahmed Muuse iyo marti sharaf iyo taageerayaal aad u farabadan.

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article Lix Xildhibaan oo la kulmay bahda Isboortiga London
Next Article CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013
Print
5584 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top