Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

GAROONKA KUBADDA KOLEYGA EX-LUUJINO OO DIB LOO FURAY
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

GAROONKA KUBADDA KOLEYGA EX-LUUJINO OO DIB LOO FURAY

Dayactir balaaran oo lagu sameeyay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dib xariga waxaa uga jartay furitaankiisa Drs. Maryan Qaasim Axmed oo ah wasiirka wasaaradda adeega bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa dayactirka lagu sameeyay garoonka iyo sida uu burburka u saameeyay ka warbixiyay Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) iyo Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) waxayna tibaaxeen in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay sababeen burbur baaxad leh oo ku yimid garoonka, dhinaca kale waxay uga Mahadceliyeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo dib u dayactirtay dibna u soo celisay bilicda garoonka Ex-Lugino oo iminka lagu ciyaaro qeybo kala duwan oo ciyaaraha ah sida Koleyga, K/Gacanta iyo Laliska.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Aweys Sheekh Xadaad, ayaa muujiyay wadashaqeynta GOS kala dhaxaysa wasaaradiisa wuxuuna xusay in ay ka wada shaqeeyeen sidii garoonkan loo dayactiri lahaa, isagoo dhankiisa ku ammaanay Hormuud Telcom sida xilkasnimada oo ay uga qeybqaateen howlaha lagu horumarinayo ishdexgalka bulshada Soomaaliyeed. Wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyay Wasiirka.

Wasiirka wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed, ayaa ku dhawaaqday in garoonku Furan yahay, sidoo kalena waxay mahadcelin balaaran u soo jeedisay GOS iyo Sharikadda Hormuud oo garoonka dib u dayactiray. Iyadoo dhinaca kale ka dhawaajisay inay xoojin doonto xiriirka ay la yeelanayso bahda Isboortiga, waxayna xustay in Isboortiga ka shaqeynayo isu keenidda bulshada.

Ugu dambeyn, Furitaanka garoonkan ayaa waxaa ka soo qeybagalay madax ka socota GOS, Madaxda Xiriirada, Wasaaradda Isboortiga iyo Maamulka Degmada C/Casiis. Wuxuu ku soo idlaaday jawi farxad leh.

BY: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article AU TROOP PRESENCE AT SOMALI STADIUM POSTPONES REGIONAL TOURNEY
Next Article GAROONKA BANAADIR STADIUM OO LOO DHAMAYSTIRAY CAWSKII ARTIFISHALKA
Print
4762 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top