Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Nigeria oo ku faraxalatay Burkina Faso cayaartii Finalka Koobka qaramada Afrika 2013
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Football

Nigeria oo ku faraxalatay Burkina Faso cayaartii Finalka Koobka qaramada Afrika 2013

Goolka keliyah ee uu u dhaliyay ciyaaryahanka Sunday Mba, ayaa ku filaaday iney Nigeria ku guuleysato koobkii Qaarada Africa 2013, Burkina Faso sedkeedu wuxuu noqday kaalinta labaad oo ah tan ugu xanuunka badan markaad soo dhowaatid balse aad gaari weydid abaalmarintii ugu weynayd. Burkina Faso waxay ku dhowaatay iney barbaro ama bareejo la noqoto Wilfried Sanou ayaa ku khasbay goolhayaha Nigeria Vincent Enyeama inuu badbaadiyo goolkiisa. Ciyaarta oo ay garoonka joogeen sideetan iyo shan kun oo qof waxaa dhexdexaadinayey Jamiil Heimoudi.

Ciyaarta oo ahayd ciyaar marba koox la weerarayo, marba koox la sigayo balse waxay u ekayd in Burkina Faso daalantahay, iyada oo aan isla markaana aan wax loo dhimayn dadaalka macalinka dalka Nigeria Stephen Keshi, oo ahaa kabtankii xulkii Nigeria ee hanta koobka Afrika 1994, markii ugu dambeysay isagoo noqday shakhsigii labaad qaranka dalkiisa ku guuleysto isaga oo tababare iyo kabtan kooxeed ah. Wuxuuna talaabadan kala mid noqday ciyaartoygii xulka qaranka Masar (Egypt) Mahmoud El Gohary.

Iyadoo aan sii tixraacaya tirooyinka Stephen Keshi oo aad looga soo horjeeday qaabkuu u xushay ciyaartoyda, laguna eedeyey inuu ka tegey ciyaartoy wanaagsan, wuxuu noqotay kii keliya ee tababare madow ah oo ku guuleysta koobka 21kii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana ugu dambeyey tababrihii Ivory Coast YEO Martial oo guusha hantay 1992. Taasi waa u tusaale in la aamino muwaadiniinta aqoonta iyo awooda u leh baahida qarankooda.

Burkina Faso oo gaartay heerkii ugu sareeey tartka qaarada Afrika dhanka Kubadda cagta oo kaalinta 2aad tartankan gaartay, horena 1998 gaaray kaalinta 4aad.

Guusha ugu weyn waxaa hantay dalka Koonfurta Afrika oo si aad u qurux badan u soortay una soo dhoweysay dhamaan intii tartanka ka soo qayb gashay.

W.Q: Kubadda.com


Previous Article Peace match raises hopes in Somali capital
Next Article Lix Xildhibaan oo la kulmay bahda Isboortiga London
Print
5610 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top