Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Kullan Looga Hadlayey Kaalinta Qurba Joogta oo Ay soo Abaabushay Hay`adda CRD oo Ka Dhacay Birmingham, Uk
Kubadda Webmaster
/ Categories: About Somalia, Somalia, Culture

Kullan Looga Hadlayey Kaalinta Qurba Joogta oo Ay soo Abaabushay Hay`adda CRD oo Ka Dhacay Birmingham, Uk

Waxaa maalinkii sabtida ee 29-bishaan ka dhacay hall-ka shirarka ee maqaayada hilaac ee magaalada Birmingham ee cariga Ingriiska kulan aad loo soo agaasimay oo looga hadlayey kaalinta qurba jooga iyo arrimaha Soomaaliya, kulanka waxaa soo abaabulay hay`adda CRD oo dhawaanahan daafaha aduunka ka wadey cilmibaaris la xiriirta kaalinta qurba joogta soomaaliyeed ee kula firirsan daafaha dunida.

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalay qaar ka tirsan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan cariga Ingriiska gaar ahaan magaalooyinka London iyo Birmingham, kasoo qeyb galaaysha ayaa ka koobnaa aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato iyo xubno ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingriiska, waxaa xusid mudan inaan magacaabi karno, Eng Cusmaan Jaamac Cali Kaluun, Cumar Salaad, Eng Yasriisow, C/wali Sheekh Maxamed, Prof Cumar Cabdulle Callasow, Duraan. Ahmed farah.

Kulanka waxaa soo agaasimay hay`adda CRD hase ahaatee waxaa gacan ka siiyey xubno ka mid ah xubnaha jaaliyada Ingriiska, gaar ahaan dhalinyarada ugu firfircoon hawlaha jaaliyada waxaana ka mid ah C/xayi Cusman Garad, Rashiid Maxamed Ciise (xabiib) Cawale Cali Kulane, C/shakuur Cali Mire, Cabdicasiis Shire, iyo Eng yariisow oo kaalin muhiim ah ka qaadaty suurta galinta kullankan.

Ugu horeyntii waxaa shirka furay CabdiXayo Cusman Garad oo asagu hagyey kulanka wuxuuna sharaxaad kooban ka bixiyey ujeedada kulanka oo ku tilmaamay in ay hay`adda CRD doonayso inay dhawaanahan-ba wadey aqoon iswaydaarsiyo ay ku xoojinayso kaalinta qurba joogto kuna soo bandhigayso daraasad ay ka samaysay ururkaan wax qabad iyo wax dhimid, hormar iyo dib u dhac.

Waxaa intaas kadin hadalka laga soo dhaweeyey Eng Yarisow oo asagu sir rasmi ah u furay kulanka una mahad celiyey kasoo qeybgalayaashii asagoo sidoo kale ku tilmaamay cilmaabrista iyo wacyi galinta ay wado CRD inay tahay mid ay ka faa`iidaysanayaan qurba joogta waxna ka taraysay ka qeybqaadashada hormarinta iyo dhisida adeega asaasiga ah ee ay u baahan yihiin dad ka soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka.

Waxaa jadwalka kulanka ku qornaa in mowduuca ugu horeeya ee kulanka uusoo jeedinayo Cawale Cali Kulane oo ka hadlay taariikh kooban oo ku saabsan soomaalida ku nool dalka Ingriiska waqtiyadii ay soo galeen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Cawale ayaa sidoo kale waxaa uu soo bandhigay war bixin (presentation) faah-faahan loo xiriirta nolasha soomaalida Inriiska dhinacyada, waxbarshada, ganacsiga, dambiyada, caafimaadka, dhibaatooyinka dhanka sharciga ah ee ay soomaalida la kulmaan, kala qeybsanaanta ururada u hadla soomaalida oo ku tilmaamay inay qeyb weyn ka qaadato dhibaatada haysata soomaalida.

Guud ahaan war bixinta Cawaale ayaa kasoo qeybgalayaashii kulanka waxaa ay sawir buuxa ka siisay xaalada iyo nolosha rasmiga ah ee Soomaalida ku nool dalkaan Ingriiska waxaana ay kasoo qeyb galayaashii uga mahad celiyeen Cawaale soo bandhigiisa warbixintaan.

Jabriil Ibraahim Cabdulle waaa agaasimaha hay`adda CRD oo ah hay`adda soo abaabushay kulankaan ama aqoon isweydaarsigaan wuxuu ahaa qofkii labaad ee ku qornaa soo jeedintii warbixina loogu talagalay kulanka, wuxuuna soo jeediyey war bixin dheer oo uu uga hadlayey kaalinta qurba jooga Soomaaliyeed iyo xaaladda Soomaliya, war bixinta Jabriil ayaa waxaa ay xoogga saartay, dhinacyada wax barashada, dhaqaalaha iyo ganacsiga, caafimaadka, nabad gelyada, iyo guud ahaan arrimaha la xiriira nolasha aasaasiga ah ee mujtamaca iyo sida ay saameyn lixaad leh ugu leeyihiin qurba joogto nolasha caadiga ah ee qofka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa.

Jabriil ayaa waxaa uu soo bandhigay wax qabad ka ballaaran ee ay qurba joogtu kasameeyeen gudaha dalka tusaale ahaan daraasad ay samaysay CRD waxaa lagu ogaadey in inta badan tuulooyinka iyo degmooyinka Soomaaliya ay ka dhisan yihiin iskuulo iyo masaajid ay dhiseen qurba joogtu, sidoo kale daraasada waxay kaloo qoraysayaa in lacag dhan 1.5 billion oo dollar maraykanka ah inay qurboa joogtu galiyeen Soomaaliya, lacagtaas oo ku tilmaamay inay tahay mid aad uga badan mid ay hay`aada ha UNk galiyaan Soomaaliya. Jabriil waxaa kale oo usoo bandhigay arrimo badan oo ka mid ah nolsha mujtamac soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo sida ay ugu tiirsan yihiin kaalinta qurbna joogta mana ahan warbixintiisii mid halkaan lagu soo koobi karo:

Sidoo kale Jabriil waxaa uu bandhiga kusoo daray dhaliilo iyo daloolo ay leeyihiin wax qababadka qurna joogto dhalillahaas oo uu qaar kood ku tilmaamay inay hagaasiyaan wax qabadkii iyo kaalintii ay qurba joogto ka qaadan laheyn dib u unkidda adeega bulshada, waxaa u ku nuuxnuuxsadey khilaafka iyo kala qeybsanaanta baahsan ee dhex jira Soomaalida ku nool qurba iyo ururda matalana, sidoo kale waxaa ayana dhaliil weyn noqotay in inta badan mashaariicda ay qurba joogto ka fuliyaan gudaha dalka ay intooda badan ku istaagan meel dhexe taasoo uu ku macneeyey tusaale ahaan in intii School aad u quixoon ay qurba joogto ka dhisaan meel ka mid ah Soomaaliyfa haddana sadex bilood ka dib uu iska xirmo kadib markii lawaayo dhaqaalihii lagu wadi laha iskuulka, sidoo kale waxaa ayana dhaliil weyn uu ku tilmaamay in mashaariicda ay qurba joogto fuliso aan loo fulin si heer Qaran ah ama (National Level) taasoo keento koox yar oo aan awood dhaqaale haysan intay mashriic fuliyeen inuu meel dhexe ku istaago.

Jabriil waxaa uu dhamaan war bixintiisa raacinayey xalka iyo sida wax la qabtay loo xajin lahaa qaladaadka iyo daloolada jirana loo sixi lahaa loona heli lahaa kaalin dheeli tiring oo joogto noqon karta oo ay ka qaataan qurba joogto arrimaha Soomaaliya.

Cusmaan Jaamac Kalluun iyo Cumar Salaad ayaa ayaguna ka hadlay goobta ayagoo ammanay kaalinta hay`adda CRD iyo kaalinta ay ka qaadato nabadeynta Soomaaliya iyo mashruucaan hadda uu ka wado qurba joogta.

War bixinahaa kadib waxaa dood dheer yeeshay kazoo qeybgalayshoo kulanka oo si qota dheer uga doodey warbixintii Jabrii su`aalana ka weydiiyey war bixiinta guud ahaan kazoo qeybgalayaasha ayaa soo dhaweeyey war bixinta Jabriil amaana iyo bogaadina usoo jeediyey waxayna soo jeediyeen tallooyin iyo dooda la xiriira war bixinta iyo sidoo loo sii hormarin laha ayagoo ku tilmaamay fikrada ah in la xoojiyo wax na laga badalo istraatijiyda ay dalka ku caawinaaan qurba joogtu mid loo baahan yahay, kazoo qeybgalayaasha qaar wax ka codsadeen hay`aada CRD inay masuuliyad gaar ah iska saarto hawlahaan iyo sidoo la iskugu xiran lahaa dhamaan hawlaaha dalka lagu hormarinayo ee ay wadaan qorba joogta Soomaaliyeed waxaana lagu balamay in aan laga harin fikraddaan iyi hirgalinta talooyinka kazoo baxay daraasadda ay wado hay`adda CRD.

Gebagebadiina wuxuu shirkii ama kulankii ku dhamaadey jawi wanaagsan oo farxad leh ayagoo kazoo qeybgalayaashii dareemaya inay wax weyn kafaa`iideysteen kulankaan, waxaa xusid mudan in kulankan joogaan dad arragtida siyaasadda kukala duwanaa laakiin kulanku ahaa mid gabi ahaanba laga ilaaliyey doodaha siyaasdada ma dhalayska ah xooggana lagu saaray arrimaha adeega bulshada.

Waxaa soo diyaariyay
Liban Daahir Nuur


Previous Article Somali Culture
Next Article TODOBAADKAN IYO CAYAARIHII KUBADDA KOLAYGA NBA-DA
Print
7145 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top