Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

TAARIIKHDA MACALIN TARABI
Kubadda Webmaster

TAARIIKHDA MACALIN TARABI

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan maanta bogeena taariikhda Xidigihii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ahaa maamulkii Olympicada Soomaaliyeed ahna xoghayaha guud ee gudiga olombikada Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Cabdulaahi Axmed Tarabi, oo ah khabiir waayo arag ah oo waqti badan u huray mideynta Isboortiga Soomaaliyeed iyo dhismihii gudiga GOS iyo waliba hal abuurihii berisamaadka tar tankii Xidigaha.

Mudane Tarabi, waxuu ku dhashay magaalada Ceel buur sanadkii 1953 dii, yaraantiisii waxuu aad u jeclaa ciyaarta kubada cagta oo uu ka gaaray heerka labaad seria B naadigii wasaarada xanaanada xoolaha (waxool),waxuuse markii dambe u xuub siibtay ciyaartoy kubada koleyga, kubada laliska heerka koowaad, iyo kubada miiska, inkastoo uu si weyn ugu soo caan baxay ciyaarta kubada koleyga oo uu ku dhiiri geliyay ZIO TOM.

Sanadkii 1976-dii ayuu Tarabi, garoomada ku soo biiray waxuuna u saftay naadigii kubada koleyga ee wasaarada caafimaadka (WACAAF) oo heerka labaad seria B, sanad kadib 1977-dii ayuu Tarabi, heerka koowaad ula gudbay isla naadigiisii WACAAF, waxaana naadigaas gudoomiye u ahaa Mudane Cali Mahdi Maxamed, sanadkii xigay 1978-dii ayuu Tarabi uu ka tagay naadigii Wacaaf waxuuna u wareegay naadigii SOMALITA, halka sanadkii 1979kii uu ka mid noqday naadigii CAYMISKA QARANKA.

Dabayaaqadii sanadkii 1978-dii ayuu Tarabi, qaatay tababar macalinimo,halka dhamaadkii sanadkii 1979-kii uu gabi ahaanba ciyaaraha ka fariistay, waxuuna intii uu ciyaaraha ku dhex jiray nasiib u yeeshay in uu si wada jir ah u ciyaaro k/ koleyga, kubada laliska iyo waliba kubada miiska oo ah ciyaartii labaad oo uu ka gaaro heerka 1-aad seria A.

Sanadkii 1980-kii ayuu Tarabi, noqday tababaraha wiilasha kubada koleyga ee Warshada Sigaarka iyo Taraqa, halka u sanadkii 1981-gii ka noqday tababarahii naadigii Wacaaf iyo waliba tababare ku xigeenka wiilasha kubada koleyga ee xulka qaranka, sanadkii 1983-diina waxuu tababar u noqday naadigii MADBACADA QARANKA ee loo yaqiin (MBC).

Dhinaca kale 1984 kii Tarabi, waxuu tababare u noqday naadigii BADA, sidoo kale sanadihii 1985-tii ilaa iyo1986-dii Tarabi, waxuu tababare u ahaa naadigii SOMALITA ,sanadkii xigayna 1987-dii waxuu mar kale tababare naadigii Madbacada, 1988-diina waxuu tarabi tababare u noqday naadigii Wakaalada Ganacsiga Ummadda (ENC), halka uu ugu dambeyntii intii u dhaxeysay 1989-kii ilaa 1990-kii uu tababare u ahaa naadigii Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta LL.PP Jeenyo, waxuu kaloo Tarabi, tababare u noqday gobolka shabeelada dhexe sanadihii 1985, 1986 iyo1990-kii.

Cabdulaahi Axmed Tarabi, waa mid ka mid ah hal abuurayaashii tar tankii xiisaha badnaa ee Xidigaha Kubada Koleyga sanadkii 1985-tii, waxuuna isla sanadkaas tababare u noqday kooxdii SEPCOM, bur bur kii dowladii Siyaar Barre, kadib Tarabi, waxuu u istaagay mideynta garabyadii Isboorti ee ka jiray waqooyiga iyo koofurta magaalada Muqdisho oo ay ka kala talinayeen hogaamiye kooxeed yadii Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Xasan (Caydiid), waxuuna Tarabi, isu keenida iyo mideynta isboortiga Soomaaliyeed aawgii gurigiisa uga maqnaa mudo todobo maalmood ah., iyadoo dadaalkiisii uu sabab u noqday dhismihii gudiga qaban qaabada isboortiga oo dhidibada loo taagay 1992-dii.

Waxuu kaloo tarabi door lixaad leh ka soo qaatay dhismihii gudiga Olombikada Soomaaliyeed sanadkii 1993-dii. Congress kii 1aad ee GOS Tarabi waxuu noqday xubin gudiga fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga, halka uu 1996-dii uu ka noqday kaaliyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana Tarabi, si weyn loogu xusuustaa fikradiisii ku aadaneyd mideynta garoomada kubada cagta ee Banaadir iyo Muqdisho Stadium iyo waliba in xiriirku si isku mid ah labada dhinac uga shaqeeyo.

Congress kii labaad ee GOS ee 1997 - 2001 Tarabi, waxuu noqday xoghayaha guud ee GOS, sidoo kale congress kii sedexaad ee GOS 2001 - 2005 Tarabi, mar kale ayuu noqday xoghayaha guud ee GOS, markii saddexaad ayuu Tarabi, noqday xoghaya guud ee GOS, congress kii afaraad ee GOS 2005 -2009, waxuuna Tarabi, ku guuleystay fikradiisii geesinimada iyo daacadnimada ku dhisneyd ee ku aadaneyd in shacabka Muqdisho ay is dhex galaan iyo in Isboortiga Soomaaliyeed yeesho doorasho qaab dimoqoraadi ah ku dhisan oo ah in naadiyo la dhiso oo ay iyagu wax doortaan, sidii dhacday congresskii sedexaad ee GOS 2001 - 2005 taas oo lagu guuleystay, iyadoo doorashadaas mid la mid ah aysan weli dalka ka dhicin, Tarabi oo ah udub dhexaadka gudiga Olombikada Soomaaliyeed waxaa lagu xasuusan doonaa horumarka weyn ee uu gaarsiiyay xafiiska xogheynta GOS, waxaa kale oo aad ugu qeybqaatay Tarabi, dib u qaabeynta GOS ayadoo Gudiga Olombikada Aduunka (IOC) ay kala noqotay aqoonsiga gudoomiynimada Mr farah Addow Sindiko.

Taas ay keentay in howlihii GOS hakad gasho,ayadoo dhibkaas jiro ayuu tarabi isku xilqaamay arimahaan hoos ku xusan.

Waxaan aniga ila tahay howsha ku aadaneyd in uu si fiican u gutay, waayo xoghayaha waa midka soo bandhiga baahida markaas jirto,si maamulka markaas go,aan ugu gaaro.go,aanka maamulkana fulintiisa la qaato.

1. Dib u qaabeenta GOS dhibaatooyinkii ku yimid Hogaanka
2. Wanaajinta Xiriirka GOS iyo IOC
3. Horumarinta Dastuurka
4. Hagaajinta maamulka (Guddoon cusub)
5. Maaliyadda (Bank acc GOS)
6. Baahinta maamulka Isboortiga ee Dalka (Zoonanka Gobolada)

Waxaa soo diyaariyay
Liban Dahir Nur
Nliban21@hotmail.com


Previous Article TAARIIKHDA MACALINKII NAADIGA BATROOLKA (MACALIN CUMAR)
Next Article WARAYSIGA XIDDIGAHA
Print
7915 Rate this article:
3.0
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top