Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

XIRIIRKA KUBADDA KOLEYGA OO QALAB ISBOORTI LA GUDOONSIIYAY
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

XIRIIRKA KUBADDA KOLEYGA OO QALAB ISBOORTI LA GUDOONSIIYAY

Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku kulmay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) iyo Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka [NGSC] C/Qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo).

Gudoomiye C/qani, ayaa booqashada kulankan kula balan sanaa si uu u gudoonsiiyo Qalab Isboorti oo dhowr nooc ka koobnaa Gudoomiyaha X. K. K .S. Ibraahim Xuseen Cali (Roombo).

Ugu horeyn waxaa dadaalkiisa ku aadan ururintii qalabkan Isboortiga iyo sida ay ugu suura gashay inuu dalka soo gaarsiiyo ka warbixiyay C/qani Jeenyo, oo sheegay inay ku dhalatay markuu arkay in XSKK iyo ciyaartoyda u baahan yahiin taageero dhinaca qalabka Isboorti.

“Ma aha markii igu horeysay ee aan dalka keeno qalab Isboorti, waxaan goob joog u ahaa tababaro kala duwan oo ay ciyaartoyda qaadanayaan waxaa inuu soo baxay inay u baahan yahiin gacan gashi dhididka ay isaga celiyaan iyo kubaddo tayo leh, dhanka Xiriirka waxaan garanay inay u baahan yahiin Koobab qurux badan oo aan ugu talo galnay Tartanka ugu soo horeeya loo isticmaalo , Intaas maanta wixii awooddeena ah waan keenay waana rajeynaynaa inaan intan iyo in ka badan ku caawino XSKK iyo ciyaartoyda Kubadda Koleyga” ayuu yiri Guddoomiyaha [NGSC] C/qani Jeenyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) ayaa uga mahadceliyay C/qani Jeenyo oo uu sheegay inuu yahay shaqsi mar walba aad u dhiirigeliya Isboortiga gaar ahaan Kubadda Koleyga.

“Ma`aha markii ugu horeysa oo uu C/qani Jeenyo qalab soo gaarsiiyo Xiriirka Kubadda Koleyga, markuu dalka soo gaaraba wuxuu caawimaad soo gaarsiiyaa XSKK iyo Ciyaartoydiisa. Waan uga mahadcelinaynaa xilkasnimadiisa iyo dadaalkiisa horumarinta Isboortiga, waxaan rajeynayaa in bahda qurba-joogta Isboorti ku dayan doonaan” ayuu yiri Guddoomiye Roombo oo intaas ka dib isla garoonka ugu qeybiyay Kubaddo iyo qalab kale Kooxaha u diiwaan gashan Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaliyeed.

Si kastaba, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka [NGSC] C/Qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo) ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee K/Koleyga, waxaana lagu tilmaamaa shaqsi Isboortiga jecel isla markaana aad u dhiirigeliya dhallinyarada, waxaana xusid mudan 01/02/2011 in Ra`isul wasaarihii hore ee Xukuumaddii Tayo (Maxamed C/laahi Maxamed `Farmaajo) u idmaday xilka la taliyaha arimaha dhallinyarada iyo Isboortiga dalka.

By: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article SOMALI NOC CONGRESS ELECTS NEW CHIEF
Next Article GUDDOOMIYE KU XIGEENKII 2AAD EE GOS OO KU GEERIYOODAY MUQDISHO
Print
4599 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top