Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London
kubadda.com
/ Categories: Sports News, Football

Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Waxaa magaalada London gaar ahaan koofur galbeed xaafada lagu magacaabo Streatham lagu qabtay koob kubadda cagta ah oo aanan noociisa horay eysan u soo qaban qaabin Soomaalida qurbo joogta ah ee ku sugan magaalada London.

Maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa waxaa ay maamulka kooxda Streatham United f.c. garteen in loo dhigo koob looga faa’iidaysanayo in lagu wacyi geliyo dhalinyaradda da’da yar ee ku dhaqan xaafadda.

Guud ahaan koobkaan ayaa ahaa mid lagu weyneynayay laguna barayay da’yarta muhiimada ey u leedahay Ummada Soomaaliyeed iyo dhamaan ummadaha muslimiinta taariikhda maalinta 17ka Ramadaan oo ku aadanayd maalintii dagaalkii Beder (The Battle of Badr ) ay galeen Muslimiinta.

Koobka Beder Cup ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka kooxda Streatham waxaana nasiib u yeeshay in ay ku looltamaan labada koox ee Beder team iyo Ramadaan team oo laga soo dhex xulay kooxda Streatham U.F.C.

Labada koox ayaa muujiyay ciyaar ay aad ula dhaceen daawadayaashii ka soo qayb galay kulankaas, waxaana koobki hantiyay kooxdi ku ciyaareysay magaca Beder team.

Cayaarta kadib waxaa muxaadarooyin aad qiimo u lahaa ku kala bixiyay luqadaha Soomaaliga iyo Ingriiska macalin cabduqaadir iyo Bilaal.

Qaybtii hore ayaa waxaa bilaabay asagoo ku hadlayay luqada Ingriiska Billaal, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo ey aad ula dhaceen daawadayaashii ka soo qeyb galay tartanka iyo kuwii cayaarayayba aqoonta durugsan ee uu u lahaa taariikhda Islaamka, yarkan da’da yar.

Sidoo kale waxaa isna luqada Soomaaliga ku sharxay macalin Cabduqaadir oo ah culumada xaafada Streatham mid ka mid ah. Waxaa isna sidoo kale wacyi gelin iyo Alle ka cabsi u sii raaciyay Sheikh Abuu Bilaal.

Waxaa intaa ku xigsaday Maxamed Xaashi, Moowliid Kuubaan iyo Maxamed Alfaale, oo ka mid ah bahwaynta isboortiga xaafada, oo dhamaantood xusay sida ay ula dhacsan yihiin dadaalka dheeriga ah ay xaafada ka samaysay kooxda Streatham United f.c. mudada gaaban ay dhisan tahay.

Gaba gabadii ayaa waxaa soo afjaray munaasabada kulanka, qaban qaabiyayaasha tartanka oo uu u horeeyo gudoomiyaha kooxda Streatham united F,C Maxamed Cabdi Gacal, xoghayaha naadiga Iimaan Barre Axmed iyo macalinka kooxda Mahad Axmed Tagoow oo u mahad celiyay labada kooxood cayaar wanaaga ay muujiyeen iyo shacab waynaha u soo daawashada tagay.

Intaas kadib ayaa la gudoonsiiyay koobkii kabtanka kooxdii ku guuleysatay tartanka Cabdi Waasac, waxaana gudoon siiyay macalin Cabduqaadir.

Koobka waxa uu ku soo gaba gaboobay jawi dhalinyaradu ey aad ugu riyaaqeen waxeyna codsadeen in munaasabadaha noocaan oo kale ah in la badiyo mustaqbalka.

W/Q: Editorial Kubadda.com


Previous Article Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow
Next Article Macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga oo booqasho ku yimid London
Print
6121 Rate this article:
No rating
kubadda.com

kubadda.comkubadda.com

Other posts by kubadda.com
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top