Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017
Hore iyo Hadda
Waxaa magaala maddaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda tartankii kubadda cagta ee Goboladda Soomaaliyeed 2017. Ciyaarahani waxay bilawdeen xilligii kacaanka (1971), waxaana ujeedadu ahayd is-dhexgalka bulshadda iyo in la helo dhalinyaro caafimaad qabta oo u heelan horumarka dalkoda. Dowladda ayaa ka mas’uul ahayd suurta gelinta tartanka wuxuuna aha hawl ay wadajir u qabtaan dhamaan hay’adaha dowladeed. Tartanka oo ah kii 2aad ee dib u soo rogaal celinta tartanka goboladda waxaa qorshuhu ahaa in lagu qabto Kismaayo, waxaase mar dambe dib loogu soo celiyey Muqdisho duruufo jira awgood.
Tartankan oo ku bilawday dardar iyo xamaasad waxaa amaan mudan dhamaan inta ka soo qayb gashay iyo intii qaban qaabisay mudnaan gaar Maxamed Xuseen Hadi, Xaaj Maxamed Axmed Colow oo ka mid ahaa asasayashi hirgeliyey tartanka bilawgiisii hore oo mar labaad lagu sharfay iyo Muuse Maxamed Naasir oo ahaa Madaxa qaybta Isboortiga ee Jaamacadda Soomaaliyeed. Waxaa farxad ah in mar kale rug cadaagii Isboortiga Soomaaliyeed dib uga muuqdaan goobaha maamul iyo garoomadda Isboortiga.
Waa talaabo ah xoojinta dowladnimo, waa talaabo kaabeysa oo muujineysa sida shacabku diyaar ugu yahay heegan midnamada ummadda. Dhalinyaradu waa mustaqbalka dalka hadii aan lagu barbarian oo lagu hanuunin anshax iyo akhlaaq haboon lagama fili doono iney kaalintooda ka soo baxaan. Kubadda cagtu ma aha Isbooriga keliya ee laga cayaaro dalka waxaa barbaarta soomaaliyeed ku leedahay mawhibo Kubadda Kolayga, Kubadda Miiska, Ciyaaraha fudud, Tenniska, Kubadda Laliska, iyo Dabaasha, sidaa awgeed waa in ay isku dayaan ciyaaro kala duwan si ciyaarta ku haboon ay u ogaadaan. Maan gal ma aha in dalka idilkiis isku koobo hal ciyaar.
Goboladda waxa lagu yiqiin ciyaaro kala gaar ah sida goboladda dhexe oo aad loogu yiqiin kubadda laliska, Hiiraan oo ciyaarta fudud, K. Cagta, Laliska iyo Kolayga ka muuqan jirey, Kiamaayo oo K. Cagta ku can baxday, Burco oo K. Laliska ku caan ahayd, iyo Hargeysa oo K.Kolayga Laliska, Cagta iyo ciyaaraha fudud lagu yiqiin. Banaadir oo ahayd caasimadu wexey kaalin hore kaga jireen dhamaan ciyaaraha kala duwan. Isbedelka ka dhacay dalka intii kadambaysay 1990kii waxay sintay heerkii awooda degaamada iyadoo kuwana dib u dhac laxaad leh ku yimi, qaar kalena horumar la taaban karo ay gaareen. Waxaan weli jerin baadhitaan cilmiyeed oo lagu eegayo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo barbaarintooda. Hadii ummad waayeelkoodu is haysto dhalinteedu tix gelin ma hesho. Marka qofka maskaxdiisu ku jirin xaalad nabadeed iyuu ku fekeraa mustaqbal iyo wax qabad. Waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka fekeraan danta guud, danta dhalaanka si mustaqbalku uga wanaagsanaado xaaladda manta.
Isboortigu ma ka hirgalay gobolada dalka oo ma jiraan tartamo joogta ah, ma jiraan tababro dhalinta da’ yarta aha, yaase ka mas’uul ah oo xilkaas lagu ogyahay? Ma dowladda dhexe mise dowlado goboleedyada? Wasaaradahee baa ka mas’uul ah, maxaase qorsha ah oo u yaal? Ilaa iyo goorma ayaa dhalintu sedkooda ka sugayaan gar cadaaga talada haya?
Tirakoobyadii dalka laga samayeey waxaa lagu sheegay in da'yaartu saddexdiiba labo (2/3) ka tahay shacabka Soomaaliyeed waxaase adeega ugu badan hela inta yar dhalintuna xuquuq badan kma leh badi waxaan dhaqaaluhu ku baxaa hawlo kale oo aan dhalin horumar. baarlamaankii laga sugayey isbedelku muxuu ka qabtay hawlaha dhalinyarada waxaan dib u xusuusan doonaa Ciyaaraha Goboladda 2018.
H Farah
Other posts by H Farah
Contact author