Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Handball

Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar kulul isaga horyimid Kooxaha Heegan iyo Nationlink . iyadoo si xarago leh ay guushii ku raacday kooxda Heegan oo 28-22 ugu awood sheegatay kooxda Nationlink.

Ugu horeyn ciyaartan ayay wiilasha kooxda Nationlink ku bilaabeen dardar aad u sareeya, iyagoo shabaqa kooxda Heegan ku hubsaday goolal badan qeybtii horena la wareegay Hogaanka ciyaarta. Laakiin markii la isku soo laabtay qeybtii danbe waxaa kooxda Heegan ay garoonka soo gelisay Xiddigahooda waaya aragga u ah oo isbedel sameeyay, iyagoo surageliyay inay markooda la wareegaan awoodda garoonka isla markaana guusha ay kula hoydeen dhibcaha 28-22.

Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa xiddigihii ugu cadcadaa, dhanka Nationlink Maxamed C/qaadir C/Shakuur (Mow), Cismaan Maxamed [Zavana].

Dhanka Heegan waxaa ciyaar farsamo ku dheehan la yimid xiddigaha da`da yar C/fitaax Maxamed Macoow (Bukaale) iyo Cali Maxamed Aadan (Cali Baraawiini) oo labadaba u muuqda hanaan ciyaareedkooda inay ku kordhayso farsamo dheeraad ah.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xamaasad badan waxaa garsoore ka ahaa C/laahi Xasan Cali (Kuusoow) iyo Maxamed Cabdi Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow. iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax sare oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow), Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Kusimaha Xoghayaha XSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo Taageerayaasha Kubadda Gacanta oo aad u buux dhaafiyay garoonka 1da Luulyo.

By: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article Rajada Mustaqbalka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo dib u soo Ifaysa
Next Article Koobka Qaramada Afrika 2013
Print
5228 Rate this article:
5.0
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top