Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

ZAKAATUL FITRIGA IYO AXKAANTEEDA
Kubadda Webmaster

ZAKAATUL FITRIGA IYO AXKAANTEEDA

Sakaatul Fidrigu Waa Cibaado ilaahay loogu dhawaanayo waxayna la xidhidhaa Soonka. Soonka oo Ajarkiisa ilaahay yiri “Soonka anigaa iska leh anigaana ka abaal marinaya Adoomaha dartey u soomey”. Zakaatul fidriga bixinteeda waxaa la inaga rabaa inaan u bixino sidii uu u bixin jirey Rasuulkeena SCW, iyo Saaxaabadiisii, waxaana la inaga rabaa inaan barano cibaadadan xukumkeeda.

Waa Maxay Zakatul Fidri?

Waa Sadaqad la bixiyo Marka la afuro Bisha ramadaan, waxaana Fidiro loogu magacaabey Afurid ayaa sabab u ah.

Ma waajib Baa Fadiradu?

Haa waa waajib. (Qofkii Awooda) ee Muslim ah.

Maxaa u daliil ah?

Waxaa u daliil ah, xadiiskii rasuulka SCW ee uu wariyey Cabdullahi Ibnu Cumar A.K.R. Kuna Sugan Muslim "Waxaa la faral yeeley Sakaatul fidriga Bisha ramadaan"

Sanadkee la faral yeeley Zakaatul Fidriga?

Waxaa la faral yeeley Sanadkii labaaad ee Hijriga Markii ramadaanta la faral yeeley.

Ujeedada loo faral Yeeley Waa maxay Sakaatul Fidriga?

Laba Arimood ayaa loo Faral Yeeley Zakaatul fidriga oo kala ah:

1- In Qofka ay ka nadiifiso Hadaladii laqwiga ahaa ee uu yiri xaligii uu soomanaa iyo Rafath ka oo ah Ninka oo u baahda Xaaskiisa isagoo sooman.

2- Iyo In Masaakiinta maalintaas cunto la siiyo, u kaalmo ah.

Waxaana u daliila, xadiiska Cabdullahi Ibnu cabaas A.K.R. " Nabigu Waxa u faral yeeley Sakaatul Fidriga si ay uga maydho Qofka Hadaladii laqwiga iyo fuxshi ka dhacay iyo weliba rafathka (Rafathka waa Ninku wuxuu hawaynaydiisa uga baahdo) Iyo in Masaakiinta Cunto la siiyo, Waxaa Wariyey Ibnu Mulqin Badarul Muniir. Darajada Xadiskuna waa Saxiix.

Qofkee bay Waajib ku tahay?

Waxay waa jib ku noqonaysaa Qof kasta oo Muslim ah, waxaana u daliil ah Xadiiska rasuulka SCW " ee uu wariyey Cabdullahi Ibnu Cumar A.K.R. kuna sugan kutubka Bukhariga Rasuulku SCW " Qofkasta oo muslim ah, xor iyo mid adoon ahba, Lab iyo dhadig midba, saqiir ama kabiir ah waxaa ku waajib ah Zakaatul Fidri, Waxaana laga rabaa Hal madaal oo u dhigma (Laba iyo bar kiilo graam) timar ah ama heed (Shaciir) ah.

Sidoo kale Abuu Saciid Al-Khudri A.K.R. Wuxuu yiri: Waagii Nabiga SCW Waxaan u bixin jirnay (Sakaatul Fidar ahaan) Madaal badar ah, ama madaal timir ah, ama madaal heed ah ama madaal sabiib ah (Laysku raac).

Sakada lacag ma lagu bixin karaa?

Sida Xadiiska ku cad Rasuulku waxa uu Amrey Dadka inay bixiyaan Zakaatul Fidriga Timir iyo Shaciir ( shaciir-Sareenka) Maadaama Wakhtigii Rasuulka SCW Ay jirtey Lacagtu Dadkuna ay wakhtigaas uga baahi badnaayeen wakhtigan lacagta, Rasulku waxa uu amrey in la bixiyo Timir iyo Shaciir, Qof kasta waxaa laga rabaa inuu rasuulka SCW ku daydo sidii uu amreyna uu sameeyo, Zakaatul fidrigana kuna bixiyo cuntada Magaalada uu joogo laga cuno ee ay dadku u badanyihiin.

Zakaatul Fidriga Ma la dhoofin karaa oo Wadan kale ma loo diri karaa?

Masaladan Culimada way ka hadleen Qaar way diideen in la dhoofiyo qaarna way ogolaadeen iyaga oo fiirinaya baahida markaas ka jirta meesha loo dhoofinayo laakiin

Sida ku cad Xadiiskii Macaad Binu Jabal Markii Nabigu SCW uu u direy Yaman, waxa uu kula sii dar daarmey Hadaladan" Waxaad u tagaysaa Qolo ahlu kitaab ah, Waxa ugu horeeya ee aad ugu yeedho ha noqdo ilaahay inay caabdudaan kaligiis, hadii ay gartaan ilaahay, u sheeg in ilaahay ku faral yeeley Shan salaadood habeenkii iyo maalintii, Hadii ay sameeyaan, u sheeg in ilaaahay ku faral yeeley zako xoolahooda, Zakadaas oo loo celinayo Dadka Fuqaradooda ah,ilaa aakhiril hadiith.

Hadaba sida Hadiithka ku cad Nabigu SCW Ma uusan odhan Sakada ka soo qaad oo ka soo uruuri ee waxa uu yiri Sakada Waxaaa laga qaadaya kuwooda Xoolaha leh waxaana loo Celinayaa kuwooda Fuqarada ah, hadaba waxaa u awlaysan Sakada markaad bixinayso Wadanka aad ku nooshahay inaad Siiso Fuqaradiisa, Laakiin hadii ay jiraan Wadan uga baahi badan wadanka aad markaa joogto waa loo gudbinayaa Sadaqadii sida ay culimada qaar fatwoodeen.

Zakada Goormaa Labixinayaa?

Zakada wakhtiga la bixinayo waa maalinta ugu danbaysa marka qoraxdu dhacdo Bisha ramadaan ilaa Inta Salaadda Imaamku u baxayo, waxaana banaan in Laga hormariyo maalin ilaa laba maalin, Imaamu Abuu Xaniifa isagu waxaa laga soo wariyey inuu qabo inay banaantahay in Bisha hortaanteeda la bixiyo, Imaamu maalik Imaamu daarul Hijra waxaa laga soo wariyey in uu qabo in aysan banaanayn in la hormariyo zakada Sida aan Salaadaha wakhtigeeda looga hormarin karin.

Hadaba sida wanaagsan waxaa weeye in la bixiyo maalinta u danbaysa bisha ramadaan Marka qoraxdu dhacdo ilaaa inta Imaamku Salaadda uga baxayo. Qofkii bixiya Inta aan salaadda la tukan waxay u tahay Zakaatul Fidrigii Qofkii Bixiya marka Salaadda la tukadana waxay u noqonaysaa Sadaqo ka mida Sadaqooyinka. Waxaana u daliila Xadiiska Cabdullahi Ibnu Cabaas A.K.R. kuna Sugan Irwaaul Galiil uuna Xasanka ka dhigey Sheekhul Albaani ( Rasuulku wuxuu yiri SCW Qofkii Guta (bixiya) Salaadda ka hor waa Zako La aqbaley Qofkiise Guta (bixiya) Saladda kadib waa Sadaqo ka mida ah Sadaqooyinka).

Maxaa looga baahan yahay qofkii loo wakiishado in uu Qof kale Sakaatul Fidri ka bixiyo?

Hadaba waxaa laga rabaa Qofka Loo soo wakiishey Zakaatul Fidriga in uu ilaaliyo wakhtigeeda Hadii ay dhaafto wakhtiga loogu tala galey ee aan kor ku soo xusney Zakaatul Fidri ma noqonayso. wakiilkaasuna wuxuu noqonayaa mid aan gudan waajibkii wakiilnimo.

Hadii ay dhacdo Sakada in wadan kale loo gudbiyo oo dadkiisu uga baahi badan yihiin Meesha aad joogto, Zakadii yaa la siinayaa?

Hadii ay sidaasi dhacdo waxaa Sakada la siinayaa Dadka Ugu liita ee Fuqarada iyo Masaakiinta ah.

Maskiin iyo faqiir Ma isku mid baa?

A. Miskiin waa ninka wax haysta, laakiin waxa uu haysto aysan Baahidiisa wada daboolayn.

B. Faqiir waa Ninka aan waxba Haysan oo Caydha ah ee Fara maran.

Kee baa la hormarinayaa Faqiir ka iyo Miskiinka Markaan?

Waxaa la hormarinayaa Sida ilaahay u kala hormariyey ( Sadaqada waxaa leh Fuqarada iyo Masaakiinta) Marka hore Faqiirka Fara Maran, marka Xiga Maskiinka ayaa leh.

Hadii Sadaqo aan ururiyo Fuqaro gaadhaysa ilaa tobanna ay joogaan ka waran hadaan Shan Faqiir ku maal galiyo Sadaqada aan hayo?

Maya ha samayn sidaas. Dadkaas Fuqarada ah ee 10 ka ah. Sida ay ukala jilic san yihiin ugu qaybi wixii ilaahay kuugu dhiibey.

F.G. Wixii ilaahay iga fahansiiyey waa intaas, wixii aan Haleeley Ilaahay baa i haleeshiiyey, wixii aan Khaldayna Naftayda iyo shaydaan ayeey ka ahaadeen Ilaahay iyo rasuulkiisuna waa ka bari.

By: C/wahaab ( Tees )


Previous Article Taariikhda Isboortiga
Next Article Somali teen takes top Euro award
Print
8505 Rate this article:
4.8
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top