GUDDOOMIYAHA CAF ISSA HAYATOU, OO HAMBALYEEYAY GUD. X. K/C JABUUTI
Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta qaarada Africa ee CAF Issa Hayatou, ayaa maanta
dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta dalka Jabuuti
Suleymaan Xasan Waberi.
“Munaasabada doorashadaada awgeed oo laguu doortay guddoomiyaha xiriirka kubada
cagta Jabuuti kaddib shirweynihii dhacay 10-kii Bishan November aniga oo ku hadlaya
magaca CAF iyo kan xubnaha guddiga fulinta waxaan kuusoo dirayaa hambalyo ku aadan
guushan cusub”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta Qaarada Africa Issa Hayatou,
oo qoraalkiisa sidoo kale soo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta CECAFA.
Guddoomiyaha cusub Suleymaan Xasan Waberi waxaa uu muddo dheer soo ahaa xeer ilaaliye
FIFA iyo CAF iyo sidoo kale macalinka garsooreyaasha CAF, wuxuuna kaalin weyn kasoo
qaatay horumarinta garsoorka kubada cagta dalkiisa iyo kan qaarada intaba.
Waxaa uu guddoomiyaha CAF qoraalkiisa ku sheegay in ururkiisa ay ka go’antahay inuu
sii wado taageerada kubada cagta Jabuuti si loosii xoojiyo xiriirka wada shaqeyneed
ee u dhexeeya FDF iyo CAF waxaana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto
howsha adag ee loo xil saaray.
“Mudane iga guddoon hambalyadeyda”ayuu dhambaalkiisa ku yiri Issa Hayatou, oo u
rajeeyay guddoomiye Suleymaan Waberi in uu shaqadiisa ku guuleysto.
FG: Qoraalka guddoomiyaha CAF oo Af Fransiis ku qoran: RIIX HALKAN
By Shafi’i Mohyaddin Abokar