Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London
M Sheikh

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Habeenkii Isniinta oo taariikhdu ahayd 10/06/2013 ayaa ay ku kulmeen xubnaha ku jira xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed kuwooda qurbo joogta ah, maqaayad ku taal galbeedka London oo la yiraahdo Blue Ocean. Kulankan ayaa uu soo abaabulay xoghayaha guud ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah.

Isku imaatinka ayaa uu sheegay xoghayuhu in ay ahayd isbarasho, xubnaha dhexdooda maadaama ay doorashooyinkii dhawaanta dhacay lagu soo doortay xubno cusub oo qaarkood deegaan u ah dalka united Kingdom sida xiriirka Kubadda Gacanta iyo kan Kubadda Kolayga.

Xubnaha xilalka kala duwan hayay oo goobta isku yimid ayaa ay kala ahaayeen:

1. Duran Ahmed Farah , Xoghayaha guud ee G.O.S.
2. Mohamed Cabdullaahi Ali, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubadda Gacanta
3. Nuur Ahmed Maye, Xoghayaha xiriirka kubadda Gacanta
4. Cabdi Salaan, Xubin xiriirka kubadda Gacanta
5. Bashiir Yusuf Mohamed, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubadda Kolayga
6. Xaawo Taako, mid ka mid ah Gudoomiye ku xigeenada xiriirka kubadda Kolayga
7. Mohamed Sheikh Abdi, Xubin xiriirka kubadda Kolayga
8. C/Rashiis Isloow Ahmed, Xubin Xiriirka kubadda cagta
9. Xuseen deeq, xubin G.O.S.

Ugu horayntii waxaa hadalka furay xoghayaha guud ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah. Oo aayado quraan ku furay kadibna ka hadlay qaybta uu uga jiro Olombikada iyo waxa ay shaqadiisu tahay.

Xoghayaha wuxuu ka faalooday doorashooyinkii ugu danbeeyay ee Xiriirada kubadda Gacanta iyo kan Kolayga sidii ay u dhaceen iyo dhibaatooyinkii yaraa ee lagala kulmay, waloow uu sheegay doorashada xiriirka kubadda Gacanta in uu san ahayn mid dhib badan lagala kulmay. Balse kan kubadda Kolayga uu ahaa mid sababay in uu qaato maalmo dhowr ah balse ku soo dhaamaday si farxad leh.

Xoghayuhu wuxuu kaloo warbixin kooban ka dhiibay safarkiisii ugu danbeeyay ee uu ku tagay dalka Maraykanka magaaladiisa New York 5tii ilaa iyo 6-dii Juun 2013, kaas oo ahaa kulan isku imaatin ah ay soo qaban qaabiyeen Hayadda Qaramada Midoobay (United Nations). Kaas oo looga hadlayay in loo adeegsado cayaaraha xagga Nabadda iyo waxsoo saarka (Sport for Peace and Development). Kulankan oo dhwrkii sano ba mar la qabto ayuu sheegay in Soomaalidu ay ka ahayd member ilaaa iyo sanadii 2007.

Mudane Bashiir Fox, ayaa isna ka hadlay kadib markii loo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubadda Kolayga in uu tagay Soomaaliya. Kana hadlay wixii uu ku soo arkay iyo baahida tirade badan ee ka jirto kor u qaadida aqoonta cayaar yahanada iyo dayactirka ay u baahan yihiin garoomada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Gacanta Mohamed Abdullahi Ali oo aad ugu dheeraaday waxqabadka Xiriirka iyo howlaha horyaal mustaqbalka dhow, wuxuuna halkaa uga mahadceliyey dhammaan xubnaha xiriirka oo isku duuban sida hagar la'aanta ah ee ay u wada shaqeeyaan iyo kaalinta mugga leh oo Xoghayaha Xiriirka Nur Maye Osman ku tilmaanay shaqsi ku dayasho mudan.

Xuseen Deeq, oo dhawaan asna ka mid noqday dhalinta da’da yar ee la shaqayn doonto maamulka G.O.S. ayaa ka hadlay kulan uu dhawaan ku tagay dalka Sweden, halkaas oo uu kula kulmay Gudoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, faallo dheerna ka bixiyay howsha hortaal iyo sida uu damacsan yahay in uu ku caawiyo dhamaan xiriirada oo dhan.

C/Rashiis Isloow Ahmed, ayaa isna ka faalooday horumarka ay ku talaabsadeen Xiriirka kubadda cagta, iyo heerka wada shaqayntoodu tahay. Asagoo sheegay in waqti iyo lacag badan xiriirka uga bixi jirtay in cayaar yahanada lagu xareeyo wadamada dariskeena ah marka tar tamadu ay soo dhawaadaan, balse hada Waxaa Illaah mahadiis ah ayuu yiri in aan dayactiranay garoonkeenii Stadio Koonis.

Inkastoon halkaan aanan ku soo koobi Karin dhamaan aqoon iswaydaarsigii barashada iyo soo dhawaynta maamulayaasha cusub ayaa waxaan dhihi karaa jawiga goobtu wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo runtii looga wada hadlayay sidii lagu hor marin lahaa cayaaraha Soomaaliyeed gabi ahaantood. Kulankaa oo u qabsoomay sidii loogu tala galay wuxuu ku soo idlaaday jawi farxadeed iyo isku hambalyeyn.

W/Q: Mohamed Sheikh Abdi (weli)


Previous Article Xaflad Hambalyo iyo taageero soo dhaweyn maamulka cusub ee XSKK London loogu qabtay
Next Article Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK
Print
6566 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top