Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Taariikhda Isboortiga
Hassan Farah (John)

Taariikhda Isboortiga

Isboort(sport) waxaa lagu micneeyaa ku tartan xirfad ama awood jireed oo leh sharci iyo xeer. Isboorti waxaa badi lagu nisbeeyaa looltan ama tartan u dhexeeyaa laba dhinac oo lagu tartamayo awood jireed iyo xeelad lana tiigsanayo guul, oo laga baxsanayo guul darada.

Waagan cusub waxaa soo biirtay in lagu tartamo awooda maskaxeed iyo tayada qalab, sida Isboorti Maskaxeed (Mind Sport), iyo Tartanka baabuurta (Motor Sport). Ereyga Sport wuxuu ka soo jeedaa erey hore oo faransiis ah “desport”.

Waxaa la ogyahay 6000 sano ka hor, in dalka Shiinaha ay ka jireen tartamo isboorti, waxaana waayadii hore aad uga caan ahaa qalaama rogadka ama Jimnaastikada. Taariikhda faraaciintuna waxey muujisay in waqtigoodii ay ka hirgaleen tartamada Dabaasha iyo kaluumaysiga. Waxaa kale ee masaaridii hore ka hirgalay tartamada waran tuurka, boodada sare iyo legdanka. Waxaa kale oo muuqata in Bershiyaankii hore oo ah dalka aan manta u naqaan (Iran), iyo ilbaxnimooyinkii kale oo dhan waxaa ka muuqatay in ay ka jireen tartamo isboorti.

Waxaa aad u hirgeliyey dhaqanka Isboorti xadaaradii ama ilbaxnimadii Giriiga (Greece), waxaana sal u ahaa ciidamayntii waqtigaas jirtey.

Griigu wuxuu bilaabay tartanka aan manta u naqaan Olombiga (Olymbic Games) tartankaas oo afartii sanoba mar la qaban jirey, laguna qaban jirey magaalo loo yiqiin Olymbia. Tartanka isboorti wuxuu ku sii ambaqaaday ilbaxnimadii Rooma iyo intii kale.

Wixii xiligaas ka dambeeyey waxaa Isboortigu ku jirey horumar joogta ah, taas oo ay sabab u tahay horumarka nolosha aadamigu samayey. Wershedeynta iyo horumarka dhaqaale wuxuu sababay in dadku helaan dhaqaale iyo waqti madadaalo.

Isboortigu waqtiga hadda la joogo wuxuu gaaray in uu dhaafo xuduud , luqad, dhaqan iyo midab. Isboortigu wuxuu ka dhaqaale batay wadamada ugu dhqaalaha weyn waxuuna noqday hab maamul bulsho.

Waxaa halhays isboortiga u ahaa “Caqlii fiyow wuxuu ku jiraa jir fiyow”

Written by: Xasan Faarax (John)


Previous Article WARAYSIGA XIDDIGAHA (ABUUKAR SHIINO)
Next Article ZAKAATUL FITRIGA IYO AXKAANTEEDA
Print
6604 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Hassan Farah (John)Kubadda Webmaster

Other posts by Hassan Farah (John)
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top