Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

WARAYSI CAJIIB AH OO AAN LA YEELANAY AXSAN LAACIB SHIIKHAALOOW
Kubadda Webmaster

WARAYSI CAJIIB AH OO AAN LA YEELANAY AXSAN LAACIB SHIIKHAALOOW

Waxaa Illaah mahadii ah in aan la kulano, oo aan waraysano mid ka mid ah xidigihii laacibiinteenii Soomaaliyeed (Legends) ee kubadda cagta dheeli jiray wixii ka horeeyey 1991-gii. Laacibkaas oo aan dhihi karo wuxuu magac, sharaf iyo sumcad waynba ku lahaa dalkeena iyo dadkeenaba. Qofkii maqla magaciisa, ama arko muuqiisa ee ka mid ah bahdii xiisayn jirtay ciyaarihii dalka, qaasatan kubadda cagta berisamaadkii, waxaa hubaal ah inuu markiiba soo xasuusanayo Shiikhaaloow midka uu yahay, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah dhalinta da'da yare e maanta ciyaarta ama daawata ama xiiseeysa isboortiga waxaa lagayabaa in aanay maqal magacaas.

Hadaan dib uu jaleecno taariikhdiisa kubadda cagta iyo midka uu yahay ciyaartooygani. magaciisa oo buuxo waa Max'ed Xuseen Cali waxaase lagu naanaysaa Shiikhaaloow.

Shiikhaaloow wuxuu ku dhashay degmada Shibis ee gobolka Banaadrir sanadkii 1958-dii, waxbarashadiisa dugsiga sare iyo dhexe wuxuu ku dhamaystay isla degmada Shibis.

Shiikhaaloow wuxuu ahaa hadaan afkayga beenta ka reebo, ciyaartooyda Soomaaliya kubadda cagta ciyaari jirtay ama soo martay taariikhda, hadii la yiraahdo kee ugu fiicnaa? Mid u soo istaagi karo in uu kaalinta koowaad soo galo, inkastoo ay akhristayaasheena ay fikrad ka duwan ka qabi karaan ra'yigayga.

Ciyaartooy kasta oo Adduunka ka dheelo, wax buu si qaas ah, caan ugu ahaa, hadii laga hadlo maanta, yaa ugu fiican Adduunka darbada xorta ah oo loo yaqaan (free kick) dad badan ayaa qaba in laacibka wayn ee reer Ingriis David Beckham tusaale loo soo qaadan karo. Inkastoo ayna isku waqti ahayn xiliga ay dheelaayeen labadaan ciyaartooy oo aan rabo in aan is barbar dhigo, hadana waxaan ku kalsoonahay rayigayga ahaan, hadii lagu tar tansiin lahaa David Beckham iyo Shiikhaaloow darbada xorta ah (free kick) in uu Shiikhaaloow kaalinta koowaad geli lahaa. Farsamada ciyaareed ee kale meelba iska dhig.

Shiikhaaloow wuxuu ahaa ciyaartooy aad ugu wanaagsan xaga weerarka ama gool dhalinta wuxuuna taas ku muteystay inuu soo jiito dhamaan bahweynta isboortiga jecel. Shiikhaaloow hada wuxuu gacanta ku hayaa caruur da'yar oo la rabo in ay metesho kooxdii Minishiibiyo. Wuxuu ku nool yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis waa xaas leh caruur fara badan.

Hadal haan ma buuxshee, hadaan gudo galno waraysigii aan la yeelanay axsan laacib Max'ed Xuseen Cali (Shiikhaaloow), wuxuu u dhacay sida tan:

Kubadda: shiiqaaloow cayaaraha goormee ayaad bilaawday?

Shiikhaaloow: cayaaraha waxaan bilaabey sanadii 1972-dii anigoo u cayaaray xulka degmada Shibis waxaana ku guuleysanay sanadkaas koobkii degmooyinka gobalka Banaadir oo aan ka qaadnay degmada Xamarweyne. Isla sanadkaas hadana waxaa la ii qaatay xulka gobalka Banaadir, waxaana imaanay cayaarta kama danbeynta ah (final), in kastoo ay koobkii naga qaadeen xulkii gobalka Jubada Hoose.

Kubadda: Goormee ayaad ku biirtay kooxihii heerka koowaad, naadigeedse u dheeshay?

Shiikhaaloow: Kooxihii heerka koowaad waxaan ku biiray sanadkii 1973-dii waxaana u ciyaaray naadigii D/hoose ee loo yiqiin Minashiibiyo. Waxyaabaha farxada leh ee isoo maray ayaa waxaa ka mid ahaa Anigoo garoon u galin weli kooxdaan ayaa waxa la ii magacaabay xulka Qaranka, waxaana ka mid noqday ciyaartooydii Qaranka Soomaaliyeed u matalaysay tartankii Jaamacaddaha Carabta oo lagu qabanaayay xiligaas dalka Masar.

Kubadda: Intii aad u cayaareysay naadiga D/hoose imisa koob ayaad kula guuleysatay?

Shiikhaaloow: Intii aan u cayaarayay naadiga D/hoose waxaan kula guuleestay sanadkii 1975 - 1976 oo aan ku guuleeysanay horyaalkii dalka iyo anigoo ku guuleystay iskoorkii gool dhalinta.

1984 waxaan ku guuleysanay koobkii Jenaraal Daa'uud.

1985 - 1986 waxaan ku guuleysanay horiyaalkii dalka. Xagga gool dhalintana sanadkaas aniga ayaa ku guuleystay.

Kubadda : Cayaartaadii kuugu farxadda badneyed intaad dheelaysay kubadda cagta, ma noo sheegi kartaa?

Shiikhaaloow: Cayaartii iigu farxadda badneyd waxey aheyd sanadkii 1978 - 1979 ciyaar ka tirsan horiyaalka oo aan la yeelanay naadiga LL PP am Jeenyo sidaad u taqaaniin, ciyaartaas kooxda Jeenyo ayaa laba gool nooga hormartey. Gabagabadii ciyaarta ayaa dhamaan intii badnayd taageerayaasheenii iyo xataa gudoomiyaheenii naadiga ay ka dareereen garoonka iyagoo dhamaantood qabay in nalaga badinayo, nasiib wanaag daqiiqadihii ugu danbeeyay ayaan helnay laba fursad oo qaali ah waxaana ku dhalinay laba gool, ciyaartiina waxay ku dhamaatey bar bardhac 2 – 2 gool ah.

Kubadda: Ma ii sheegi kartaa ciyaartii kuugu murugada badnayd mudadii aad ciyaaraha ku soo dhex jirtey?

Shiikhaaloow: Ciyaartii iigu murugada badnayd waxay ahayd Sanadkii 1972-dii, ciyaarihii Gobolada, waxayna ahayd ciyaar final ah waxaa isku soo harey Gobolka banaadir iyo Gobolka Jubadda Hoose, Nasiib daro shil mooto ayaan galay waxaan ka jabey gacan anigoo dhaawac ah ayaan galbtaas lay ciyaarsiiyay, waana nalaga badiyay oo koobkii waxaa qaadatey Gobolka Jubadda Hoose.

Kubadda: Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad garoonka ku jirto ?

Shiikhaaloow: waxaan aad u jeclaa marka aan garoonka ku jiro in ay garbahayga buuxiyaan Ciyaartoyda kala ah C/laahi Cabdi oo loo yaqiin (Dheemanka), Looloow, Binishaakir, Kuluu iyo Cumar Calasoow.

Kubadda: Ma jireen marka aad la dheelaysiin kooxaha kale, maadaama aad weerarka ka dheelaysay, difaaca kooxaha kale kuwo ku dhibi jiray ama aad necbaneyd in aad ka hor timaado.

Shiikhaaloow: Inkastoo aad ku soo tala galaysid in aad xirfadaada ku dhaafto difaacaas hadana waxaa ka mid ahaa kuwa aan is dhihi karo waa dhib badnaayeen xagga difaaca oo aan ka xusi karaa sida: Iskoot, Shariif Xamza, Shaash iyo Qaloocow.

Kubadda: Wax ma nooga sheegi kartaa safarada dibadda aad ku tagtey adigoo matalaya Qaran iyo Naadi labadaba ?

Shiikhaaloow: Waxaan ka xasuustaa anigoo qaran ah iyo anigoo naadi la socdoba, wadamada aan tagay waxaa ka mid ahaa Masar, Suudaan, Kenya, Burundi, Nigeria, Malaawi iyo Zan zibaar.

Kubadda: Mudadii aad ku soo dhex jirtey Isboortiga ma jiraan wax xilal ah oo aad soo qabatey ?

Shiikhaaloow: Xilkii iigu horeeyay ee isboorti ee aan qabto wuxuu ahaa sanadkii 1988-dii anigoo macalin u noqdey ciyaartoydii mataleysay Naadiga Muqdisho ee u ambabaxaysey dalka Sacuudiga, ka dib burburkii markuu dhacay waxaan noqday macalin waxaana soo leyliyay kooxo fara badan oo dalka iyo dibaddaba ah.

Hadii aan ku hormaro dibada waxaan macalin u noqday koox la oran jiray Tadaamun oo ka dhisneyd gobalka la yiraahdo Cataq oo ka tirsan dalka Yaman, kooxdaas waxey ka mid aheyd kooxaha heerka 2-aad ee dalka Yaman, waxaan u soo dalacsiiyay heerka 1-aad, ka dib waxaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya sanadkii 1997-dii.

Kadib waxaana bilaabay in aan tababar siiyo kooxo badan oo ka dhisnaa dalka.

Sanadkii 1997 - 99 waxaan macalin u ahaa kooxda la yiraahdo Kesko.

Sanadkii 1999 - 2000 waxaan macalin u ahaa koox la yiraahdo Gasko.

Sanadkii 2000 - 2001 waxaan waday koox la dhaho Gaheyr.

Sanadkii 2001 - 2003 waxaan waday koox la dhaho Dahabshiil, kooxahaas oo kuligood ka dhisnaa dalkeena.

Kubadda: Marka aad is bar bar dhigto cayaartooydii hore iyo kuwa xiligan jira maxaa farqi ah oo u dhaxeeyo ayaad is leedahay?

Shiikhaaloow: wax badan ayaa u dhaxeeyo ugu horeyn xaga jirka ama (Physical-ka) kuwii hore iyo kuwa hadda isku mid ma ahan waayo waxaad arkeysaa hadda cayaartooy aanan u qalmin heerka 3aad oo la dhahaayo waa Qaran. Waqtigii hore waxaa la soo mari jiray heer Degmo, Gobol, barbarian kooxaha heerka saddexaad, heerka labaad, ka dib ayaa loo soo gudbi jiray heerka koowaad illa iyo heer Qaran.

Tan kale wadankii dhaqaale ma lahan maanta, cayaaryahankana ma heysto quudin ku filan ama dhaqaale ku filan oo wax ka bedeli kara jirkiisa iyo caafimaadkiisaba.

Kubadda: Ugu danbeyn maxaad u soo jeedin lahayd Ciyaartoyda da'da yar ee xiliyadan dambe soo baxay ?

Shiikhaaloow: Aniga Shiikhaaloow ahaan waxaan talo u soo jeedin lahaa dhamaan ciyaartoyda da'da yar ama dalka gudihiisa ha joogo ama dibadiisaba ee jecel Mustaqblka in uu noqdo ciyaartoy waayo arag ah in uu marka hore iska dhiso xaga jirka ama (Physical-ka) uuna sameeyaa tababar joogto ah uuna qaato awaamiirta ama casharada uu bixinaayo macalinka markaas hormuudka u ah naadiga uu ka tirsan yahay ama GYM-ka, hadii taas la waayo waxaan ogahay inuusan ciyaartoygaas gaareyn heerkii uu rabey ama laga rabey.

Kubadda: Yaad jeceshahay in aad halkaan wax ka tiraahdo?

Shiikhaaloow: Waxaan halkan mahad aan la soo koobi karin uga jeedinayaa websitka kubadda.com sida hagar la'aanta ah ee uu waqtigiisa u hurayo inuu bulshada u soo bandhigo taariikhihii hore ee isboorti iyo kuwa maantaba.

Marka xigta waxaan jeclahay in aan Illaahay uga baryo Ummadda Soomaaliyeed in uu dhibka ka qaado. Asxaabtii kubadda aan wada ciyaari jirnay, macalimiintaydii iyo kuwii difoosiga ii ahaaba waxaan kuligiin idin leeyahay meel kasta oo aad joogtaan nolol farxad leh ku noolaada. ASC/WW.

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xisaha lahaa ee aan la yeelanay axsan laacib Max'ed Xuseen Cali (Shiikhaaloow). Waraysigeena kan ku xiga waxaan isna ku soo qaadan doonaa Laacib kale oo aan isna ka dhicin Shiikhaaloow oo laacib heer Qaran ahaa oo lagu magacaabo Muriidi Abanuur Abati, oo aan filaayo in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.

Waxaa soo waraystay:
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho


Previous Article WARAYSI MURIIDI ABANUUR ABATI
Next Article WARAYSIGA XIDDIGAHA
Print
7562 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top