Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Koobka Qaramada Afrika 2013
H Farah
/ Categories: Sports News, Football

Koobka Qaramada Afrika 2013

Koobka qaramada Afrika waa muraayadda laga arko lagana qiimeeyo Kubadda Cagta Afrika. Ciyaartoyda afrika waa gaareen guulo shakhsi, welise ma gaarin guulo kooxeed oo wax ku ool ah. Waxaa kooxaha Yurub u arkaan tartankan meel laga soo xusho xidigaha mustaqbalka. Waxaa kale oo soo badanaya daawashadda ciyaaraha ee qaarada Afrika dibadeeda, taageerayaasha kooxaha yurub wexey taageeraan qaranka uu ka tirsanyahay ciyaartoyga ay jecelyihiin.

Waxaa dhamaan kooxaha tartanku wada cayaareen tiro is le’eg ama mid ah oo ah laba cayaarood waxaana la mala awaali karaa awooda iyo rajada kooxaha. Mar aam u fiirsanay waxaa qaybta A oo kala ah South Africa, Cape Verde, Morocco, iyo Angola waxaa kooxda martida loo yahay ka go’an iney gaaraan isreebreebka waana wada jir kooxeed, waxaa la filan waa ku noqotay bandhiga jaziiradaha Cape Verde, waxaan heerkoodii ka gaabshay Angola.

Group A

Team Played Goal Difference Points
South Africa 2 2 4
Cape Verde 2 0 2
Morocco 2 0 2
Angola 2 -2 1

Kooxaha qaybta B, oo kala ah Ghana, Mali, DR Congo, iyo Niger waxaa hogaanka haya xidigaha Ghana oo guul iyo barbar dhac afar dhibcood ku leh, halka Mali saddex dhibcood ayey leedahay. DR Congo waxaa ay ku gudbi kartaa iyadoo Mali ka badisa, hase yeeshee Niger ma rajo badna maadaama ay Ghana u hartay.

Group B

Team Played Goal Difference Points
Ghana 2 1 4
Mali 2 0 3
DR Congo 2 0 2
Niger 2 -1 1

Qaybta C oo kala ah Burkina Faso, Nigeria, Zambia, iyo Ethiopia waxaa ay u muuqataa in labada ugu horeeya soo gudbayaan maadaama Ethiopia rajo yartahay Zambiana u baahantahay iney ka guuleysato Burkina Faso.

Group C

Team Played Goal Difference Points
Burkina Faso 2 4 4
Nigeria 2 0 2
Zambia 2 0 2
Ethiopia 2 -4 1

Qaybta D, oo ka kooban Ivory Coast, Tunisia, Togo, iyo Algeria, waxaa Ivory Coast hubtaa iney u gudubtay heerka sideeda xooxood maadaama laba guulood ay hanatay waxaase su’aashu tahay Togo iyo Tunisia yaa tegayya yaana hore u sii talaabsanaya? Algeriana ma fara madhnaan ayey ku noqonaysaa?

Group D

Team Played Goal Difference Points
Ivory Coast 2 4 6
Tunisia 2 -2 3
Togo 2 1 3
Algeria 2 -3 0

Waxaa tartanku gaaray heerkulul, koox kastana rajo iyo raja xumi soo eegeyso yaa soo baxaya? Ivory Coast iyo …. Wakhtigaa sheegi.

W/Q: Hassan Farah (macalin John)


Previous Article Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink
Next Article Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda
Print
6128 Rate this article:
No rating
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top