Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017
H Farah

JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017

Waxaa galabtii axadda ee bisha August ahayd 27ka ku soo geba geboobay tartankii Somali Week oo loo qabtay sided kooxood oo da’doodu ka yartahay 18 jir. Tartankan oo lagu qabtay woqooyiga Galbeed London gaar ahaan Silver Jubilee Park, Brent.  Waxaa tartanku bilawday 20kii bisha waxaana tartanku ku soo gebageboobay wanaag iyo qaab sami.

Waxaa ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo baxay labada kooxood ee Jubba iyo Nabadda. Sidii lagu yiqiin ciyaar kama dambays ah, waxaa bilawgii ciyaarta laysku qaaday weerar iyo weerar celin, waxaase kooxda Jubba muujisay awood farsamo dheeri ah markii ay goolal daran doori ah la eegteen goolka Nabadda oo run ahaantii uu caabiyey gool haye Islaw oo badbaadiyey kooxda in badan.  Jubba oo soo bandhigtay xirfad kooxeed iyo farsamo shakhsi waa kooxda ugu itaalka fiican waxayna ku guuleysteen tartamadii kulaylaha 2017.

Waxaa bilicda iyo quruxda garoonka ku dhamaa ciyaartoy aan la soo koobi Karin oo isugu jirey kuwii berisamaadka, intii ka dambaysey iyo kuwo ka wada horeeyey.  Waxaa sidoo kale goob joog ahaa marti ka timi dalal fara badan oo isugu jira kuwo dhow iyo kuwa fog.  Waxaa sidoo kale laga yimi magaalooyin fara badan oo ka tirsan deegaanadda Ingiriiska (UK).

Waxaa todobaadkan oo dhan iska daba socday kulamo kalgacal oo lagu soorayo laguna soo dhoweynayo ergooyinka kala duwan ee ka soo qayb galay Somali Week Tournament 2017, waxaa xusid gaar ah mudan Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Madasha shirarka ee Deegaanka Brent Council.  Habeenkaas oo ahaa habeen abaal marino iyo mahad celin, waxaa laga soo jeediyey khudbado kooban waxaan dadka lagu madadaalinayey musik iyo madadaalo aad loogu riyaaqay.

Wuxuu tartankii ku dhamaaday guul iyo farxad waxaase muuqatay in guusha tartankanku ay ahayd mid ku timi sifooyinka kala ah:

·        Daacadnimada iyo wada jirka dadka tartanka maamulaya. 

·        Qorshaha baahsan si cadna ay u fahansahanyihiin hawlwadeenadu.

·        Muhimaddu waxay mar kasta ahayd ciyaartoyda yaryar.  

·        Shacbiyada balaaran ay ku dhex leeyihiin bulshadda iyo wejiga furan ee ay dadka ku soo dhoweynayeen, kuna sooreen martidii uga timi Kanada (Canada) gaar ahaan iyo dalalka kale.

Waxaan u direynaa hambalyo Somali Week iyo SIYD hab samadii tartanka sanadkan 2017, waxaana u rajeyneynaa guul mustaqbalka.  Siduu hal haysku u baxay “waa Caruurta Caruurta”


Previous Article Jaamac Aadan (Karaciin) Hormuudka Tababrayaasha oo la kulmay bulshadda London
Next Article Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017
Print
10440 Rate this article:
No rating
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top