Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink
Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda
Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar kulul isaga horyimid Kooxaha
Heegan iyo Nationlink . iyadoo si xarago leh ay guushii ku raacday kooxda Heegan
oo 28-22 ugu awood sheegatay kooxda Nationlink.
Ugu horeyn ciyaartan ayay wiilasha kooxda Nationlink ku bilaabeen dardar aad u sareeya,
iyagoo shabaqa kooxda Heegan ku hubsaday goolal badan qeybtii horena la wareegay
Hogaanka ciyaarta. Laakiin markii la isku soo laabtay qeybtii danbe waxaa kooxda
Heegan ay garoonka soo gelisay Xiddigahooda waaya aragga u ah oo isbedel sameeyay,
iyagoo surageliyay inay markooda la wareegaan awoodda garoonka isla markaana guusha
ay kula hoydeen dhibcaha 28-22.
Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa xiddigihii ugu cadcadaa, dhanka Nationlink Maxamed
C/qaadir C/Shakuur (Mow), Cismaan Maxamed [Zavana].
Dhanka Heegan waxaa ciyaar farsamo ku dheehan la yimid xiddigaha da`da yar C/fitaax
Maxamed Macoow (Bukaale) iyo Cali Maxamed Aadan (Cali Baraawiini) oo labadaba u
muuqda hanaan ciyaareedkooda inay ku kordhayso farsamo dheeraad ah.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xamaasad badan waxaa garsoore ka ahaa C/laahi Xasan
Cali (Kuusoow) iyo Maxamed Cabdi Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay
Maxamed Xasan Fiidoow. iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.
Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax sare oo ay ka mid ahaayeen
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac
(Bashiir Goobe), Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow), Guddoomiyaha
XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Kusimaha Xoghayaha XSKG Xasan Maxamed Axmed
(Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga
Tartamada XSKC Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo Taageerayaasha Kubadda Gacanta
oo aad u buux dhaafiyay garoonka 1da Luulyo.
By: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)