Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

KOOXDA F C BANAADIR OO U DABAALDEGTAY HANASHADII HORYAALKA HEERKA 3-AAD
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Football

KOOXDA F C BANAADIR OO U DABAALDEGTAY HANASHADII HORYAALKA HEERKA 3-AAD

FC Banadir oo hanatay horyaalnimada sanadka 2012 ee tartanka horyaalka heerka 3-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusheeda munaasabad ka dhacday Makhaayada weyn ee LIDO Seafood ee ku taal xeetba Liido ee magaalada Muqdisho maalintii Jimcaha. Munaasabadaas oo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano, madaxda xiriirka kubada cagta, ciyaartoy iyo taageerayaal.

DrXasan Macalin oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ahna mas’uulka maalgeliyay munaasabadan ayaa ugu horeyn ku amaanay kooxda FC Banadir sida ay ugu mintideen dadaal badana ugu hureen u loolanka tartankii dhacay taas oo keentay in ay ku guuleystaan horyaalkii heerka 3-aad ee soo dhamaaday bartamihii bishan.

“Waxaan idinkugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen iyo in aad noqoteen horyaalkii sanadkan ee tartanka heerka sadexaad ee Soomaaliya, waxaan idinku boorinayaa in aad sii laba jibaartaan dadaalkiina, waxaana idin rajeynayaa in sanadka dambena aad sidan oo kale ku guuleysataan horyaalka heerka Labaad ee aad ka qeyb geli doontaan”ayuu xildhibaanku u sheegay ciyaartoyda kooxda FC Banadir.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka ,islamarkaana ah madaxa tartamada ayaa xaflada ka sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad usoo dhaweynayo in munaasabad ceynkan oo kale ah oo dhiiri gelin ah loo qabto koox qaaday horyaal sidan oo kale.

“Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan cod dheer ku sheegayaa in xiriirku uu aad ugu gallad hayo Dr.Xasan Macalin oo noqday masuul dowladeed kii ugu horeeyay oo dhiiri gelin u sameeya wiilashan yaryarka ah oo kale, waxaan ku boorinayaa masuuliyiinta kale ee dowlada Soomaaliya iyo ganacsataduba in ay dhab u qaataan kubada cagta ayna fahmaan doorka weyn ee kubada cagta Soomaaliyeed ay kasoo cayaartay dhanka nabada, dib u heshiisiinta iyo is dhex galka bulshada”ayuu Cali Shiine, ka sheegay munaasabada dhiiri gelinta ah ee loo sameeyay kooxda FC Banadir.

Dhankiisa Mustaf Cilmi Afrax, oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka ahna guddoomiyaha guddiga dhalinyarada oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabada ayaa xusay in ciyaartoyda kooxda FC Banadir ay aadaab ahaan aad u wanaagsanaayeen intii tartanku socday, isla markaana ay muteysteen in lagu abaalmariyo munaasabadan heerka sare oo kale ah.

“Marka hore waxaan amaan usoo jeedinayaa wiilashan yar yar ee edebta muujiyay iyo cayaar wanaaga , marka labaadna waxaan ugu hambalyeynayaa guusha muuqata oo ay gaareen”ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Mustaf Cilmi Afrax, oo horay ciyaatoy qaran usoo noqday.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdullaahi Abow Xuseen ayaa munaasabada ka sheegay in uu aad usoo dhaweynayo fahamka uu xildhibaan Xasan macalin fahmay awooda kubada cagtu ku dhex leedahay bulshada.

“Muddo ka badan 20 sanadood kubada cagta Soomaaliya xaga siyaasiyiinta iyo ganacsatada kama aanay helin xataa dhiiri gelin iskaba daa wax ay sponsor gareeyaane, hada waxaan ku rajo weynahay in siyaasiyiin badan iyo ganacsato ay soo raaci doonaan wadada Xildhibaan Xasan Macalin, oo kale” ayuu guddoomiye ku xiugeenku ka sheegay munaasabada. Waxaa uu hambalyo u diray guddoomiyaha, macalinka, ciyaartoyda iyo dhamaan taageerayaasha kooxda FC Banadir.

By: Shafi’i Mohyaddin Abokar


Previous Article GUELLEH BATAL WINS D’JIBOUTI SUPPER CUP
Next Article AU TROOP PRESENCE AT SOMALI STADIUM POSTPONES REGIONAL TOURNEY
Print
5457 Rate this article:
5.0
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top