Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Football

Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Waaxda farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegtay in xiriirku aad ugu rajo weynyahay in is badal weyn uu ku imaan doono cayaartoyda Soomaaliyeed gaar ahaana dhinacyada xirfada, farsamada iyo qaab ciyaareedkooda, hadii horyaalka dalka lagu cayaaro garoon heer caalami ah, isla markaana xulka qaranka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku tababar qaataan garoon ku qalabeysan cowska casriga ah, taasoo la filayo in ay dhacdo bisha September ee sanadkan.

Agaasimaha waaxda farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna macalinkii hore ee qaranka Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in baahi weyn oo ay tabayaan cayaartoyda Soomaaliyeed ay tahay maqnaashaha garoon heer caalami ah oo ay tababarada ku sameeyaan laguna cayaaro horyaallada dalka, isagoo intaa raaciyay in ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed oo aan fursad u helin garoon cows leh oo dalkooda gudihiisa ay kula tababar qaataan ay sabab u noqotay in cayaartoyda Soomaaliya marka ay dibadaha tagaan ay dhibaato xoogan kala kulmaan la qabsashada garoomada cowska leh oo ay ku cayaaraan.

“Cayaartoydeenu waxay ku tababartaan horyaalada gudahana ku dheelaan garoomo bacaad ah, sababtoo ah dalku wali ma lahan garoon heer caalami ah maadaama garoomadeenii bur bureen taasina waxaa ay sababtaa in cayaartoydeena xulka qaranku ay laba arrimood wajahaan marka ay dibadaha tartamo u tagaan, waa tan koobaade cayaartoydu waxaa ay caqabad kala kulmaan la qabsiga garoomada cowska artifishaalka ah leh tan labaadna waaba arintii ay meesha u tageen oo ah in ay tartan galaan, halka xulalka kasoo horjeedana ay xooga uun saaran xakameynta cayaarta maadaama aysan iyagu dhibaato ku qabin garoomada noocan oo kale ah oo ay dalalkooda ku heystaan”yuu yiri agaasimaha waaxda farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed oo maanta war saxafadeed kasoo saaray xarunta xiriirka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha farsamadu waxaa uu carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu aad ugu rajo weynyahay in bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kalaba ay arki doonaan is badal dhanka horumarka ah oo laga dareemo horyaallada gudaha iyo tartamada xulka qaranku ay dibadaha u aadaan, isagoo intaa ku daray in is badalkaasi imaan doono ka gadaal markii la gaaro in horyaalada dalka lagu dheelo garoomo heer caalami ah taasona la filayo in ay d hacdo isla marka Ururka FIFA uu soo dhameystiro dhismaha garoonka Stadium Banaadir.

Dhankiisa madaxa guddiga tartamada ee xiriirka Soomaaliyeed e kubada cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali shine) ayaa sheegay in hadii la dhameystiro dhismaha garoonka Banaadir aad loo rajeynayo in xiisaha horyaalada dalka lagu qabto uu si aad ah sare ugu kici doono.

“Inta badan shacabka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaarta kubada cagta, waxaana ay mar kasta muujinayaan sida aadka ah ee ay u daneynayaan in ay daawadaan horyaallada dalka oo lagu cayaarayo garoomo heer caalami ah—maalin kasta waxaan la kulanaa dad tiradoodu sii kordheyso oo imaanaya garoonka dhismuhu ka soconayo ee Stadium Banaadir si ay bal ula socdaan halka dhismuhu marayo, waxaana ay na weydiiyaan su’aalo ku saabsan xiliga la filayo in horyaalka heerka 1-aad ee dalku uu ka furmo garoonkan dhismuhu ka socdo”ayuu yiri madaxa guddiga tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi maxamed (Cali shine).

“Waligeey ma arkin dalkeena oo leh garoon ku qaabeysan cows-ka casriga ah, halkan waxaan imaadaa todobaadkiiba laba jeer si aan usoo eego qaabka dhismaha garoonku u soconayo iyo in uu dhamaad ku dhowyahay, waxaana nafteyda ku qanciyaa in wax wanaagsani noosoo dhaw-yihiin”ayuu yiri Axmed Salaad oo 28 jir ah mar uu shalay jimcihii soo booqday garoonak Stadium Banaadir.

“Sugitaanka dhismaha garoonkan waa ay daba dheeraatay, fadlan nagasoo dedejiya”ayuu wiilkaasi u sheegay masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo garoonka ku sugnaa shalay.

“Imaashaha dad aad u fara badani ay garoonkan maalin kasta imaanayaan waxaa ay muujineysaa xiisaha sii kordhaya ee dad weynaha Soomaaliyeed ay u qabaan in ay usoo daawaasho tagaan horyaalka dalka Soomaaliya oo lagu cayaarayo garoomo heer caalami ah, taasina waa sababta aanu u saadaalineyno in xiisaha horyaalka Soomaaliya uu sare usii kici doono marka FIFA ay soo dhameystirto dhismaha garoonka, sababtoo ah garoonka cowska artifishaalka ah leh ayaa ah wax dadka ku sucub ayna doonayaan mar uun in ay dalka ku arkaan”ayuu yiiri Mudane Cali Cabdi maxamed (Cali shine).

Dhankiisa mahad Maxamed Xaaji oo ka mida cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in uu si weyn u aamisanyahay garoon heer caalami ah oo dalku yeesho in ay sare u qaadi doontoi fursadaha xulka qaranka Soomaaliyeed ee loo yaqaano (Ocean Stars) ay u heli karaan guulo in ay kasoo hooyaan cayaaraha caalamiga a.

“Run ahaantii taas waan aamin sanahay, sababtoo ah waxaa tusaale noogu filan taariikhdii dhaweyd markii cayaartoyda xulka qaranka ee ka yar 17-ka sano ay dhigooda dalka Kenya ka reebeen tartankii dhalinyarada Afrika bishii April sanadkii 2009-kii, taana waxaa loo nisbeeyay in cayaartoyda da’yarta Soomaaliyeed ay heleen fursad ah in muddo 8 bilood ah ay tababar ku qaadanayeen garoon cows leh oo ku yaala dalka Jabuuti si weyna ay ula qabsadeen, cayaartii hore waxaan ku badinay 3-1 cayaartii dambe oo Kenya lagu qabtayna waxaa ay ku dhamaatay 0-0 sidaana Kenya ayaan ku reebnay”ayuu yiri Mahad Maxamed xaaji oo qudhiisu xiligaa ka mid ahaa xulka qaranka 17-ka sano da’doodu ka yartahay.

Si kastaba ha ahaatee horyalaka heerka 1-aad ee dalka ayaa lagu rajo weynyahay in uu garoonka Banaadir ka furmo 5-ta bisha September ee sanadkan sida uu xiriirku horay u shaaciyay, waxaana masuuliyiinta xiriirku ay ka dhowrayaan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu mudadaas ka hor dhismaha garoonka soo dhameystiro.

Garoonak shiinuhu dhisay ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa wali dagan oo uu hoy u yahay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta AMISOM halka garoonka Banaadirna uu dhisme ku socdo, waxaana taasi ay keentay in ilaa iyo 5-ta bisha September dib loo dhigo horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo lala sugayo marka dhismuhu soo idlaado.

Sanadkii hore ayaa mudoo laba jeer ah waxaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ay booqdeen garoonka Muqdisho iyagoo ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay isaga guuraan.

Afhayeenka AMISOM Colonel Cali Xaamud ayaa bishii October ee sanadkii hore sheegay inay ciidamadoodu garoonka ka baxayaan horaantii bishii December ee isla sanadkii tagay, laakin taasi ma dhicin waxaana ay keentay in uu baaqdo tartankii cayaaraha goballada dalka oo la qorsheynayay in 25-kii December ee sanadkii 2012-kii uu ka furmo garoonka Muqdisho.

Garoonkaas ayaa wali ah xero ciidan, waxaana masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay mar kale ku celinayaan baaqoodii ahaa in garoonka loo firaaqeeyo si howlihii loogu tala galay mar kale loogu qabsado.

Waxaa Qoray: Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)

Xigasho: SoomaalidaMaanta.com


Previous Article Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Next Article Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London
Print
6301 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top