Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay  Horyaalkii  4aad ee Kubadda Gacanta
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Handball

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan, waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay kooxda Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay kooxda Horseed.

Kulankan kama dambeysta oo ay ku balansanaayeen labadan kooxood ee sida weyn u xafiiltama dhinaca kalena kala metalayay Ciidanka Xoogga Dalka 'HORSEED' iyo Ciidanka Booliska 'HEEGAN' sidoo kalena ay u kala saftaan ciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Gabdhaha Kubadda Gacanta ayaa waxay ciyaartooda ahayd mid si weyn ay ugu soo qeybgaleen Taageerayaal aad u badan iyo mas`uuliyiin kala duwan. iyagoo soo bandhigay ciyaar ku dheehan asluub iyo xirfad sareysa.

Qeybtii hore ayaa u muuqatay mid ay labada kooxood kubaddu qeybsanayaan oo marba dhinac shabaqooda gool lagu hubsanayay, Laakiin qeybtii labaad ayay Heegan awood dheeraad la timid iyagoo ka faa`ideystay ciyaaryahanadooda aadka u dhaadheer oo u sahlay inay kubadaha meel fog ay ka dhaliyeen sidaasna guusha ay markii afaraad oo isku xiga ay ku raacday 12-5.

Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow. iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow} iyo Guddoomiyaha Degmada C/Casiis C/laahi Xuseen Xasan ayaa gabagabadii sheegay inay aad ugu faraxsan yahiin in Tartankan guul ku soo dhamaado, iyagoo halkaasina ku guddoonsiiyay Abaalmarino Koobab ah kooxihii galay kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad.

Ugu dambeyn XSKG ayaa dhinaca kale warbaahintan u xaqiijiyay in Jimcaha soo socda ay qorshaynayaan inay dhacdo ciyaartii kama dambeysta ee Horyaalkii 13aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo ay ku hardami doonaan kooxaha Heegan iyo Dekedda.

W/Q:Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article Ghana, Mali, Nigeria iyo Burkina Faso oo isugu soo haray Koobkii Qaramada Afrika
Next Article Peace match raises hopes in Somali capital
Print
5501 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top