Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.
H Farah

Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.

Waxaa habeenkii Axadda 20kii bishan,  lagu qabtay Restaurant Safari xaflad lagu soo dhoweynayey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isbortiga ee Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Islaw oo booqasho gaaban ku soo gaaray London, UK. Wasiir ku xigeenka oo galabtii soo furay tartan kubadda cagta oo loogu tala galay dhalinta Soomaaliyeed ee u dhexeeya 16 ilaa 18 jir. Tartanka oo lagu qabtay Woqooyiga Galbeed (North West) Silver Jubilee Park, Townsend Lane, London NW9 7NE, oo tartaka Somali Week 2017 ka socon doono 20ka ilaa 27ka bishan Agosto2017.

Wasiirka oo sidii ku haboonayd loogu soo dhoweeyey wuxuu la kulmay dad aad u fara badan oo ka mid ah qurba joogta oo hore iyo hadda ku hawlan Isboortiga dhalinta Soomaaliyeed xiiseeyana kan dalkoodii hooyo. Waxaa Sidoo kale goob joog ahaa Xildhibaan Shiddo, Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiijo Nuur, iyo Xoghayaha Xiriirka, Axmed Cabdi Dahir Shell oo ah rug cadaa Isboortiga Soomaaliyeed, Dr Yusuf Shaqaaq, Eng Yusuf, Yu B,  Cabdirashiid Bakin, Wariye sare Muxyadiin Jaamac oo ka soo booqday kulankan dalka Canda gaar ahaan Toronto, iyo dad aan la soo koobi Karin oo kala ah ciyaartoy hore iyo hadda, maamul, garsoorayaal, Taageerayaal iyo waalidiin.

Waxaa galabtii cayaaray afar kooxood  waxaa bilawgii garoonka isku herdiyey labada kala ah Jubba FC iyo Nabadda waxaa guushii raacday kooxda Jubba oo ka adkaatay Nabadda, halka ciyaartii labaadna ay fooda is dareen Ilamos oo kaga guuleysatay Midnimo.  Ciyaartoydan oo ka da’ yar kuwii looga bartay garoomadda waxay muujiyeen farsamo aad u heer saraysa oo shakhsi wada shaqayn kooxeed iyo anshax aad u wanaagsan.

Wasiirka oo hadalkiisii kaga waramay siyaasadda dowladda ee dhanka dhalinyaradda iyo Isboortiga, wuxuu sheegay iney ku guuleysteen iney dhamaystiraan Siyaasadii dhanka dhalinyarada haatana lagu guda jiro sidii loo diyaarin lahaa Siyaasadii dhalka ee Isboortiga oo loo baahanyahay iney si dhab ah uga tarjunto himilada dalka iyo dadka oo dhan.  Wasiirku wuxuu ka dib ogolaaday in lasiiyo talooyin, lana weydiiyo su’aalo, oo ku cusub siyaasiinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Gudoomiyaha XSCF Marwo Khadiija Nuur, Agaasimaha HIRDA Holland Fadumo Faarax, iyo Cabdirashiid Bakin iyo Reer London oo soo dhoweeynayey martida. Waxaa xusid dhalaankii garoonka galabta joogay aad uga heleen jawiga kulanka Soomaali iyo farshaxan wejiyadooda lagu fara yaraystay.


Previous Article Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.
Next Article Alle ha u naxariisto Mahdi Cali Cumar (Pivot)
Print
11374 Rate this article:
4.8
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top