Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

CID UMA MAQNO CEELNA UMA QODNO
Hassan Farah (John)

CID UMA MAQNO CEELNA UMA QODNO

Isboortigu wuxuu qayb ka qaadan karaa horumarinta tayada nolosha qofka ama bulshadda. Isboortigu wuxuu kaalmeeyaa is-fahamka, iyo dulqaadka, wuxuu ka hortagaa xanuunadda bulshadda sida mukhadaraadka, qaadka iyo is kala ficilka oo maanta dhib fara badan ku haysa bulshadda Soomaaliyeed, iyadoo ay u sii dheertahay xanuunka faqriga, aqoon la’aanta iyo nabadgelyo la’aan.

Waxaa marag ma doonta ah in maanta dalkeenu ku jiro marxalad aad u adag, uuna u baahan yahay caqli wanaagsan. Kooxihii ugu horeeyay ee lagu bilaabo Kubadda Kolayga waxaa ka mid ahaa, Koox la oran jiray Orfano, oo ay ka soo baxeen ciyaartooy markii danbe magac wayn ku yeeshay dalkeena maamul iyo Isboorti midba. Yay fikradiisa ahayd abaabulkaas? dhalinyaro niyadoodu nadiif ahayd.

Isboortigu ma aha wax ku kooban magaalo keliya, dalka Soomaaliyeed magaala kasta oo ay ku suganyihiin dhalinyaro waxaa ka socda firfircooni Isboorti, waxaana loo baahanyahay in deegaan kasta uu u qorsheeyo dhalaanka barnaamijyo Isboorti oo ku xiran dugsiyada quraanka, ama waxbarasho, degaamadda xaafadaha si loogu jiheeyo anshax wanaaaga.

Uma baahnin in lagu daydo shisheeye, balse dadka Soomaaliyeed waxaa dhaqan u ahayd naxariis, wadaag iyo wada tashi. Himmilladu waxay ahaan lahayd in la ururiyo Agoonta faraha badan la baro aqoon lagu ababiyo Isboortiga loona yeelo yool ama rajo ay hiigsadaan. Dad badan ayaa soo gacan qabtay dhalaan aad u fara badan heer shakhsi, waase yaryihiin ururo samafal Soomaali maamusho oo maal geliso.

Waxaa xusid iyo ku dayasho mudan Engineer Elman, Allaha u naxariistee,fikradiisii iyo dadaalkii uu sameeyay, Agoontuu aruuriyay kuna dadaalay in uu ku caawiyo aqoontuu dibada kala yimid ee ahayd Electric Engineering, maantana ay kuwii uu wax baray ay ku shaqaystaan cilmigii uu uga tagay, magacoodana maanta ay ku ciyaaraan koox heerka koowaad ah ee dalkeena ka dhisan.

Mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed wuxuu magan u yahay ubadka Soomaaliyeed, hadii aan ubadka loo diyaarin mas’uuliyadda ku soo fool leh oo ah iney noqdaan muwaadiniin qaban kara ama xilkaas gudan kara. Isboortiga waa in loo arkaa wasiilad ina gaarsiisa ujeedo ee aan loo arkin yoolkii, goolkii ama himiladii la tiigsanayey. Isboortigu waa inuu ka mid noqdo mid ka mid ah wasiilooyinka nabadda lagu gaarayo, ee aan lagu ilaawin xaqiiqada runta ah ee lagu suganyahay, iyo ujeedada weyn ee aan leenahay oo ah Nabad gelyo iyo Midnimo.

Haddii qaran dumo oo dhibi timaado waa in loo adeegsadaa dariiqad kasta sida dib loogu dhiso lahaa, in la lahaado ujeedo dhow iyo mid dheer. Noloshu ma aha inaad iska noolaatid ee waa tayada nolosha. Nolosha Aduunka waa mid aad u kooban sidaas awgeed waa iney waafaqdaa diinta.

Bahwaynta Isboortiga oo ah maanta kuwa kaliyah ee ka badbaaday kala qob qobka qabyaalada dilootay waxgaradkeenii, ayaa iyana waxaa ku haboonaan lahayd in ay qorshahooda ku darsadaan, dadaalka badbaadinta danyarta.

Qofkastaa haduu qaybtiisa ka qaato hawsha ummadda waxaa lagu gaarayaa muhimadda si fudud. Isboortigu wuxuu ka mid yahay adeega bulsho. Waana in baahida bulshadda loo qabtaa sidey u kala muhimsan tahay.

Written by: Hassan Farah (Macalin John)


Previous Article Somali teen takes top Euro award
Next Article WAA MAXAY SOON?
Print
6518 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Hassan Farah (John)Kubadda Webmaster

Other posts by Hassan Farah (John)
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top