Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya
Hordhac: Waxaan qoraalo hore wax uga taabtay ama ku xusay sida Isboortigu uu uga
qayb qaadan karo horumarka dal, dalkaasi ha ahaado mid horumaray (developed) ama
ha ahaado mid u baahan horumar (underdeveloped). Waxaa qaybaha bulshadda dunida
oo idil ku midaysanyihiin aragtida ah in Isboortigu yahay aalad loo adeegsado horumarka
shakhsi, deegaan, qaran, iyo mid caalami. Waxaa sidoo kale Isboortigu dabiibi karaa
ama dawo u noqon karaa dhibaatooyinka ama aafooyinka, colaadaha iyo isu soo dhoweynta
bulshadda
Intaanan hoos ugu degin muhimada qoraalkan waxaa lagama maarmaan ah in dhinacyada
ay khuseyso ama bulshaddu si u wada fahmaan ama u wada arkaan micnaha, ujeedadad
iyo habka loo fulinayo barnaamij kasta si midaysan, taas ayaa dan wadaagtu tacabka
iyo miraha hawshana ay ku wadaagi karaan. Wixii laysku ogyahay waa wacad.
Aragtida Quruumaha midoobay (UN) ee Isboortiga & Horumarka.
Xog-hayaha guud (Secretary-General) Ban Ki-moon waxaa u qaabilsan mawduucan lataliyihiisa
gaar Wilfried Lemke (Adviser on Sport for Development and Peace). wuxuuna ban ki-moon
ka yiri:
“Isboortigu wuxuu ku leeyahay qayb muhiim ah dadaalka qaraamada Midowday ugu jirto
horumarinta ama wanaajinta nonlosha dadweynaha dunida. Isboortigu wuxuu isu soo
dhoweyaa shaksiyaad, beelo, iyo bulshooyin. Isboortigu wuxuu dhisaa buundooyin ama
Bridges isku xira, wuxuu u diga rogaa in lagu beero miraha horumarka iyo nabada.''
sidaa waxaa yiri Wilfried Lemke, Special Adviser to the Secretary-General on Sport
for Development and Peace
Adeegsiga awooda Isboortiga: Sida aan ognahay Isboortiga waxaa cayaara dhalinyarada
waana kuwa lagu tuhmayo awooda jireed oo ay ku mataanaysantahay wax qabad dhab ah.
Qofka dhalinta yar hadii aan lagu ababin hawsha intuu yaryahay, way ku adkaataa
marka uu weynaado. dhanka kalena qof hawl bartay marna ma ahaan karo hawl la'aan.
Diinteena wanaagsani wexey nooga digtaa wax kasta oo xun si aanan u caadeysan. Waxaa
Soomaalidu taraahdaa waxaad barataa waa baaskaa ama badhaadhahaa, shar iyo khayr
kaad dooratid. hadii aan aduunka cashar ka qaadano.
Waxaa aan leenahay aqoontii, xirfadii, iyo rabistii. Waxaan u arkaa in meel kasta
oo bulsho degantahay u baahantahay in la jiheyo dhalinta si loogu diyaariyo mustaqbalka,
dunadu inama sugeyso inaan ka horeyno mooyee ka hadhis ma laha!.
(Waxaan ka codsanayaa in la ixtiraamo xuquuqda qoraha lana weydiisto kubadda.com
ama qoraha ogolaanshaha dabacaada qayb ama dhamaan qoraalkan)
Waa inoo qormada dambe,
W.Q.: Xasan M. Faarax (Macalin John)
Unable to display the items (requesting the items failed)
H Farah
Other posts by H Farah
Contact author