Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

WARAYSI AAN LA YEELANAY LAACIB JOORJE
Kubadda Webmaster

WARAYSI AAN LA YEELANAY LAACIB JOORJE

Taariikhdu waxey xustaa mar waliba in dalkeena Soomaaliyauu magac iyo maamuusba ku lahaa noocyada kala duwan ee cayaaraha sida kubadda cagta, kubadda kolayga, kubadda miiska, cayaaraha fudud, feerka iyo wixii la halmaala.

Hadaba iyadoo ey cayaarahaasi jiraan ayaa hadana waxaa jiri jiray dad si aad ah uga dhex muuqan jiray kulamadaas kala duwan oo magac iyo maamuusba ku yeeshay bulshada dhexdooda aadna caan ugu ahaa.

Waxaa noo suura gashay in aan wareysi la yeelano goolhayihii naadigii Badda iyo weliba xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed, hadii uu xasuustiinu ka tirmay aan dib u jaleecano midka uu yahay, laacibkaas magaciisa oo buuxa waa Xasan Sheikh Awees, oo ku magac dheeraa (Joorje).

Joorje, waxa uu dhashay sanadii 1956 waxa uuna ku dhashay degmada Baraawe, ee gobalka Shabeelada Hoose. Wax barashadiisa waxa uu ku soo qaatay isla degmada Baraawe, yaraantiisii waxa uu aad u jeclaa cayaarta kubadda cagta.

Hadal haan ma buuxshee wareesigii aan la yeelanay boortiyeeri heer Qaran Xasan Sheikh Awees (Joorje) ayaa waxa uuu dhacay qaabkan:

Marka hore, Joorje, ku soo dhawaaw shabakada kubadda.com, waana kaaga mahad celinaynaa ogolaanshaha aad noo siisay, Waqtigaada iyo in aan wax ka qorno Taariikh nololeedkaadii.

Joorje: Dhib ma lahan, akhyaarta idinkaa mudan, aad ayaadna u mahadsan tihiin, anigaba waxay ii tahay fursad qaali ah.

Hadaan ku biloowdo su'aashayda horta. Ma noo sheegi kartaa sanadkii kuugu horeeyay ee aad cayaaraha ku soo biirtay hadaad xasuusato?

Joorje: Haa si fiican, waxaan cayaaraha ku soo biiray sanadii 1968-dii anoo u cayaaray koox la oran jiray Afrika, oo xiligaasi aheed heerka 2-aad ee seri B kana dhisneed degmada Baraawe, balse sanadii 1971-dii ayaan ku biiray koox la oran jiray Anti Banaana, oo isla degmada Baraawe, ka tirsaneed, balse aheed heerkii 1aad ee degmada Baraawe.

Goormee ayaad ku soo biirtay kooxihii dalka ka dhisnaa ama degmooyinkii gobalka banaadir?

Joorje: Sanadii 1972 ayaa waxaan u soo wareegay gobalka Banaadir, anoo ka soo wareegay gobalkii Shabeelada Hoose gaar ahaan degmadii aan ku dhashay ee Baraawe. Kadib, waxaana kaq mid noqday dhalintii mataleesay degmada Xamar Jab Jab ee seri B ayaana u cayaray, isla sanadkaas ayaa lay qaatay gobalka Banaadir.

Kooxihii heerarka kala duwanaa ee ka jiri jiray dalka goormee ayaad si toos ah uga mid noqotay naadigeese ku biirtay?

Joorje: Waxaan si toos ah ugu biiray sanadii 1973-dii oo ay I qaateen naadigii Bangiga, anigoo xiligaasi u cayaaray hal sano oo kaliyah.

Ma xasuusan kartaa xiligii aad ku biirtay kooxdii aad caanka ku ahayd?

Joorje: Aad iyo aad waxaa jirta kooxdii aan caanka ku ahaaee la oran jiray Badda, anigoo ku biiray sanadii 1974-tii lana soo joogay ilaa iyo bur burkii, lana qaybsaday Guulo aad u tiro badan.

Ma noo sheegi karta xiligii kuugu horeysay ee aad matasho xulka Qaranka Soomaliyeed iyo meesha uu ku wajahnaa sanadaas?

Joorje: Waxaan Qaranka Soomaliyeed ku biiray sanadii 1974 xiligaas oo aan safar u galnay wadanka Ugandha.

Intii aad cayaraha ku dhex jirtay safaradii aad ku tagtay dalka dibadiisa adoo naadi ah ama adoo xul Qaran ah wax ma nooga sheegi kartaa?

Joorje: Intii aan ka xasuusto anoo naadi ah ama anoo Qaran ah, waxaan ka xusi karaa markan ku hor maro dhankaa naadiyada: Kooxdii Ciidamada Qalabka Siday ee Horseed waxaan u raacay dalka Zambia magaala madaxdiisii Lusaka , sanadii 1980-kii.

Sidoo kale safaradii aan tagay inkastoo ay badnaayeen hadana waxaan u maleenayaa inkastoo maskaxdii xoogaa hilmaamtay wax badan, Qaran iyo Naadi dalalkii aan tagay waxaa ka mid ahaa Masar, Kenya, Tanzania, Neyjar, Malaawi, Cadan, Suudaan, Ugandha, Zambia, Sacuudi, Marooko, China, Iraaq, Liibiya.

Guushii ama guul daradii kuugu xumayd ee ku soo marta intii aad cayaaraha ku jirtay, wax ma ka xasuusataa? Joorje: Hadaan ku hor maro Guuldaradii I soo martay waxaan xasuustaa cayaar haddii aan guulaysano ama barbardhac aynu galno aan ku qaadi lahayn koobka horyaalka dalka Soomaaliya, cayaartaas oo na dhex martay anaga iyo kooxda Horseed sanadii 1978-dii. Waxaana nalooga badiyey 2 - 1 gool, marna ma hilmaamo cayaartaas.

Guushii iigu farxada badnayd waxay ahayd sanadii 1985-tii oo kooxdeenii Badda, aan ku guulaysanay horyaalka dalka, ayadoo ciyaaraha ka harsan yihiin todobo kulan.

Markii aad garoomada ku jirto maadaama aad aheed gool haye, yaad is laheed markuu kaa soo horjeedo waa uu ku dhibaa oo aad necbaneed xirfad ahaan ama darbo xooganaan?

Joorje: Walaahi koleey mar hadii aad tahay gool haye, waxaan u maleenayaa cid alla cidii kaa soo horjeedaba in aad necbaanaaneyso, haba lakala dar naadee waxaanse aad u necbanaa oo markeey iga soo horjedaan aan aad uga baqan jiray lacibiinta kala ahaa Saciid Ducaale, Axmed Saqiir, Nuur gaab, Shiiqaaloow, Maxamed Cismaciil, Cafiif iyo Bin shaakir, kuwaasi ayaan is lahaa marka ey kaa soo horjeedaan ameey dhidid badani kaa keeni jireen.

Mar hadaan ka hadalnay dhanka naceebka waxaa lama huraan ah in aan u jaleecno dhanka jaceelka yaad jecleed ineey garbahaada ka cayaraan oo aad markeey kula jiraan aad ku qanacsanaan jirtay?

Joorje: Waxaan aad u jeclaa in eey gar baheyga ka cayaaraan laacibiinta kala ah Abuukar weyne, Diini, Nuur C/qaadir, Jamaal, Axmed Cismaaciil, Shariif Maxamed Abele, Cali Sheikh Cadoow, C/laahi Cabdi (dheemanka) ,Xasan Cadoow, Salaad Shiino , Cumar Cadami iyo Dude iyo waliba asxab kale oo an halkani ku soo koobi karin magacyadooda.

Maxaa kugu naxdin badnaa intii aad cayaaraha ku guda jirtay? Joorje: Walaahi saxiiboow intii ka danbaysay xukumadii Siyaad Barre, ninkii joogay dalka naxdin ma mooga, ninkii rabana naxdin ha imaado Soomaaliya. Laakiinse xiligii hore, ee aan lahayn dowlada waxaan ka naxay oo aan cabsi dareemay markii laygu wareejiyay goolhayaha xulka Qaranka Soomaaliyeed oo uu waqtigaas qaban jiray Jeylaani Khaliif. Naxdintana waxaa keenay waxaan u arkayay xilkaas xil aad u culus oo sidii looga soo baxo ay aad u adag tahay.

Maxaa kugu yaab badnaa oo aad aragtay ama adigaba ku soo maray? Joorje: Waxaa iigu yaab badnayd, caga bararkii doon ayaan raacay si aan kaluumaysi ugu shaqaysto, waxba waan ka soo heli waayay. Waxaan go,aan ku gaaray inaan aado Jowhar, nasiib xumose hadana waxaa ii gooyay baabuur raacii, waxaan go'aansaday in aan lugeeyo, waxaana lug ka bilaabay Xamar, kuna tagay lug ilaa iyo Jowhar, kadibna Beer faloow ayaan galay, waqiyada qaarkoodna Sanbuus duboow, si aan uga helo nolomaalmeedkayga. Ma xumeen, waa xirfado cusub oo igu soo siyaaday.

Hadana waxaa igu dhalatay in aan Xamar, iskaga soo laabto. Anigoo waayay cid ii garaawdo ayaa waxaa ii gurmaday oo ii sahlay in aan Xamar ku soo noqdo taageere Minishiibiyo ama (Dowladda hoose) ahaan jiray oo I bar gartay, kaas oo lagu magacaabo Xabiib Maxamed Saciid.

Markii aad is bar bar dhigto kooxihii dalka ka jiri jiray bari samaadkii iyo bur burkii ka dib maxaa farqi ah oo u dhaxeeyo markaad ka eegto dhan walba adoo kaashanaya waayo aragnimadaada?

Joorje: walaahi farqi badan ayaa u dhaxeeyo marki laga eego dhan walba tusaale ahaan aniga bur burkii kadib waxaan ku biiray koox la oranayay Haajis, oo aheed kooxihii bur burkii kadib, walaahi qaab ahaan in kastoo ey iska wanaagsaneed hadana waxaad moodaa in eysan jirin qadarintii lagu yaqaanay cayaartooyda iyo qaabkii wax loo mareen jiray dhan kasta.

Xiliyadii hore waxaa naadi walba u gaar ahaa club ayada u gaar ah, iyo wax alla waxeey u baahdaan tasjiilaadkooda oo leh dhan walba, waxaasi oo idil waxeey ka bexeen dariishadii oo waxeey raaceen doowladii carartay ayagana wey carareen, maamulka oo aan hada heesan dhaqaalo kaafiyo iyo ayadoo mararka qaar ey dhici karto waayo aragnimo la'aan in ey meelaha qaar ka jirto.

Maxaad hada qabataa? Joorje: Hadda waxaan tababaraa ciyaal yar yar ah, oo la rabo inay noqdaan goolhayayaal mustaqbalka danbe, waxaana soo aruuriyay naadiga F.C.ELMAN .

Kubadda ugu danbeen yaad jeceshahay in aad halkan wax ka tiraahdo?

Joorje: Ugu horen waxaan u mahad celinaya bahda kubadda.com oo aan runtii is dhihi karo waa bah jecel horumarka sportiga, waliba waxaa intaasi u dheer in eey mar waliba isku shuqliyaan in eey ka haqabtiraan guud ahaan dhaq dhaqaaqa sportiga ee ka jira meel walba oo ka tirsan caalamka iyo taariiqdii laacibiintii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Intaas kadib waxaan kaloon halkaan ka salaamayaa dhamaan asxaabteydii hore ee ku kala nool Aduunka daafihiisa intiiba ka nool, inta dhimatayna waxaan Ilaahay uga bar yayaa in uu Janadii fardowsa ka waraabiyo.

Hadaba hadan dib u jaleecno Joorje waxa uu hada ku nool yahay magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir, waa xaasle leh dhoor caruur ah, wax xil ah oo uu ka hayo sportiga hada ma jirto marka laga reebo mashruucyada naadiga Elman.

Asxaabtiisii iyo cid alla, cidii daneeneyso inay la soo xiriiraan Xasan Sheikh Awees (Joorje), waxeey kala soo xariiri karaan Teleefonka nombarkiisu yahay 00252 1589 8523 ama xafiiska kubadda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa soo Waraystay: Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com


Previous Article WAA MAXAY SOON?
Next Article TAARIIKH NOLOLEEDKII ABUUKAR ABANUUR MAXAMED
Print
8118 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top