Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Furmay
Kubadda Webmaster

Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Furmay

Garoonka Kubadda Koleyga Degmada Xamar Jajab ayaa waxaa si habsami leh uga furmay Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir, Iyadoo Tartankan uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Koleyga oo dhanka Maalgelinta Kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sida ay ugu faraxsan yahiin qabashada Tartanka K/Koleyga Degmooyinka, wuxuuna xusay in Tartankan ahmiyadiisu tahay sidii isdhex-galka bulshada loo sii kordhin lahaa, dhinaca kalena lagu dhiirigeliyo dhallinyarada ku dhaqan Gobolka Banaadir si ay uga soo baxaan xiddigo xirfad u leh Kubadda Koleyga.

"Maamulka Gobolka Banaadir aad ayuu u dhiirigeliyay Kubadda Koleyga Waayo Xarumaha Degmooyinka wuxuu u dhisay garoomo lagu ciyaari karo K/Koleyga - anagana (XSKK) waxaa xil naga saaran inaan Tartamo noocan u qabano degmooyinka si ay uga soo baxaan jiilka berito oo mustaqbal fiican ku yeesha ciyaarta Kubadda Koleyga". Sidaas waxaa hadalkiisa ku gunaanaday Guddoomiye Roombo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan, Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Zone 5 ee Gobolka Banaadir Abuukar Hiraabe Bokar oo iyaguna ka hadlay furitaanka tartankan ayaa tibaaxay in Tartanka Degmooyinka uu yahay mid aad u xiiso badan isla markaasna qeyb weyn ka qaadanaya dhiirigelinta Nabadda Muqdisho iyo isdhex-galka Bulshada, waxayna ku booriyeen madaxda Degmooyinka inay aad u dhiirigeliyaan Ciyaartoyda.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga horyimid degmooyinka Xamar Jajab iyo Hodan waxaana guusha si xarago leh 29-41 ay ku raacday Degmada Hodan.

Ciyaartan waxaa garsoorayay Abuukar Muudeey iyo C/qaadir Ilka Cas, Lamabarada Cali Hindi, Dhibcaha Cumar Maxamed, halka Saacadda uu hayay Xasan Ibraahim {Moos}.

Si kastaba, Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya 8 degmo oo kala Qeybta A: Hodan Xamar Jajab, Waaberi iyo Hodan. Qeybta B: Shibis, Warta Nabadda, C/Casiis iyo Boondheere – Qeybtiiba waxaa ka soo baxaysa labo Degmo. waxaana lagu ciyaari doonaa sida XSKK ay qorsheeyeen garoomada Degmooyinka oo si is wada-arag ah marba Degmo hoygooda lagu ciyaarayo [Home-Away]. Iyadoo rubuc-dhamaadka ciyaarta lagu wado in lagu ciyaaro garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino).

Daawashada Tartankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan oo aan ka xusi karno Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan, Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamed Warsame, Guddoomiyaha XSF Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Guddoomiyaha Zone 5 ee Gobolka Banaadir Abuukar Hiraabe Bokar, Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye [Walker], Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Jiilka Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] C/qani C/llaahi Hilowle {C/qani Jeenyo} iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo xiiseeya ciyaarta Kubadda Koleyga.

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013
Next Article FIFA Training course for Somali football referees gets under way in Djibouti
Print
6318 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top