Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Wiil yar oo mustaqbal fiican ka leh ciyaaraha Kubadda cagta
Kubadda Webmaster

Wiil yar oo mustaqbal fiican ka leh ciyaaraha Kubadda cagta

Tan iyo markii ay bur burtay Dawladii Soomaaliya 1991kii, waxaa kusoo badanayay dalalka qurbaha qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaaladii ka dhacayay dalka si ay u helaan amaan iyo nolol. Waxaana qaar badan oo kamid ah caruurta Soomaaliyeed ay ku dhasheen ama ku koreen dalalka Reer-galbeedka sida Britain-ka waxaa ay kamid tahay meelaha ay dadkaasi ku noolyihiin isla markaana waxaa ay u muuqdaan in ay lasii qabsanayaan nolosha dalalkan oo wax badan ka duwan tii taalay dalka Soomaaliya inkastoo haatan ay xaaladdu tahay ka daroo dibi dhal marka la eego dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya. Qaar kamid ah caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda London waxaa ay kasoo dhex muuqanayaan Naadiyada lagu taba baro caruurta loo diyaariyo in ay kooxaha waaweyn ee kubadda cagta ee dalkan Britain-ka ay Mustaqbalka u ciyaaraan ama u saftaan.

Mukhtaar Cali Afgooye, oo da’diisu ay tahay 12 sano jir isla markaana muddo 4 sano ah u ciyaaraya kooxdan ay da’doodu u dhaxayso 9-14 sano jirka ayaa Onkod News u sheegay in uu rajaynayo Mustaqbalka in uu u safto Kooxaha waaweyn ee dalkan isla markaana uu haatan ka tirsanyahay kooxda kubadda cagta ee Leyton Orion oo kamid ah Naadiyadda ay kasoo baxaan qaar kamid ah Ciyaartooyda u ciyaara Kooxaha waaweyn ee dalkan Britain sida Kooxda Chelsea.

Mar la waydiiyay Mukhtaar, su’aal ahayd in ay jiraan caruur Soomaaliyeed oo sidiisoo kale u ciyaaro kooxdan Leyton Orion, ama kooxaha kale ee lamidka ah. ayaa waxaa uu ku jawaabay “ waxaan ka qeyb galay ilaa iyo 70 ciyaarood oo aan kula ciyaaraynay kooxo caruur da’doodu yar tahay sida anagoo kale, laakiin wali ma arag caruur Soomaaliyeed oo kooxahaasi u ciyaaraya’’

Cali Afgooye oo ah Aabaha dhalay Mukhtar oo isna Onkod News ugu waramayay garoonka lagu taba baro caruurtaasi oo ku yaala Leyton ayaa sheegay in uu 3 maalmood uu todobaadkasta geeyo wiilkiisa garoonkaasi isla markaana ay caruurtu u baahan yihiin waqti badan oo la galiyo si ay ugaaraan waxa ay haminaayaan ama ay jecelyihiin Mustaqbalka.

Waxaa kaloo uu sheegay Cali Afgooye in uu diyaar u yahay in uu caawiye dadka soomaaliyeed ee jecel in ay Caruurtooda geeyaan goobaha lagu taba baro ilmaha jecel kubadda cagta , waxaana wixii fariin ah loogu hagaajin karaa Taleefanka lambarkiisu yahay 07951835229.

Onkod News Agency, London

Written by: Xigasho Onkod


Previous Article Somali Youth Basketball Camp
Next Article Somalia - Horn of Africa
Print
5682 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top