Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Xaflad Hambalyo iyo taageero soo dhaweyn maamulka cusub ee XSKK London loogu qabtay
kubadda.com
/ Categories: Sports News, Basketball

Xaflad Hambalyo iyo taageero soo dhaweyn maamulka cusub ee XSKK London loogu qabtay

Waxaa habeenkii Sabti- Axadaad ee 8da Juune 2013 lagu qabtay Waqooyiga London maqaayada lagu magacaabo Maandeeq Resturant, ee ku taal 391 Lordship Lane, N17 6AE Xaflad si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen bahda Kubadda Kolayga reer London iyaga oo ugu hambalyaynaya Xubnaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga dhowaan la magacaabay.

Xaflada oo wejigii loogu tala galay iska badeshay kadib markii bahda kubadda kolayga ka war heleen in ay wadanka la joogaan shaksiyaad qiimo iyo taariikh ku leh Isboortiga gaar ahaan K. Kolayga kuna casuumeen kulanka taas oo bishay quruxda iyo farxada isku imaatinka.

Waxaa ugu horayn ku furay ereyo cibaado iyo caqli celin xambaarsan Cabdulqaadir Garweyne (Somalita) oo faray intii meesha fadhiday in Ilaah laga cabsado awaamiirtiisana la raaco.

Waxaa kadib lagu soo dhoweyey martidii kulanka Nuradiin Cali Siciid (Badda & Qaranka) oo ka yimi Birmingham, Cabdirashiid Axmed BALASTIKO(Badda & Qaranka)oo ka yimi Georgia, USA. Dr Maxamed Aadan Jeelle oo ahaa garsoore Caalami ah taariikhdana si gaar ah u xusto habeenkii Zaiir iyo Jeenyo ee intii joogtay ama maqashay ogtahay sidii ay Bashiir M. Jaamac Goobe u qabteen garsoorkii ugu farsamada badnaa abid.

Dr Jeelle wuxuu u hambalyayey lana dardaarmay xubnaha xiriirka K.Kolayga. Waxa kadib hadlay Bashiir Yuusuf Maxamed (Fox) ahna G/xigeenka 1aad ee XSKK isla markaana ah macalin naadi iyo xulka Qatar, booqasho gaaban ku tegey Muqdisho si kooban uga warbixiyey sidu xaalku manta yahay iyo waxa loo baahanyahay in la qabto. Waxaa kadib hadal aad u kooban soo jeediyey Cibaado Cabdi Warsame(ENC) oo ka timi dalka Canada, waxaa martida soo af jaray Sahro Warsame oo ka mid ahayd gabhihii ugu horeeyey ciyaarta Tenniska dalkeena isla markaana cayaari jirtay Kubadda Kolayga soona bandhigtay sawiro hore oo soo godliyey xusuuso waayo waayo.

Iyada oo aan la soo koobi Karin dadka goobjooga ahaa ayaa hadana waxaa mudan in aan xuso in uu xafladda nagala soo qayb galy Xog hayaha Joogtatada ah ee GOS Mudane Duraan Faarax iyo laacibkii kooxda kubadda cagta Batroolka Mr Daysane. Waxaan kaloo ka xussi karaa dadkii goobjooga ahaa macalinkii kooxda gabdhaha (ENC) iyo kooxda Qaranka Soomaaliyeed C/rahmaan Guhaad Shiino, Cabdulqaadir Garweyne (Somalita & Qaranka), Libaan Dauud, Mahad Tagoow iyo Ismaa’iil Raage ee naadiga Isboortiga Streatham, Mahad Bilig (Badda), Cabdiweli Sabriye (Waxool & Qaranka), Cabdullaahi abshir iyo wiilkiisa, Cabdiraxmaan yare, Liibaan Daahir Yuusuf (Jeenyo), Yusuf shangaani, Abuukar Tall (Jeenyo) Axmed Bile (JEENYO) hadana ah maamulaha kooxda ILAMOS, Cabdixakiim yare, Xuseen Abanuur Abati (WAGAD)

Dhinaca kale waxaa joogay Safia Neero (Somalita), Shukri Dhalbaas (Muqdisho), Siciido Sheikh (JEENYO), waxaa ku soo biiray Maxamed Buwe, Cabdisalaan Mumin, iyo Xuseen Yare.

Markii Xaflada la guda galay waxaa ku soo dhoweeyey dadka yimi ugana mahadceliyey Miski Cumar oo ku hadashay dhamaan bahda Kubadda Kolayga Dumar iyo Rag, wexeyna u hambalyaysay xubnaha XSKK wexeyna ugu baaqday wada shaqayn iyo waxqabad muuqda. Waxaa ka dib hadlay Xaawo Taako oo ka mid ah Gudoomiye Ku xigeenada XSKK waxyna soo jeedisay in loo baahan yahay wada shaqaynta bahda K.Kolayga iyo culayska hawsha wax qabadka u baahan. Xaawo oo muddo dheer u soo cayaartay Naadiga Hawlaha Guud ayaa u mahad celisay dadkii soo qaban qaabiyey munaasabadan.

Gebagebadii kulanka macalin Xasan Farah JOHN oo daadihinayay barnaamijka ayaa ku waree jiyay micraphone-ka Maxamed Sheikh Cabdi (Weli) oo ka mid ah xubnaha cusub ee XSKK, oo u mahad celiey intii xaflada soo qabanqaabisay, intii ka soo qayb gashay, iyo martida waqtigoodii ciriiriga ahaa u horay munaasabadan. Maxamed wuxuu tusaaleeyey muhimada wada shaqaynta, Istaageerka iyo midnimada. Waxaana kulanku ku soo geba geboobay Jawi farxad, raynrayn iyo xusuus waayo hore.

Bahda Kubadda kolayga reer UK ayaa waxay balan qaadeen in ay diyaar ula yihiin maamulka cusub ee dhawaanta lagu dhawaaqay ee Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga Soomaaliyeed in ay wixii karaan kooda ah ay talo iyo taageeraba diyaar ula yihiin wixii looga soo baahdo. Waxayna Illaah uga baryeen inta loo doortay maamulka cusub in uu ilaah la garab galo xillalkooda.

W.Q. Editorial Kubadda.com


Previous Article Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport
Next Article Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London
Print
5989 Rate this article:
No rating
kubadda.com

kubadda.comkubadda.com

Other posts by kubadda.com
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top