WARAYSIGA XIDDIGAHA
Cabdi Maxamed Ciye-oo bahda isboortiga ay ugu yeeraan Cabdi dheere- ayay taariikhdu
xusaysaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii iyo tababarayaashii ugu qiimaha badnaa
ee soo mara ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena Soomaaliya. Kooxdiisa kubbadda
koleyga ee caanka ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta Jeenyo Ama shantii (5) tii
Jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari jiray dhexda (Center). sidoo kale
waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay
ama uu gacanta ku soo dhigay.
Sida taariikhdu xusayso marka laga hadlayo ciyaarta kubbadda koleyga ee Soomaaliya,
Cabdi dheere waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ama halyeeyadii ugu horreeyay
ee magaca Soomaaliyeed gaarsiiya Caalamka Carabta iyo Afrikaba. Cabdi dheere waxaa
uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen kooxdiisa Jeenyo oo uu kaalin wayn
uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa xulka qaranka.
Ka dib markuu ka fadhiistay ciyaaaraha Cabdi Dheere waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada,
waxaana uu ahaa tababare aqoontiisu aad u sarreysay, guulo badanna u horseeday kooxdiisa
Jeenyo iyo xulka qarankaba.
Cabdi Dheere waxaa uu ku dhashay magaalada jamaame ee gobolka Jubbadda Hoose sannadku
markuu ahaa 1952kii, waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe waxaa uu ku qaatay isla
magaaladaasi jamaame isaga oo dhigan jiray dugsigii la oran jiray “Jubba School”
, dabadeedna dugsigii caafimaadka ayuu u wareegay oo ay gacanta ku hayeen ajaanib
isugu jiray Amerikan iyo Canadian oo ay ahayd meeshii ugu horraysay oo uu ku bilaabo
ciyaarta kubbadda koleyga, dabadeedna waxaa uu u soo wareegay magaalada Xamar oo
uu ku dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare isaga oo ka baxay dugsigii sare ee
Badda. 1984kii ayuu Cabdi dheere ka qalin jabiyay kulliyadda waxbarashada lafoole
isaga oo ku takhasusay maadooyinka Biology iyo Chemistry. Tababare Cabdi dheere
waxyaabaha ay bulshada Isboortiga sida aadka ugu xusuustaan waxaa ka mid ahaa: Isagoo
ahaa shakhsi aad u deggan, dabeecad wanaagsan, qosol badan, Samir badan, Wadaninimadu
ku dheer tahay oo aad uga dhiidhiya guul-darada, jecel ciyaartooydiisa aadna u dhiirri-galiya,
soo saarista ciyaartooy cusub oo wax-tar leh.
Waxaana intaasi u sii dheeraa isagoo ahaa tababare aad u xammaasad badnaa marka
la isugu yimaado goobaha ay ka socdaan tartammada ciyaaraha.
Cabdi Dheere waa xaas leh 6 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada Toronto-Ontario
ee dalkaasi Canada.
Haddaba waxaa ii suuro-gashay inaan wax ka qoro Taariikhdii Isboorti ee Tababare
Cabdi dheere, waraysigaasi isaga ah oo dhinacyo badan taabanayay ayaan ku soo koobay
sidan:
Goorma ayaad billowday Ciyaaraha? Yaase kugu dhiirrigaliyay?
Cabdi Dheere:Ciyaaraha sidoodaba waxaan bilaabay aniga oo aad u da,yar oo markaasi
dhiganayay fasalada 5aad & 6aad ee dugsiga Hoose/dhexe Jubba oo ku yaallay magaalada
jamaame, waxaana markii ugu horreysay igu dhiirri-galiyay laba macallin oo Maraykan
ahaa oo iyagu macallimiin ka ahaa dugsiga oo la kala oran jiray Chaser Kurtis iyo
Goodman……Waxaa xusid mudan in labadan nin ay ahaayeen labo nin oo aad isugu hawlay
horumarinta isboortiga dugsiga, iyaga oo ka dhisay halkaasi garoomo lagu ciyaaro
kubbadda koleyga oo aan dhismihiisa kala qayb-qaadanay, waxayna noqotay goobtii
iigu horraysay oo aan kaga hanaqaado kubbadda koleyga.
Ma jireen noocyo kale oo isboorti oo aad ka qayb-gashay?
Cabdi Dheere: Haa waa jireen siiba ciyaaraha kubbadda cagta iyo ciyaaraha fudud
”Athletics” oo aan ka qayb-qaatay xilligii aan dhiganayay dugsiga Jamaame......
Runtii waxaan aad u sii jeclaa ciyaaraha fudud oo aan oran karo waa hooyadii Isboortiga
taasoo aan sabab uga dhigayo haddii uu ciyaaryahanku awooddiisa iyo awoodda wada
shaqaynta jirkiisa ay wanaagsan yihiin waxaa ay sahli kartaa inuu ka qayb-qaato
nooc kasta oo ciyaareed oo uu doono, ilaa haatan aad baan u jeclahay daawashada
ciyaaraha fudud, hase yeeshee xilligaasi talooyinkii ay ii soo jeediyeen labadaasi
macallin ayaan qaatay oo aan u go'ay ciyaarta kubbadda koleyga.
Ma ka qayb-gashay tartamadii ciyaaraha gobollada?
Cabdi Dheere: 1971 kii ayaan ka qayb-galay, waxaana ay ahayd waqtigaasi mid u furan
ciyaaryahanka heerka 1aad Iyo kan gobolka ka yimaada...hase yeeshee markii dambe
waa la sharciyeeyay oo lama oggolayn in ciyaaryahan heerka 1aad uu ka qayb-galo
tartamadii ciyaaraha gobollada. Sidoo kale iyaduna waxaan ka qayb-galay tartammadii
ciyaaraha dugsiyada.
Ma xusuusan kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka kugu reebay intaad ku dhex jirtay
ciyaaraha, markaad ciyaaraysay iyo markii dambe oo aad macallinka noqotay labadaba?
Cabdi Dheere: waxyaabaha xusuusta gaarka igu reebay oo ilaa haatan maskaxdayda ay
soo goconayso ayaa ahayd iyadoo ay na soo mareen ciyaartooy faro badan oo qiimo
badnaa kuwaasi oo xirfaddoodii ciyaareed aan ku tilmaami karo “ Hibo Eebe” Sida:
Bashiir Foxs, Qardhaas, Afweyne, Bile Warsame, Cabdulqaadir Shiikha, Axmed Xaaji
Nuur, Gees, Maxamuud, Saciid Qorsheel, Cabdalla Dheere, iyo ciyaartooy fara badnaa
oo aan halkan ku soo wada koobi karin...waxaan qabaa ciyaartooydani haddii adduunyada
kale loo furi lahaa inay wax-tar wayn u yeelan lahaayeen dalka Soomaaliya, dunidana
ay magac wayn ka kasban lahaayeen.
Kooxdaadii kubbadda koleyga ee Jeenyo” LL.PP” wax guulo ah ma gaareen intii aad
u ciyaaraysay?
Cabdi Dheere: Marka laga soo bilaabo1970 kii ilaa 1978kii kooxda kubbadda koleyga
ee jeenyo dalka Soomaaliya caan bay ka ahayd, waxayna ku guulaysteen dhammaanba
wixii koobab ahaa ee la dhigay ha noqdeen jeneraal daa,uud iyo horyaal intaba.
Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubbadda koleyga Somaaliyeed?
Cabdi Dheere: 1973kii ayaan ku biiray oo aan ka tirsanaa ilaa 1978kii
Tartamadii ciyaaraha caalamiga oo aad ka qayb-gashay iyo kooxihii aad la ciyaartay
wax ma xusi kartaa?
Cabdi Dheere: Xaqiiqdii ciyaaro faro badan oo caalami ahaa ayaan ka qayb-galay oo
markastaaba waan bixi jirnay oo waxaan ka qayb-gali jirnay ciyaaraha caalamiga ah
ee dibadaha lagu qabanayay, kooxihii aan la ciyaaray oo fara badnaa waxaa ka mid
ahaa: Kooxdii ka socotay Xulka qaranka Russia oo la oran jiray “Dinamo Kev, Zair,
Masar,Central Afrika, Sudan,iyo ciyaaro faro badan oo aan runtii wada xusuusan karin,
waayo marka laga soo bilaabo 1973kii ilaa 1978kii ciyaaro caalami Iyo kuwo heer
Zone ayaan ka qayb-galayay oo marba aan meel u safrayay.
Maxaa ka mid ahaa guuldarrooyinkii kuugu xumaa oo ku soo intii aad ku dhex jirtay
kooxdaadii jeenyo & xulka qarankaba?
Cabdi Dheere: Guuldarradii iigu xumayd ama aan oran karo iigu waynayd,ilaa hatanna
maskaxdayda ka guuxaysa intaan ku dhex jiray Isboortiga waxay ahayd ciyaarihii All
African games oo 1987kii lagu qabtay Nairobi oo kooxdii qaranka Kenya ay naga reebeen
ciyaarihii semifinalka oo 100% ay rajadeenu ahayd inaan u soo baxno,waxaana ay ahayd
habeen cajaaib ah oo aan qaadan kari waayay guuldarradaasi,,waayo kooxaha Kenya
Awood ahaan iskuma aanan dhaweyn….Waxaan xusuustaa annagoo kooxda Jeenyo ah oo ka
imaanay ciyaarihii isreebreebka horyaalada Afrika oo lagu qabtay Muzambique inaan
ciyaaro saaxiibtinimo oo faro badan la samaynay kooxaha Kenya oo dhammaantoodba
aan dhulka ku jiidnay, markaa marnaba maskaxda kumaanan hayn in kooxda Kenya ay
naga adkaan karaan. habeen cajaaib badan ayay ahayd.
Farxaddaadii kuugu waynayd bal iyadu ka warran?
Cabdi Dheere: Guulo badan oo aan aad ugu farxay ayaa I soo maray intaan ciyaartooyga
ahaa ama macallinka ahaa,hase yeeshee farxaddii iigu waynayd waxay ahayd Markii
kooxdii aan macallinka u ahaa aan ka adkaanay kooxdii kubbadda koleyga ee Masar
oo iyagu juhdi iyo dhaqaale badan la galiyay,tababar dibadda ahna ku soo qaatay.
Waxaan illoowaynin tashigii ugu dambeeyay(TimeOut) oo aan qaadanay 15 kii second
ee ugu dambeysay ciyaarta oo ay naga horreeyeen 2 dhibcood iyo sidii quruxda badnayd
oo adiga (Shiikha) aad goolka ugu hubisay goolkii guusha taasi ayaana iigu farxad
badnayd….Markii aan Nairobi tagnay hadalhaynta ugu badan oo ay jaraaidyada Kenya
qoreen ayaa waxay ahayd Kooxdii reer guuraaga ..The Nomadic People waxy ka soo adkaadeen
halyeeyadii Afrika ee Kubadda Koleyga.
Yaad aad u jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad ka tirsanayd kooxdaadii Jeenyo
iyo xulka qarankaba?
Cabdi Dheere: Dhammaan ciyaartooyda waan wada jeclaa ha noqdeen heer qaran ama heerka
1aad,waliba waxaan aad u sii jeclahay marka 2,3,4,ama5 ciyaartooy uu isfagarad ciyaareed
dhex maro oo jaanta ay isla helaan,hase yeeshee markaan su,aashaada ka jawaabo,Kooxdayda
Jeenyo waan wada Jeclaa oo ma kala dhicin….Saciid Qorsheel oo aad ugu wanaagsanaa
qaybinta,aragtidiisuna ay aad u heer sarreysay oo aan ku tilmaami karo sida laacibkii
waynaa ee Lakers (Magic Johnson),Axmed Xaaji Nuur,Gees, Cabdullahi Qaadwale,Maxamuud,C/llahi
Xasan Ciid,Jeeri qalloocoow. Dhanka Xulka qaranka waxaan aad u jeclaa :5teennii
Jeenyo ama Xuseen Jeeri oo 6 nagu noqon jiray mararka qaarkood,Cabdalla Shiino,
Cali Faarax Siyaad,Sarxaan Dheere,Cali qaraab(Allaha u naxariistoH),Jaarlees iyo
in kaloo badan oo aan xusuusan.
Ma jireen Guulo gaar ahaaneed oo adigu aad ciyaaraha ka gaartay?
Cabdi Dheere: Haa waa ay jireen waxaana ka mid ah:
A) 1970 -1978 guulo faro badan oo uu inoo horseeday Macallinkeennii Ibraahim Xasan
oo ku magac dheeraa UGO ayaa jiray waxaana ku guulaysanay koobabkii ugu faro badnaa
ee horyaalka iyo jeneraal daa'uud.
B) 1978 kii markii kooxdii Jeenyo ay kala tageen ,1980 kii Tababare ayaan noqday,1
sano iyo bar gudaheeda waxaan ku soo dhisay dhallinyaro yaryar oo aan soo gaarsiiyay
ciyaaraha semifinalka. Waxaana sharaf ii ahayd in kooxdii aan gacanta ku hayay ay
ku guulaysteen 4 Horyaal ah iyo 1 koob oo Jeneraal daa'uud ah taasoo aan filayo
inuusan jirin tababare gaara heerkaasi
C) Abuuritaankii,dhisiddii iyo soo sariddii jiil cusub oo kooxda Jeenyo ah ama kaalin
fiican ka galay ciyaarihii heerka 1aad iyo xulka qaranka muddo gaaban gudahooda
sida: Cabdalla Dheere, Cabdi Xalwo,Daley, iyo Cabdulqaadir Madaxey.
Heerkaaga aqooneed ee tababaranimada halkee gaarsiisnayd?
Cabdi Dheere: Markii
aan soo dhammaystay waxbarashadaydii jaamacadda lafoole,dabadeed waxaan qaatay Koorosyo
badan oo kubadda koleyga oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ah. 1986kii waxaan tababar
u aaday dalka Maraykanka,Sidoo kale 1987 kii waxaan tababar heer caalami ah u aaday
dalka talyaaniga magaalada Montacatini.
Sidee buu ahaa heerka aqooneed ee tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed
ee kubbadda Koleyga?
Cabdi Dheere:Marka loo eego dalkaasi yar ee faqiirka ah iyo heerka uu gaarsiisnaa
tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed waxaan oran karaa aad buu uga heersarreey
dalalka Afrika ee qaniga ahaa, hase yeeshee waxaa ay u baahnaayeen koorosyo faro
badan. waxaa iyaguna jiray Tababarayaal aqoon sare lahaa oo aan ka xusi karo
Ismaaciil
Kaamil ,sidoo kale garsoore Cabdi Calasoow ayaa tusaale fiican u ahaa garsoorayaasha
oo aqoontiisa garsooranimo ay aad u sarreysay,waxaana ay u badnaayeen dad wax bartay
oo ka qayb-galay koorosyo caalami ah oo ay ( FIBA )qabanqaabisay amaba dhexdhexaadiyay
ciyaaro caalami ah.
Maamulka Isboortiga Soomaaliyeed isagu sidee buu ahaa?
Cabdi Dheere: 1970 kii ayaan oran karaa waxay ahayd markii indhaha ay kala furtay
kubadda Koleyga,Xilligaasi dadkii ka shaqaynayay ama ilaa haatan ka shaqaynaya waa
dad aqoon leh,iyo dad aqoontoodu hoosaysay laakiin dadaalkoodu aan oran karo wuxuu
ka horreeyaa kan aqoonta leh oo aad u dadaal badanaa ,hase yeeshee awoodda fulineed
ayaa yarayd oo go,aanka waxaa iska lahaa wasaaradda isboortiga.
Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya Ciyaarihii dalkeennii Soomaaliya iyo kuwa haatan aad
ku aragtay North Ameerika?
Cabdi Dheere:Farqi aad u wayn ayaa u dhaxeeya,marka aad u fiirsato halkan aan joogno
garoomada (Facilitation),Jirdhiska, cuntada miisaaman (Nutirition), Ilaha ku hawlan
horumarinta isboortiga oo aad u faro badan, Intuba waa nooga horreeyaan,hase yeeshee
ururada ama bulshada Soomaaliyeed ee isboortiga (North Ameerika) gaar ahaan Canada
ma aha dad habaysan oo isku duuban, ixtiraamka,kala dambaynta iyo is maqalkuna waa
ku yar yahay… Dhinaca kale dalkeennii Soomaaliya in kastoo ilaha horumarinta isboortiga
uu yaraa haddana bulshada isboortiga waxaa ay ahaayeen dad aad isugu habaysan,isku
duuban, ixtiraam leh, is maqalkooduna uu aad u sarreeyay, qiiro wadaninimona ay
ku jirtay.
Marka aad cabirto ra'yigaaga sidee lagu horumarin karaa isboortiga Soomaaliya guud
ahaanba?
Cabdi Dheere:Waxaa lagu horumarin karaa marka hore inaan ka qaybqaadano isboortiga
dalalkan aan joogno oo isboortiga ku horumaray oo macaamil uu na dhexmaro,is dhaafsano
aqoontii, ciyaaraihii. Is dhexgal isboorti uu na dhex maro dadka aqoonta u leh isboortiga
tagnoo xarumaha isboortiga,waxbarashadii dhex galno,markaasi aqoontii aan halkan
ka helno aan u gudbino dalkeennii Soomaaliya.
Ugu dambayntii maxaa talo ah oo aad u soo jeedin lahayd ummadda Soomaaliyeed ee
ku hawlan noocyada isboortiga ee kala duwan?
Cabdi Dheere: waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa marka hore dadka dibadaha jooga
wuxuu doono ha noqdo, ama ha ku takhasuso waa inay hormuud ( Role Models ) u noqdaan
caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku koraya ama ku dhashay, waa inay caruurta Soomaaliyeed
gacanta ku qabtaan, xoojiyaan dhaqankii, Diintii, waxbarashadii, akhlaaqdii iyo
wanaaggii ay lahayd Bulshada Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo Ubadkii waa in laga
xoojiyaa dhan kasta haddii aan arrimahaasi loo wada hawl galin waxaa ay ku dhammaan
doonaan caruurta Soomaaliyeed waddooyinka, mustaqbalkoodana mugdi ayuu gali doonaa…Kuwa
gudaha Soomaaliya joogana waxaan uga gaabsanayaa Ilaahay nabadgalyo ha siiyo, hana
dadaaleen dhibaatadu mar uun waa dhammaan doontaa Inshaa-Allahu.
Cabdi Dheere, inkastuu ku nool yahay waddan shisheeye oo aad uga fog dalkii hadana
weli kama jiifo soo saarista iyo abuurista caruur da'yar oo Soomaaliyeed oo mustaqbalka
wax tarta dalkeeni hooyo. Cabdi wuxuu hada tababare iskaa wax u qabso ah u yahay
caruur da'yar oo ku nool dalka Canada magaaladiisa Toronto.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha
lahaa ee aan la yeelanay macalin Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi dheere). Waraysigeena
kan ku xiga waxaan isna ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah xidigihii kubadda cagta
dalkeena soomaray 50 meeyadii oo lagu magacaabo Cumar Abuukar Maxamed ( macalin
Cumar ), oo macalina u ahaa naadigii BATROOLKA ee kubadda cagta. Waxaan filayaa
in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.
Waxaa soo diyaariyay:
Cabdulkadir Hagi Dahir (Shiikha)
Somali-youth.org - Minneapolis