Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

GAROONKA BANAADIR STADIUM OO LOO DHAMAYSTIRAY CAWSKII ARTIFISHALKA
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

GAROONKA BANAADIR STADIUM OO LOO DHAMAYSTIRAY CAWSKII ARTIFISHALKA

Waxa la soo gabagabeeyay dhigista caws-kii la saarayay garoonka Banaadir Stadium ee ku yiilay degmada Cabdul-Casiis ee magaalada Muqdisho. Garoonka ayaa hadda lagu daday gabi ahaantii caws-ka aritifishalka ah ama mid aan rasmi ahayn.

Inkastoo garoonku uu ka muuqday dhawac bur bur aad u xoogan oo dhamaan garoonka gabigiisa saameeyay ayaa hadana waxaa wax lagu farxo ah talaabada koowaad ee uu xiriirka kubadda cagtu qaatay, taas oo ahayd sidii marka hore loo dhigi lahaa garoonka caws-aritifishal ah kadibna wax looga qaban lahaa dhinaca dhismaha darbiyada iyo fadhiga garoonka iyo qolalka ay seexanayaan ciyaartoyda xulka Soomaaliya.

Wariyaal ka tirsan shabakadda Midnimo oo maanta booqday garoonka ayaa soo arkay in garoonka guud ahaantiis la dhigay caws, sida roogga oo kale ah, oo aan ahayn kuwa la beero ama la abuuro.

Garoonka waxa caws-ka saaray khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield kaasoo lagu magacaabo Mr. Lex Vander. Markii aan booqanaynay garoonka ayaan waxa halkaas aan kula kulanay masuuliyiin ka socda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya sida Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Sciid Guuleed iyo Madaxa Tartamada Xiriirka Kubada Cagta Cali cabdi Maxamed (Cali shiino).

Xoghayaha ayaa wuxuu sheegay in cawska la dhigay garoonka uu jiri karo muddo 12-sano ah, oo uu lee yahay damaanad qaad buuxda. Xoghaye Cabdi Qani ayaa sidoo kale sheegay mashruucan la rabay in uu bilowdo 2010-kii, laakin dagaalo ka socday magaalada, gaar ahaan halka uu ku yaalo garoonka uu dib u dhac ku keenay.

Mar aan waydiinay cida maalgelisay Mashruuca, ayaa wuxuu sheegay in mashruucan oo ay maalgalineyso hey’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxana la bilaabay sannadkan 2012-ka.

Waxaan kaloo waydiinay Rajada Mustaqbalka iyo wax uu Xiriirku uu damacsan yahay: Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Sciid Guuleed oo isna ku sugnaa garoonka Banaadir ayaa yiri “wixii hadda ka dambeeya garoonku waa mid diyaar u ah in lagu qabto cayaaraha caalamiga, wixii hadda ka dambeeyo ma jiri doonto in cayaaraha aan u aadno wadamo kale sida kuwa Hom-ka, halkan ayaa lagu ciyaari doonaa, maxaa yeelay waxa la dhisooyaa qolalkii ay seexan lahayeen cayaartoyda xulka Qaranka, ma jiri doonto in cayaartoyda ay tababaro ku qaataan waddamada dariska ah, cayaaro caalami haddii ay soo baxaan halkan ayaa lagu cayaari doonaa” ayuu yiir Cali Saciid Guuleed.

Mr. Lex Vander oo khabiirka howsha garoonka wadda ayaa Midnimo u sheegay in garoonka hadda in la soo dhameestiray garoonka la dhigaayay, oo wax yer oo ah koolada lagu dhajinaayo uu u harsan yahay, wixii hadda ka damba lagu qaban doono cayaaraha caalamiga iyo horiyaaladda waddanka.

Waxa la siiyay qandaraaska garoonka lagu dhigaayo cowska shirkadda EMECO oo ah shirkad ka dhisan waddanka. Waa markii ugu horreysay oo garoomada Soomaaliya la dhigo cowska macmalka ah ama aan ahayn kuwa rasmiga ee yaalla garoomada caalamiga adduunka.

Magaalada Muqdisho, waxa ku yaalla labo garoon oo caalami ah, mid ka mid ah waa Banaadir Stadium halka mid kalena uu yahay Mogadishu Staduim oo isna ku yaalla degmada Wardhiigeeley, garoonka hadda waa goob ciidan oo waxa ku sugan ciidanka AMISOM ee howlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Inta badan dadka odarasa ama la socda ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya, guul darada soo gaartay kooxda qaranka Soomaaliya, waxa sabab u ah ayay leeyihiin cayaaryahanka oo aan heesan garoomo caalami ah oo uu ku tababarto iyo isagoo aan aqoon u lahayn garoomada casriga ah ee ay yaallaan cowska rasmiga ah ama midka aan rasmiga ahayn. Talaabadan dhigista garoonka Banaadir caws-ka aritifishalka ah ayaa noqon doonto mid wax wayn ka tarta cayaar yahanada Soomaaliyeed mustaqbalka.

Xigasho: Midnimo


Previous Article GAROONKA KUBADDA KOLEYGA EX-LUUJINO OO DIB LOO FURAY
Next Article RAJO LAGO QABO IN DIB LOO DHISO GAROONKII KUBADDA CAGTA STADIUM MUQDISHO
Print
4846 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top