Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Handball

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Maamulka naadiga Heegan ayaa Maqaayadda weyn ee LIDO SEA FOOD Casho Sharaf lagu maamuusayo guulaha ay ciyaarta Kubadda Gacanta ka soo hoyeen wiilasha iyo gabdhaha kooxda Heegan ku qabtay, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiinta GOS , Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , Ciyaartoy iyo Marti Sharaf kala duwan.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee naadiga Heegan Mustaf C/Casiis Maxamed oo ka dhawaajiyay in guulaha kooxda heegan aysan ku imaan si fudud wuxuuna tilmaamay isku xirnaanta iyo kartida ay muujiyeen ciyaartoyda iyo maamulka sare oo kaashanaya Taliyaha Akadeemiyadda ay suragashay inay ku talaabsadaan guulo is xiga.

Guddoomiyaha Naadiga Heegan Cali Cabdi Maxamed [Cali Shiino] ayaa dhinaciisa aad ugu Mahadceliyay dhamaan ciyaartoyda kooxda Heegan iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye Sareeye Guuto Axmed Dayib (Dhagacaleen) oo ku garab joogay dhiirigelin hiil iyo hooba, wuxuuna xusay inay ku faraxsan yahiin afartii sano ee ugu dambeeyay inay ku guuleysteen Horyaalka K/Gacanta.

Taliyaha Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye Sareeye Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa ugu Hambalyeeyay maamulka, Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Naadiga Heegan guulaha ay ku talaabsadeen wuxuu kula dardaarmay ciyaartoyda inay sii labalaabaan awooddooda ciyaareed isagoo tibaaxay inay mar walba ka shaqeynayaan horumarinta ciyaaraha qeybahiisa kala duwan.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) ayaa cabiray sida weyn ee ay ugu faraxsan yahiin sida habsamida lahayd ee Horyaalkii 13aad ee wiilasha iyo kan 4aad ee gabdhaha ugu soo idlaatay, wuxuuna dhinaca kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoyda lagu dhiirigeliyo xaflad noocan oo kale ah, wuxuuna u Hambalyeeyay Kooxda Wiilasha iyo Gabdhaha Heegan.

Xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u soo jeediyay Naadiga Heegan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in isboortigu yahay kan kaliya ee bulshada isku keena sidaas awgeedna ay GOS ka go`an tahay inay mar walba ka shaqeeyaan horumarinta isboortiga dalka.

Kusimaha Guddoomiyaha GOS Axmed Cabdi Xasan {Wataac} ayaa dhinaciisa u Hambalyeeyay Kooxda Kubadda Gacanta Heegan guulahii ay soo hoyeen wuxuuna ku dhiirigeliyay inay mustaqbalka dhow ka soo baxaan ciyaaryahano badan oo xulka dalkooda matelaya.

Ugu dambeyntii Fanaanka weyn Farxaan Xiddig ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa dadkii daawaday ciyaaraha Kubadda Gacanta wuxuuna sheegay inuu ahaa astaantii Nabadda oo bulshada ay si weyn ugu soo daawasho tegi jireen Muqdisho iyo daafaceeda , wuxuuna ku soo gunaanaday Hambalyo iyo guulo badan oo uu u rajeynayo naadiga Heegan.

Guud ahaan Xafladii Casho Sharafta ahayd ee loogu dabaaldagayay guulaha Kooxda Kubadda Gacanta Heegan ayaa waxay ku soo idlaatay jawi farxadeed.

Sawiro badan oo munaasabadda xafladda ah RIIX HALKAN

W/Q: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta
Next Article Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Furmay
Print
6195 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top