SOOMAALIYA MA DANTA AMA SIYAASADA MISE MASLAXADDA
Qofna uma oomana in dib loo xusuusiyo dhacdooyinkii labaatanayadii sanadood ee la
soo dhaafay, Burbur, Abaaro, Xasuuq, Qaxid iyo qoomamayn. Mana aha ujeedada qoraalkani
in dib aan u xusuusano xanuunkii badnaa ee qof kasta oo soomaali ahi soo maray.
Maanta iyo barta aan taaganahay dhankee uga kacnaa? Waxaa dad badani
ku jiraan xilli laab la kac, rayrrayn, iyo rajo (euphoria, elation, Jubilation).
Runta iyo rajadu kala fog, laguma gaaro horumar rajo keliya. Maxaa loo baahanyahay
oo laga sugayaa dowlada cusub?
Taageero aan Danaysi lahayn: Waxaa muuqaal iyo maqalba mawjadaha
wararka ka baahaya taageero ku jeeda Madaxweybaha, Gudoomiyaha baarlamaanka ama
Rai’isul wasaaraha cusub. Waxaa mid kasta taageeraya shakhsiyaad ama koox
aad malayn kartid, maxay u dhici la’adahay in wadajir loo wada taageero oo
astaantu ahaato calanka iyo madax weynaha. Shakhsi aan ahayn Soomaali oo arkay sawirada
kala duwan ee xaflad la ruxayo ayaa wuxuu u mooday in Madaxweynaha, Gudoomiyaha
baarlamaanka, iyo Raiisul wasaaruhu yihiin dad tartamaya ee aaney ahayn koox wada
socota.
Hadii la taageero Calanka iyo Madaxweynuhu waa taageero dowlada oo dhan. Waxaase
ku luma dhaqaale fara badan iyo wakhti badan caleemosaarkooda. Hadii daacad-nimo
jirto waxaa xafladahaas looga faaiidaysan karaa in xaflad kasta dhaqaale loogu guro
inta ku dhiban dalkii.
Dowladdu ma dowlad midnimo mise xisbi?: Waxaa loo tartamay Gudoonka
Baarlamaanka iyo Madaxweyne, mana lagu tartamin is bahaysi xisbi, waxaa warfaafintu
u dhigeysaa in uu na xukumo xisbiga (D. J),(PDP), lagama maqal masuuliyiinta la
doortay, waxaase xaqiiqadu tahay in dareen badani jiro.
Baarlamaanka ayaa ah ilaaliyaha sharciga iyo dhaqanka dowladnimo, waana in qof kastaa
uu dareemo in dowladani na metesho oo wakiil ka tahay, waxaa ayaan daro noqonaysa
in dowladdu ku salaysnaan aqoon, hawlkarnimo, wax qabad iyo Jacaylka Soomaaliya.
Hadii shacabku mar u arko cadaalad darro wey adkaanaysaa in arigtaasi doorsoonto.
Soomaalidu fikradda ay mar qaadato degdeg uma dooriso. Waxaan hore u soo marnay
dowladdo ku salaysan 4.5 taas oo ku lid ah diinta, Cadaalada iyo doonista Soomalidda.
Waxaa hogaamiye looga baahanyahay Aragti, Daacadnimo, Xirfad maamul, dad la dhaqan
(Team player).
Waxaa tusaale aan lagu dayan ahayd dowladihii hore sidii ay uga dhigeen wasaaradda
Dhalinyarada iyo Isboortiga Wasaaradda lagu samirsiiyo cidii loo waayo kursigey
filayeen. Ma siyaasad bey ahayd mise maslaxo, yaa dani ugu jirtey yaase ka faaiideystay?
Waa aragti fiican in dowlada cusubi ku koobto sagaal wasiiro Sare (super ministers),
qaabka dhismaha dowladuna noqdo mid cusub. Waa in dadka loo sharxo oo la fahamsiiyo,
lagana iibsho ama gado fekradda.
Siyaasadda iyo Heerarkeeda: Waxaa soomaalya looga tala fadhiyaa
Qaraamada Midowday (UN), USA, EU,UK,Italy, OAU, IGAD, Dowladdaha Carabta, Qatar,
Ethiopia, Kenya, Djibouti, Somaliland iyo shacabka iyo dowlada Soomaaliya. Dhamaan
xubnahaa ku hawlan siyaasadeenu marna waa isku dan marna waa kala dan. Waxaa lagu
soo koobi karaa muhimadda danahaas, Khayraad, Dhul balaarsi, Diin, Maslaxado shirkadeed
iyo shakhsi. Xilliga hadda ah waa adagtahay in la kala sooco danaha shakhsi, hey’ad,
ama dal. Waxaa isku laablaabta danaha sidi caws la falkiyey taas ayaana sii murgineysa
xaaladda. Waxaa kale oo soo cadaatay in dadka Soomaaliyeed kooxiba dan leedahay,
Soomaalinamaduna soo geleyso meel dambe in yar hadii laga reebo. Maxaa sababay in
doorashooyinka Soomaaliyeed wadama debadeed maal geliyaan am ka door bidaan shakhsi
mid kale. Waxaa hees Soomaaliyeed ku jirtey ‘Baahidda ninbaa kula daydaya,
daaalna kaa badane aan doonahayn inaad heshoo daa’in abidkaaye…
Soomaali been waa sheegtaa beense ma maahmaahdo. Danaha isku lidka ah, isku jeeda
oo kala jeeda yaa maslaxo ugu jirtaa? Taariikhdu waxay inoo sheegeysaa in daacadnimada
Ilaah asaas u tahay wanaaga shakhsiga. Waxaa soo maray waayahan dambe siyaasiyiin
cusub oo ku waaya aragnimo qaatay Soomaaliya waxaana lagu xukumay inaan marna lagu
abaal marin hawlkarnimadoodii iyo daacadnimadoodii, taasina waxay keeneysaa in siyaasiyiinta
dambe u arkan xilalka dowladnimo mar keliya arag. Waxaa cusub in siyaasiyiintii
Soomaaliland ka qabaan rajo badan iney kaalin lixaad leh ka qabsadaan wasaaradaha
dowladda cusub, waxaa la oran karaa waxay isu soo dhoweynaysaa Woqooyiga iyo koonfurta.
Waxaa jira shakhsiyaad fara badan oo qiimo ku leh woqooyi iyo koonfur oo kaga haboon
xilalka kuwa soo dudaya.
Gebagebo iyo gunaanad waxaa haboon in maddaxda Soomaaliyeed isu arkaan iney yihiin
muwaadiniin Soomaaliyeed, loona doortay danta Soomaaliyeed. Waxaa la moodaa in dalalka
qaar quus taagan yihiin ayna ku cuna qabataynayaan ama ku caga juleynayaan Soomaaliya
inay ciidamadooda kala baxayaan. Wakhtigu marna waa kugu lid marna kula dhan, sugitaanka
badan ee dowlad dhisidu wuxuu ahaan karaa u kuur gelis cidda ugu haboon ama kalsooni
la’aan. Si kastey ahaatoba waxaa maanta Soomaali ku haboon SAMIR, DUCO, iyo
Taageero aan shardi lahayn.
By: Jaamac Qalin Caaro