Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale ’XISBIYO’

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale ’XISBIYO’

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shakhsi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

Kadib markuu go’aansaday in uu ka nasto xilka ciidanka wuxuu ku noqday gudoomiyihii naadiga Badda 1980 ilaa 1985, waxaana naadigu ku talaabsaday guulo fara badan.

Ibraahim oo aan lagu soo koobi Karin qoraal hawlihii uu ka qabtay horumarinta isboorti, wuxuu ahaa mid taagan tababrka kooxda si toos ahna ula hadli jirey ciyaartoy, taageere macalin ama kooxdiisa ha ahaado ama koox kale. Waxaa hal hays u ahaan jirey ‘’Hooy hooy’’, waxa uu qayb ka qaadan jirey tartamada dugsiyada, xaafadaha, iyo goboladda gaar ahaan gobolka Banaadir oo uu si joogta ah u taakulayn. Waxaan weli xasuustaa gobolka Banaadir oo ay guddigiisa ka mid yihiin Alle ha u wada naxariistee Axmed Dheere(Muqdisho), Ibrahim Xisbiyo, Faarax Kaynaan, iyo Nuur Xuseen.

Ibraahim Cilmi Bulaale waxaa lagu yiqiin runta inuu sheego, gartana caadil ka noqdo. Wuxuu soo gacan qabtay ciyaartoy magac dheer isboortiga ku yeelatay oo ay ka mid yihiin Warsame Dheere, Shiikha, Nuuradiin, Shiimad iyo in kale oo aad u fara badan.

Burburkii dalka kadib wuxuu ka mid noqday guddiga Olombigada Qaranka oo uu gudoomiye ku xigeen ka ahaa 1992 ilaa 1995. Xisbiyo wxuu ahaa bulshey, kaftan badan, naxariis badan, wuxuuna ahaa maamule aad ugu dhow dadkuu masuulka ka yahay.

Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu u soo adeegay xilalkiisii kala duwanaa, dhamaan inta Isboortiga jecel, iyo Bahda Kubadda kolayga Soomaaliyeed oo aan u kala harin wexey tacsi u dirayaan Ehelkii, Asxaabtii, iyo qoyskii Ibrahim Cilmi Bulaale Xisbiyo.

Waxaan tacsi gaar u direynaa caruurtiisa Cabdullahi, Yusuf, Guuleed, Cadar Iimaan Waaberi iyo Ducaale. Sidoo Kale Cumar Bile iyo Rashiid Foonka.

Ilaah ha u naxariisto, dembigiisa ha dhaafo, Janada Firdowsana degaankiisa ha ka yeelo.

Dhamaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ee ku kala baahsan aduunka , dhamaan bahda Isboortiga UK, Canada, USA, Sucuudigga, Imaaradka, Yaman, Kenya, Ethiopia, Australia iyo New Zealand wexey tacsi u dirayaan dhamaan Ehelka iyo asxaabta marxuumak, wexeyna dembi dhaaf, naxariis iyo Janadii Firdoesa uga baryayaan ILAAHA naxariista badan. Aamiin, Aamiin Aamiin.

Waxaa ayagoo aad uga xun Tacsi gudanaya asxaabtii uu marxuunka la soo shaqayn jiray iyo kuwii ay isku naadiga ka soo wada jeedeen oo aan la soo koobi Karin oo ay ka mid yihiin:

1. Cabdulqaadir Ibraahim Gacal ABKOW
2. Cabdulqaadir Bootaan Isomarey
3. Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Mahdi
4. Warsame Cali Cabdi
5. Nuuradiin Cali Saciid
6. Cabdirashiid Axmed BALASTIKO
7. Cabdullaahi Ahmed TARANBI
8. Maxamuud Muuse SHIIMAD
9. Cabdulqadir Xaaji Daahir SHIIKHA
10. Cabdullahi Sheikh Axmed GABALLE
11. Idiris Ibrahim SULEIMAAN
12. CIRRO oo jooga Hargeisa
13. Yasiin Maaxi Macalin
14. Guleed Aadan Xersi
15. Maxamed Sheikh Cabdi WELI
16. Xasan SHAFAL
17. Axmed Qanyare
18. OTTO DHEERE
19. Mahad Maxamuud Cabdi BILIG
20. Nadiifo Ibrahim Iidow
21. Saciid Juule
22. Xaawo Kiin Axmed Cabdulle
23. Cabdi M. Ciye CABDI DHEERE
24. Cabdiraxmaan M. GUHAD
25. Axmed Muuse Xuseen
26. Cabdulle Xirsi Cabdulle
27. Aadan Cabdi Maxamed QARDHAAS
28. Cali GUREY
29. Cabdulqaadir BIIN
30. Xasan Faarax JOHN
31. C/qaadir Maxamed Farax BIRIQ
32. Cabdurahmaan Maxamuud GUHAAD
33. Cabdulqaadir GARWEYNE
34. Axmed Xirsi Cabdulle A. BILE
35. Cabdixakiim Maxamed Siciid
36. Cabdullahi Abshir Cali
37. Liibaan Daahir Yuusuf
38. Khaliif Maxamed Cabdi
39. Cabdalle WADANI
40. Abuukar Dheere
41. Mahad Xerow
42. Axmed Guure
43. Dr. C/rahman Cunaaye
44. garsoore Cabdulaahi xaaji food
45. garsoore Maxamed Abuukar
46. garsoore Abshir Muxyidiin
47. garsoore Cali Hindi
48. garsoore Cadaani.
49. garsoore Cabduqaadir dheere
50. garsoore Sakariye Macalin
51. garsoore Muudeey.
52. garsoore Cabdi cabdule Baasaale.
53. garsoore Saacid Abukar.
54. garsoore maxamed fiidow
55. ciyaartoy Batuulo Qaasin,
56. ciyaartoy Geediyo,
57. ciyaartoy Hodan
58. ciyaartoy Suweys
59. ciyaartoy Faayareey,
60. ciyaartoy Aamow,
61. ciyaartoy Faay Aweys,
62. ciyaartoy Faadumo C/raxmaan.
63. Maxamed Ismaaciil
64. Siciid Ceyrow
65. Zakariya BALIILE

INAA LI LAAH WA INAA LAHU RAAJICUUN.


Previous Article Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London
Next Article Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport
Print
7995 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top